Qodobka 1-aad: Xiriirka kubada cagta Spain oo shaqada ka racadeeyeen tababare Julen Lopetegui wax ka yar 24-saac markii la shaaciyay inuu Real Madrid qaban doono koobka aduunka marka uu soo idlaado!

Qodobka 2-aad: Griezmann oo qaatay go’aan ah inuusan mustaqbalkiisa cayaareed ka hadlin inta uu koobka aduunka socdo taasi oo loo fahmay inuu kooxdiisa Atletico Madrid lasii joogi doono.

Qodobka 3-aad: Kylian Mbappé  oo dhaawac soo gaaray xili uu tababarka xulkiisa France ku guda jiray shakina laga qabo kulanka kowaad koobka aduunka inuu xulkiisa ka maqnaado.

Qodobka 4-aad: Atletico Madrid ayaa si rasmi ah naadiga Monaco kala heshiisay qiimaha Thomas Lemar waxayna ku qaadanayaan 80-milyan oo euro ah.

Qodobka 5-aad: Wiilka dhalinta yar Ainsley Maitland-Niles ayaa si rasmi ah kooxdiisa Arsenal ugu saxiixay heshiis waqtigiisa aad u dheer yahay.

Qodobka 6-aad: Halyeega Arsenal ee Swedish-ka ah Freddie Ljungberg ayaa si rasmi ah loogu magacaaba tababaraha 23-jirada Arsenal hogaamin doono.

Qodobka 7-aad: Cristiano Ronaldo ayaa qirtay in Mohamed Salah uu soo idleen karo awooda kubada cagta ay isaga iyo Messi ku heesteen in ka badan 10-sano.

Qodobka 8-aad: Sergio Busquets ayaa saxaafada u sheegay in madaxweyanaha Barcelona Jose Maria Bartomeu uu koobka aduunka la doonayo inay Argentina ku guuleestaan sidoo kalena Messi riyadiisa u rumowdo!

Qodobka 9-aad: Jose Mourinho ayaa sadaaliyay in Ingiriiska wareega 8-aad koobka aduunka soo gaari doonaan balse ay ku bixi doonaan gacanta Brazil.

Qodobka 10-aad: Arsenal ayaa rajeeneyso inay si dhaqsi ah kusoo gaba gabeyso saxiixyada goolhaye Bernd Leno (Leverkusen) iyo Gelson Martins (Sporting Lisbon).

Qodobka 11-aad: Sida The Mirror ay qortay Man United ayaa gabi ahaanba iska dhaaftay soo qaadashada Danny Rose oo daafaca garabka bidix Tottenham kaga cayaaro.

Qodobka 12-aad: Sida Tuttosport qortay Juve ayaa ku dhow inay soo gaba gabeeso saxiixyada labada cayaaryahan ee kala ah Joao Cancelo iyo Aleksandr Golovin.

Qodobka 13-aad: Chelsea iyo Juventus ayaa wada hadal la fureen daafaca naadiga Atletico Madrid Stefan Savic sidii ay xagaagan kusoo qaadan lahaayeen.

Qodobka 14-aad: Inter Milan oo hormar wacan ka sameeneyso soo qaadashada Nainggolan oo 30-jir ah kooxdiisana Roma u ogolaatay inuu San Serio u dhaqaaqo.

Qodobka 15-aad: Sida Corriere dello Sport qortay AC Milan ayaa dhigeeda Chelsea ka dalbatay in goolhaye Gianluigi Donnarumm looga badasho Alvaro Morata.

Qodobka 16-aad: Man City iyo cayaaryahankeeda Raheem Sterling oo ku heshiin waayeen in heshiis waqtigiisa dheer yahay uu saxiixo.

Fadlan Share Garee Sidoo Kalena Fikirkaaga ka dhiibo qodobkii kusoo jiitay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR