Sabab la xidhiidha ganaaxa Man City ee champions League wargayska Bild ayaa sheegaya in ay jiraan qaar ka mid ah xiddigaha kooxda oo isaga tagi doona kooxda xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne kana mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Man City ayaa la sheegayaa in uu hogaaminayo Liiska 4 xiddig oo isaga tagi doona kooxda Hadii ay ku fashilanto racfaanka ay ka qaadanayso ganaaxa champions League.

Xiddiga reer Belguim ayaa xiiso ka helaya kooxaha Real Madrid iyo Juventus kuwaas oo si dhaw ula socda xaalada xiddiga iyo waliba kooxda Man City.

Xiddiga garabka uga ciyaara ee Leroy Sane ayaa dhankiisa ugu dambayn isaga tagi doona kooxda Man City isaga oo ku biiri doona kooxda Bayern Munich oo doonaysay saxiixiisa sanadihii ugu dambeeyay.

Waxa ugu dambayn ka mid ah xiddiga Sergio Aguero iyo waliba xiddiga garabka ka ciyaara ee Raheem Sterling kuwaas oo sugaya dalabyo u yimaada xagaaga hadii ay kooxdu ku fashilanto racfaanka.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE