(Manchester) 10 Jan 2019. Shan Laacib oo ka tirsan safka hore ee Mancehster United ayaa UUR loo leeyahay iyagoona filanaya in sanadkan gudihiisa ay Ubad helaan.

Red Devils ayaa qaab ciyaareed fiican ku jirta tan iyo sidii kooxda looga ceyriyay Jose Mourinho oo si qurux badan ayay ku adkaadeen shantii kulan ay ciyaareen ilaa iminka.

Haddaba xiddigaha dhawaan filanaya Ubadka Cusub ayaa sidoo kale doonaya inay Koob ku soo dhaweeyaan caruurtooda Cusub.

Pogba oo afar gool dhaliyay saddexna caawiyay afar kulan gudahood ayaa koow ka ah xiddigaha Uurka loo leeyahay oo Gacalisadiisa Maria Salaues oo xaamilo ah ayaa la arkayay iyadoo daawaneysa kulamadii ay Man United ka adkaatay Huddersfield iyo Bournemouth.

 His girlfriend Maria Salaues was spotted at both games showing off her baby bump

Victor Lindelof ayaa isna goor dhow canug filanaya kaddib markii uu guursaday xiddigta reer Swedish Maja Nilsson xagaagii la soo dhaafay.

 Victor Lindelof's wife Maja Nilsson is set to give birth in the spring

Daafaca kale ee Manchester United Chris Smalling ayaa isna waxaa uur u leh xaaskiisa Sam Cooke.

 Chris Smalling and model wife Sam Cooke announced their good news on New Year's Eve

Xiddiga qadka dhexe ee reer Brazil Fred iyo daafaca reer Talyaani ee  Matteo Darmian ayaa iyaguna sanadkan filanaya inay helaan caruur.

 Fred is one of five Manchester United players expecting a baby this year

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR