THE BEST INDEPENDENT RELIABLE SOMALI NEWS WEBSITE

Faahfaahin naga soo gaartay Kooxo hubeysan oo Qarxiyay Xarunta UNDP Muqdisho Gudaha xaruntaasna weli ka dagaallamaya
Dagaal kulul ayaa ka socda xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay gudaha ugu jiraan rag hubeysan oo xiran jaakadaha qarxa, kuwaasoo la sheegayo inay la wareegeen xarunta.

Xarunta ayaa marka hore Albaabkeeda waxa ka dhacay Qarax xoog leh kaasoo ahaa baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu furtay gudaha xarunta, iyadoo markii dambena ay rag hubeysan gudaha xarunta galeen.

Qarax kale ayaa laga maqlay gudaha xarunta, kaasoo waxooga ka yara duwanaa qaraxii hore ee albaabka lagu furtay, kaasoo ahaa mid aad u xooggan oo magaalada oo dhan laga maqlay.

Rag aad u hubeysan ayaa la wareegay xarunta oo ay wali rasaas ka ridayaan, waxana ay xirnaayeen dareyska ciidamada dowladda iyo dharka gaarka ah ee Ciidamada ilaaliya xarunta UN-ka.

Rasaasta la maqlayo ayaa isugu jirta kuwa ka dhaca qoriga BKM iyo qoryaha fudud, waxana ragga hubeysan ee galay xarunta ay qaarkood ku hubeysnaayeen qoriga BKM oo u sahli kara inay muddo goobta ka dagaallamaan.

Waxaa weli laga cabsi qabaa gaari bannaanka xarunta yaalla oo ah midka ay ka degeen kooxihii gudaha u galay Xaruntaas inay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayey u suurageli la’dahay inay galaan gudaha xarunta, waxaana kooxaha gudaha ugu jira xarunta la sheegay inay durba koreen daarta xarunta UNDP.

Qasaaraha ka dhacay gudaha Xarunta ayaa aad u badan iyadoo la sheegayo in Xaruntaas ay weli gacanta ku hayaan Kooxihii qabsaday.

Guddoomiye-Kuxigeenkii Maamulka Kismaayo oo madaxa laga toogtay iyo Ciidamada Kenya oo Kismaayo qarax lagula eegtay
Qarax xooggan oo maanta barqadii lagula eegtay xaafadda Via Afmadoow ee bartamaha magaalada Kismaayo ayaa waxa ay qasaaro lixaad leh kasoo gaartay ciidamada Kenya, Goob Joogayaal ku sugan Kismaayo ayaa soo sheegay in gaari nuuca ciidanka Xambaara ah uu gubtay kadib markii miino dhulka lagu aasay ay la qaraxday. In kabadan 9 askari oo la socday gaariga ayaa dhimatay waxana kale oo dhaawacyo halis ah ay soo gaareen askar saarneyd gaariga gubtay.

Afhayeenka ciidanka Milleteriga Kenya Chirchir ayaa barta Twitter-ka ku sheegay in gaari looga gubay Kismaayo balse wuxuu inkiray in wax dhimasha ah ay soo gaartay Askartooda isagoo warkiisa kusoo gaabiyay “gaari ayaa Kismaayo nooga waxyeelloobay askarna way nagaga dhaawacantay wax dhimasho ah majiraan”.

Dhinaca kale ilo wareedyo laga helay Kismaayo ayaa sheegaya in Rag hubeysan ay weerareen Yaasiin Raadaar oo ah guddoomiye Ku xigeenka maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo. Saraakiisha Barre Hiiraalle ayaa maleeshiyaadka Axmed Madoobe ku eedeeyay in ay toogteen Yaasiin Raadaar xilli uu ku howlanaa qaadista isbaaro tiillay bartamaha magaalada.

Yaasiin Raadaar oo madaxa laga toogtay ayaa sida wararku nagu soo gaarayaan dhaawaciisa waxa uu yahay mid culus oo wax looga qaban waayey Isbitaalka ay Kenya ku leeyihiin Garoonka Kismaayo, waxana lagu wadaa in loo duuliyo magaalada Nairobi.

Qormadii uu DONALD KIPKORIR Soomaalida ugu gafay, dhulka Soomaaliyeedna Kenya iyo Itoobiya u kala qeybiyay oo Af-Soomaali lagu turjumay (Qore:-Aden Col-ujoog)
Waxaa turjumay: ADEN COLUJOOG, Tifatiraha Allgedo.com,  adencolujoog@yahoo.com

ARAR: Dhamaan dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka, Asalaamu Caleykum Waraxma tulaahi wa barakaatuhu, bacda salaam, codsi iiga yimid qaar ka mid ah asxaabteyda iyo kuwo ku xiran qoraaladeyda awgood, waxaan halkaan kusoo gudbinayaa qoraal aan turjumay, kaasoo ah mid horay dadka Soomaaliyeed ee akhristay iyo intii maqashayba si weyn uga careysiiyay.

Qoraalkaas oo uu cinwaankiisu ahaa “Why Kenya and Ethiopia ought to annex and divide Somalia?“, ayaa waxaa sanaddii 2008 qoray qoraa Keenyaan oo la yiraahdo Donald Kibkorir, kaasoo kusoo baxay bogga hore ee jariidadda Daily Naiton ee dalka Kenya.

Qoraalkaas oo dhan markii laga eego qowmiyadda umadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba si weyn loogu gafay, ayaa haddana dhanka kale sida aad hoos ku arki doontaanba waxuu qoraagu horay usii odorosay in ay Kenya iyo Itoobiya waajib ku tahay in dhulka beylahda ah ee Soomaaliyeed oo aanay jirin cid ka hor taagan ay qeybsadaan kuna kala darsadaan dalalkooda.

Waxba yaanan hadalka ku dheeraane, waa kuwaan hoose qoraalkaas oo aan turjumay iyo asaga oo Ingiriis ku qoran ee kii aad rabto kaga bogo nuxurka uu xambaarsanaa qoraalkaas jaa’ifada weyn xambaarsan, dadka Soomaaliyeedna ku tilmaamay in ay yihiin wax aan jirin oo u baahan in la qeybsado, dabadeedna masrax siyaasadeedka adduunka lagu matalo:

Why Kenya and Ethiopia ought to annex and divide Somalia?”

by DONALD KIPKORIR, dkipkorir@ktk.co.ke

Friday, October 03, 2008

Maxay Kenya iyo Itoobiya iskugu fidin waayeen oo ay u qeybsan waayeen Soomaalia?

Waxaa turjumay: ADEN COLUJOOG, adencolujoog@yahoo.com

Sabti, Juun 08, 2013

Maxay Kenya iyo Itoobiya iskugu fidin waayeen oo ay u qeybsan waayeen Soomaalia?

Bishii hore, Lehmans Brothers iyo Merrill Lych, bangiyadii maalgelinta ee adduunka ugu weynaa, ayaa noqday kuwo kacay, waxaana marqaati ka aheyn khal-khalkii dhaqaale ee ka dhacay caasimadaha reer galbeedka, ayada oo waxyaabihii caalamka ugu hadal haynta badnaana ay ahaayeen: Sidii ay Washington u heli laheyd samato-bixinta bangiyada kacay, 50 nin oo shufto arxan laawe-yaal hubeysan ah oo qaarka sare qaawaan, oo saran doonyo uusan sameyskoodu fiicneyn ayaa xeebaha Soomaaliya ku qabsaday markab ay saran yihiin 33 taangi oo noocoodu yahay T-72, gantaalada garbaha laga rido iyo qoryaha lidka diyaaradaha. Kaddib markii aan arkay qabsashadii markabkii MV Faina iyo wadahadaladii istaagay ee maraakiibtii dagaalka ee Mareykanka iyo Ruushka ee ku hareereysnaa ayaa waxaan ku fekeray laga yaabee in la joogo waqtigii mushkiladda Soomaaliya xal waara laga gaari lahaa.

Ilaa iyo sanaddii 1960, wadanku waxuu ahaa mid fawdo ah oo guri u ah argagixisada iyo burcad badeedka. Burcad badeedku waxay noo sheegeen in hubka ay qabsadeen ee khalkhalka iyo jahawareerka ku abuuray Washington in uu ku socday, Nairobi iyo Khartuum. Hadday run tahay meesha hubka loo siday in ay tahay Koofurta Suudaan, sida ay sheegeen, waxaan la meel taaganahay markii ugu horeysay go’aanka ay qaadatay xukuumadda Kibaki.

Anigu waxaan taageere u ahay qorshaha siyaasadda arrimaha dibadda xataa haddii uu naga horkeenayo wadamada aan cadowga nahay ee ku kaca falalka sheydaanimo ee ay xukuman kaligood taliye-yaasha sida Khartuum. In la caawiyo dowladda Koofurta Suudaan ee aan qorshaha fog ka leenahay waa lagama maarmaan, in aan sidaas yeelnana ka xishoon meyno.

Runta jirtaaye waxay tahay, maadaama aan nahay xulufada reer Galbeedka, Kenya waxay cadow ku tahay wadamada Carabta oo ay Suudaan ku jirto. Haddaba in la’isku balaariyo Soomaaliya waxay ka mid tahay qorshe daneedkeena, waana in aan sidaas yeelno hadda inta uu socdo bur-burka dhaqaale ee ay indhaha adduunka naga sii jeedaan.

Soomaaliya waxay dal ahaan un uga muuqataa maabka adduunka, waana dal fashilmay. Waa dal u kala jajabay unugyo badan oo ay tiiba iskeed u madax banaan tahay iyo jifo-jifo. Xubnaha 90-ka ah ee uu golahooda howl-wadeenada ka kooban yahay waxay astaan u tahay tirada unugyada rasmiga ah. Wadankaan Geeska Afrika malahan dowlad shaqeysa. Waxa loogu yeero dowladda ku meel gaarka ah ee uu hogaaminayo Cabdulaahi Yuusuf Axmed, waxay xabsi ahaan ugu jiraan ayaga oo dhiban dhismaha madaxtooyada. Ma jiro ciidan taagan iyo mid fadhiya iyo nidaam xeer ilaaineed toona.

Arrinta marka dhan walba laga eego, Soomaaliya waa god modow marka la eego xeerka caalamiga ah. Marka la raaciyo Afganistaan iyo bakistaan, dhamaantood waxaa loo yaqaan dhulka tababarada iyo gabaadka argagixisada caalamiga ah. Kenya waxuu dhib weyn kasoo gaaray falalka argagixiso-nimda, taasoo u hor seeday in ay qarka u fuusho bur-bur ku yimaada ilaha dhaqaale ee dalxiiskeeda. Ma awoodi karno in aan mar kale wajahno weerar sidaas oo kale ah. Waxaan leenahay awood aan ku hormarino dalxiiskeena si aan ula tartano, haddiiba aanan ka dheereyneyn dalalka Masar iyo Koofur Afrika. Laakiin sidaas ma sameyn karno haddii ay Soomaaliya sii ahaato dowlad la’aan. Soomaaliya waxay daris yihiin dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Waa run, in ay Itoobiya iyo Kenya kaliya yihiin kuwa danaha gaarka ah ka leh Soomaaliya.

Jabuuti wali waxay ku nooshay noolal badwi ah, waana xarun un wax lagu keydiyo ama laga dhoofiyo oo aanan xataa awoodi karin in ay biyo siiso dadkeeda oo gaaraha 600,000 oo qof, kuwaasoo lagu qasbay in ay cabaan biyo Faransiiska laga keenay ama Kooka Koola. Haddaba, Jabuuti waxay banaanka ka tahay baaritaanka loogu jiro sidii xal waaraa looga gaari lahaa mushkiladda Soomaaliya. Kenya iyo Itoobiya waa in ay kala gooyaan Soomaaliya oo ay kala qeybsadaan, ayada oo ay qeybtana ka bilaabmeyso loolka darajada 4 halka uu ka gooyo, ayada oo uu dal walbana qaadanayo dhulka loolkaas ka sareeya ama ka hooseeya. Qeybtu waxay labada wadanba ku kordhineysaa dhulkooda qiyaastii 300,000 sq km iyo dad ay tiradoodu gaareyso shan milyan.

Markii ay Kenya iyo Itoobiya u diraan ciidamadooda wada socda Soomaaliya oo ay ku dhawaaqaan isbalaarintooda, waxaan ku matali doonaa dunida, xaalkuna waxuu noqon doonaa mid dhamaaday oo aanan dib looga wada hadli doonin. Sanadkii 1845, dalka Ameerika waxuu isku balaariyay oo uu dhulkiisa ku darsaday gobolka Texas oo uu ka boobay dalka Mexico, waxaana lagu qasbay sharci dejiye-yaashii gobolka Texas in ay sharciyeeyaan oo ay aqbalaan sharciga cusub ee gobolka lala wareegay. Isku fidintaas iyo ku darsashadaas gobolka Texas ilaa iyo manta waa jiraa oo waa dhaqan galay, si aad si fiican arrinka ugu sii fahanto, madaxweyne George W. Bush waxuu ku faraxsan yahay in uu yahay nin u dhashay kana soo jeeda gobolka Texas.

Kenya iyo Itoobiya, markay sharci dejie-yaasha Soomaalida ogolaadaan oo ay meel mariyaan qeybta dalkooda iyo sida aan dalalkeena ugu kala darsanay, isbalaarintu wayba dhaqan gashay. Mar kastaba, inta badan, haddii aanay mar walba aheyn, sharci dejiyeyaasha Soomaalida waxay joogaan Nairobi. Waxaan isugu geyneynaa mid ka mid ah Hoteeladeena waxaana u qeybineynaa sharcigii lagu kala qeybiyay dalkooda. Markii ciidamadii huwanta ay Jarmalka ka xoreeyeen Fuhrer Adolf Hitler, waxay u direen sharcigii Berlin. Qarashka nooga baxayo isku fidinta Soomaaliya waxaa laga bixin doonaa Muqdishu. Sida la ogyahay, Soomaaliya waxaa dhex ceegaaga saliid fara badan, gaas dabeeci ah, macaadinta uranium-ka iyo iron ore.

Wax yar kaddib un markaan isfidino, waxaan macsuumi doonaa saaxiibadeena aan isku ujeedada nahay ee wadamada dibadda (fadlan, maya china) in ay yimaadaan oo ay qeyraadka noo soo bixiyaan. Keenyaatigu waa in ay ogaadaan, in kasta oo ay Soomaaliya tahay dal bur-burburay ama fashilmay, haddana waxaa jira meelo ay ku fiican yihiin oo soo jiidasho leh. Ayaga oo aanan laheyn hanaan dhaqaale oo degsan, haddana marka la xisaabiyo dakhliga guud ee dalkooda (its gross national income per capita is) waa US$600 (Sh40,000), halka uu kaayagana ka yahay $550 (Sh36,800). Jaamacadahooda oo aanan qarash loogu tala galay laheyn ee ay mileeshiyooyinka hubeysan waardiyeen, saddex ka mid ah waxay Afrika kaga jiraan 100-ka ugu horeeya. Sharciga adduunka waxuu mamnuucayaa in ay dowladi xoog ku gasho xuduud uu dal leeyahay iyo kuwo siyaasad ahaan u madax banaan. Soomaaliya labadaas midna malahan. Laakiin, sharciga sidoo kale waxuu aqoonsanayaa in aan dib loo celin karin howl dhamaatay sida wadamadii ka go’ay USSR iyo Yugoslavia, iyo isku balaarintii ama isku fidintii gobolka Texas.

Qawaaniinta caalamiga way neceb tahay in dib loogu noqdo howl soo dhamaatay, waa haddii la rabo adduunku in uu hagaago. Hadaanan isku fidin Soomaaliya hadda, waxaan noqon doonaa kuwo uu dhib kasoo gaaro dowlad la’aantooda oo ay yada la degto, mana noqon doono kuwo gaara qorshaho siyaasadeedkooda arrimaha dibadda ee ay gobolka ka leeyihiin, ama hanashada goolka aan rabno in aan hiigsano sanada 2030. Waqtigii Soomaaliya la’isku fidin lahaa oo la kala qeybin lahaa waa hadda, haddii aan sidaas yeelnana, dowladaha Mareykanka iyo Ruushka aad bay raali uga noqon doonaan.

Waxaa turjumay: ADEN COL-UJOOG, Tifatiraha Allgedo.com,  adencolujoog@yahoo.com

Tarjumo kale ee 2008 ee Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Halkan ka eeg

Halkaan ka akhri qormada la turjumay oo ku qoran luuqadda Ingiriiska

PROF SAMATAR: “FROM SOOMAALI TO SAMAROON” (W/Q:-Abdulkadir Osman “Aroma”)
Qurba-joog ambadayoo, af-qalaad la wacan yahay

Aayadaha Qur’aankiyo, Axaadiista Nabigiyo

Dhaqankii awoowiyo, hiddihii ab laga gaar

Midaan hoos u eegine, idilkood la liitaan

Odayada mid quursada, aqoontooda aan rabin

Ummaddaan muxuu taray, aqoonyahanna ugu yahay?

In ogaal aqoon yahay, aqoonina ogaal tahay

Kan ogina abwaan yahay, kaan aqoon engegan yahay

Inan-yahow ma moog tahay, mise waad ogsoon tahay?

Nin sabool ah oo aan Alle ugu deeqin afarta maal adduunyo midna, ayaa beer-falashada ka doorbiday ugaarsi, ayaandarro wax-daaca oo digooda gurigiisa uma soo hoydaan. Nolol-maalmeed qoyskiisu wuxuu ku tiirsanaa ugaarsi iyo qaraabka miraha dabeeciga ah. Foof tagga hiirta waabari wuxuu dhigi jirey dabino wuxuuna teedin jirey geedaha manka iyo ubaxa leh ee ugaadhu aroorta hore sanka la soo raacdo. Dabinada maalin waxaa ugu dhici jiray sagaar, maalinna cowl, maalinna waxba kuma dhici jirin oo waa ku hungoobi jirey. Si uu usoo kormeero dabinadii saakay la dhigay, goor duhurkii ah ayuu dhalandhoolay: dabinkii kowaad waa ku hungoobey oo ugaadh sooma ag joogsan, dabinkii labaadna ugaadhii waa ka sastay o siriqda aasan bey dareentay, dabinkii seddaxaadna tafaasha laanta oo tooxa laga badiyey darteed xarigii waa fakaday oo geedka ayuu sare ugu shareermey. Waa maalin madow waxay ahayd arbaca bil u dambeys fool adag oo gabraartii waa ku hungoobey, xaaskii oo dabka sii shiday iyo carruurtii oo gaajo la ildaran wuxuu ula laabtay gacmo maran iyo niyad-jab.

Maalintii xigtay dabinkii kowaad waxaa ugu dhacay xayawaan uusan weligi hore u arkin, waa xayawaan aad u yar balse qurxoon isla markaana so’ iyo saan midna aan lahayn. Ugaarsadihii wuxuu go’aansaday inuu magaalada u iib geeyo xayawaankaan qurxoon. Afarta addin ayuu ka xiray wuxuuna u qaaday dhanka magaalada, intii uu sii socday qofkii ka horyimaadba wuxuu weydiinaayey magaca xayawaankan. Qof baa ka horyimid oo wuxuu ku yiri, waxaa la yiraahMUKULAAL, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah BISAD, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah YAANYUUR, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah DINAD, qof kale ayaa ku yiri BASHO, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah CURRE, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah SHAAMBI, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah DURMAD, ilaa magacyo toban gaarey ayaa loogu sheegay. Ugaarsadihii aad buu u farxay wuxuuna is yiri maanta waxaad heshay xayawaankii adduunka ugu qaalisanaa oo toban magac leh, maanta ayaad faqri baxday oo gorofta cayrta tuurtay. Markuu tegay suuuqii magaalada dadkii ayaa soo wada eegay, taasina si weyn bey u farxad gelisay oo wuxuu is-yiri dadka kusoo wada eegay macnaheedu waxaa weeye qiimaha iyo wanaagga xayawaankaani leeyahay. Mar labaad ayaa farxadi qalbigiisa buuxisay, is hadal hoosena wuxuu naftiisa kula sheekeystay maanta ayaa Guulle ku gargaaray oo aad gaawaha u culatay: horweyn geel ah, giir lo’aad, ari goohaya iyo ido gorod madow. Ayaandarro Soomaalidu war ma qarisee, runtii ayaa loo sheegay oo iyadoo la qoslayo waxaa lagu yiri “war bahalka aad suuqa keentay lama iibiyo waayo harag iyo hilib toona maleh ee miyaad waallan tahay maxaad mukulaal beec ah suuqa u keentay. Ugaarsadihii oo aad u niyadxun ayaa mukulaashii meel ku tuuray wuxuuna yiri waa bahal magacyo badan oo aan manaafacaad lahayn. Meel xun ka bax, intii aan suuqa u soo siday jaaqdeedii iyo cidiyaheedii ayaa wax walba iiga daran.

Manaafacaad la’aanta iyo magacyada badan ee bisadda waxaa la mid ah aqoonyahan isku sheegga aaminsan afkaarta shisheeyaha iyo siyaasi beeleedka sebenka fowdada soo ifbaxay. Waxaad maqli: Prof hebel, Dr hebel, wuxuu bare-sare ka yahay jaamacad hebel, wuxuu haystaa shahaado sare “PHD”, waa aqoonyahan, waa indheergarad wax walba odorosi kara. Ha-yeeshee markey arrintu ficil iyo wax-qabad gaarto waa magac qurxoon iyo muunad la’aan, waa hungo iyo haan-maran, waa aqoon la’aan ku wajahan baaxaadegga siyaasadda, waa faham la’aan dhaqan dhaqaalaha bulshada iyo ku hagista hillinka toosan. Waxaan aaminsanahay haddiiba Soomaalidu aqoonyahan leedahay waa suugaanleyda Eebbe hibada u siiyey hal-abuurka maansada. Tusaale heesta “af qalaad aqoonta miyaa” ee Cali Sugulle allifey iyo heesta “dadweynaha hanuuninaa hasaawinaa danta u hagnaa” ee Xasan Sh. Muumin allifey, filimaayo aqoonyahan kasoo  qalinjebiyey “Harvard University” inuu curin karo erayadaas oo habkaas bulshada u abaabuli karo. Derbiyada gudaha Madxafka Qaranka waxaa lagu xardhay magacyada indheergaratadii alliftey qoraalka farta Somaalida, waxay ka koobnaayeen (17 nin iyo Xaliimo Maxamed Cali), waxay kala ahaayeen 3 soo bandhigtay xuruuf Laatiin ah, 4 soo bandhigtay xuruuf Carabi ah iyo 11 soo bandhigtay xuruuf Hebrew ah. 18kaas indheergarad ama aqoonyahan filimaayo midkoodna inuu kasoo qalinjebiyey jaamacadaha reer Galbeedka, waxayse ahaayeen maskax-maal iyo suugaanley hibo u leh wax curinta.

QURBA-JOOGTA  QAFIIFTAY

Dalku waa isu furan yahay, shacabkana colaad ba’ani ma dhextaal, walow ay weli jiraan, jirina doonaan dagaalladii reer miyiga ee ka dhalan jirey ku hardanka: biyaha iyo baadka, barta iyo beerta iyo wixii soo raaca. Ayaandarro dagaal siyaasadeed aan dhammaad lahayn ayaa dalka ka oogan, waxaa daadihiya qurba-joog mar lebbisan shaati aqoonyahan, marna lebbisan shaati siyaasi beeleed, marna lebbisan shaati FEDERAL iyo Soomaali kala geyn. Dagaallada sokeeye waxaa dabkooda huriya oo Soomaalida waalay waa koox isku magacaawday “diasparo” balse lagu suntay “dayuusbaro”.  Siday ila tahay Prof Axmed Samatar waa horyaalka qurba-joogta qafiiftay, waxaa asiibay qulub iyo jago jacayl. Muddo dheer kadib Prof Samatar oo caafimaad doon ah waxaa Xamar loogu sheegay dhaqtar ku xeeldheer daweynta cudurka qulubka iyo hoggaan u qafiifka.

Dhoolatus siyaasadeed  qurbaha lagu soo bandhigay sida: durbaanka xisbiga Hiil-qaran oo la dananiyey, aftahamnimo fagaareyaasha wacdaro iyo indhasarcaad laga dhigay kadib, Prof Samatar wuxuu garaacay albaabka dhaqtarka rugta caafimaadka ku leh “Villa Somalia”. Durbadiiba wuxuu u diray “Sheybaarka dhexe” dhiigga Profasoorka waxaa laga helay (saar-qabiil, kursi-u-qooq, hoggaamin jacayl, isla-weyni, af Ingiriis ku faan, Gaalo jacayl iyo cudurro kale oo halis ah). Dhaqtarka Xamar oo ah Kaadirka Carabta, waaba iskala sarreeyaa ku hadalka Af-Ingiriiska wuxuuna aaminsan yahay Af-Carabigu inuu yahay “afdalu luqa, axsanu luqa” maadama Alle kusoo dejiyey Qur’aanka Kariimka ah. Teeda kale haybta Profasoorka ee ah Maxamed Case dhaqtarku waa garanwaayey oo “Mesegada” ka baxda Koofurta ayaa loo kala saaraa “Shamuurey iyo cascase ama cadood”. Cascase waa magac aan Koofurta ku lahayn miisaan siyaasadeed, maalqabeen iyo muruq milateri midna.

Prof Samatar dulqaad iyo samir midna ma muujin, afka labadiisa ayuu furtay, uma hadlin asluubkii laga rejeynaayey oday aqoon leh iyo anshax siyaasi. Wuxuu fagaare kasta ka yiri “Xamar waa qurun iyo qashin, waa qaxooti iyo qowleysato, waa meel maamulkeedu u xiran yahay Hawiye & Daarood kaliya ‘dual-monopoly’. Anigoo Soomaali ah ayaan Xamar tegay, anigoo Samaroon ah ayaan kasoo laabtay. Shalay midnimo ayaan doonayey, maantase Somalilander baan ahay oo Boorame ayaan tegayaa si aan u noqdo caaqilka Samaroon. Aflagaadada lagu dheehay erayada Ingiriiska ah ee Prof Samatar ku hadlo, anfariir iyo amakaag ayey ku riday qaxootiga ku nool qashinka Xamar, waxayse ku qanceen seddax arrimood:

Heestii Sulfa ee ahayd “lama miiraa lay mudaa oo waa laygu maasadaa”

Nin lamaan oo magaalo ka duday siigo yaraa

Takartii maroodiga fuushay ee markey ka duushay ku tiri “i cafi maroodi ilaa saakay dushaadaan dangiigay” maroodigiina ku yiri “maba dareemin culayskaaga”.

Waa yaabka yaabkiisee, weligaa ma is weydiisay Prof Samatar muxuu Soomaali hore ugu qabtay? Muxuuse ku muteystay madaxtinimada uu ku qafiifay? Muxuuse maanta qaban karaa?

06/09/1967 ayaa Prof Samatar Soomaaliya kasoo tegay. Waa maalin taariikhi ah oo Soomaalidu wada taqaan, waa maalintii la xiray Wasiirkii Arrimaha dibedda Axmed Yuusuf Ducaale oo lagu eedeeyey inuu gatay qaddiyadda xoreynta Jabuuti. Axmed Ismacil Samatar wuxuu ahaa weriyihii maalintaas warka duhurnimo Radio Muqdisho ka tebiyey, sida aan weli xusuusto wuxuu warka ka billaabay “Wasiirkii Arrimaha Dibedda oo gacmaha laga duubay, xabsigana loo dhaadhiciyey”.  Durbadiiba Axmed Samatar BBC ayuu shaqo ka helay wuxuuna uga sii gudbay Ameerika, 06/09/1967 ilaa 10/09/2012 doorashadii Madaxweynaha JFS, 45-taas sano hal maalin dalka dib uguma soo noqon. Xooluhu waa xaab daaq, dadkuna waa xan daaq, sida aan maqlay Axmed Samatar laguma sheegin halyey lagu hirto oo dadka kaalmeeya. Filimaayo hal arday oo jufadiisa ah inuu jaamacad u qalqaaliyey. Filimaayo xataa boqol dollar inuu horumarinta dalka ku taageeray. Filimaayo inuu weligi hal dugsi dayactiray. Waxaan maqlay 1993 kulan ka dhacay “Ottowa University” oo Axmed Samatar xiriiriye ka ahaa inuu halkaas kaga tookhay anigu Soomaaliya uma socdo oo xataa bogcadii laygu aasi lahaa waan sii iibsaday. Haddaba weydiintu waxay tahay, Soomaaliya ma qashin qubkii qurba-joogtaa? Soomaaliya ma hoygii hawlgabkaa?

Axmed Samatar oo sida muuqata 70 sano sare u dhaafay muxuu maanta Soomaaliya u qaban karaa? Axmed Samatar oo habdhaqanka reer Galbeed niyadsami u aaminsan laga rejeynmaayo xataa inuu maanta oori yar arooso oo carruur dhalo oo gurigiisa ay ku koraan dhowr qof oo qaraabo ah, taasi waa inta ugu yar ee uu Soomaali maanta u qaban karo. Murtida laga dhaxlay awooweyaashii hore waxay tahay “wax la tacbo dad baa ugu fiican  — irsaq waayi-meysid aroosoo ubad kordhi – qofkii kaa dad badan kaa deeq badan – dhashaada iyo dhul baa magan loo yahay” waa hidde dhaqan soo jireen ah, ha-yeeshee aqoonyahannada Axmed Samatar hormoodka u yahay waxay aaminsan yihiin “ubad ilbax waa laba uun ama la noolow islaan cad oon ubad dhalayn”. Dagaalkii 2aad kadib rag Soomaaliyeed ayaa degay Yurub. Raggaas oo ahaa dhallinyaro awood jinsi leh, sida ayax doog helay oo kale waxay ku daateen haweenkii caddaanka ah, wiil helay haweenay gole-joogsi wacan leh, timo sugul ah iyo indha cawlan oo eegmo caashaq leh “blonde hair and blue eyes” balse minka iska xirtay iskana tallaashay ubad dhalis ayaa aabbihi u soo diray farriin leh “maandhow maxaad dad iyo duunyo haysaa?”  Wiilkii wuxuu su’aashaas kaga jawaabay aabbe waxaan la noolahay haweeney caddaan ah oo joog iyo jamaal leh, laakiin inay ubadh dhasho laga rejeynmaayo. Odaygii wuxuu wiilkiisa u soo diray murti xambaarsan waano dhalxalgal ah, wuxuuna kula dardaarmay:

Mar haddaaney awlaad ku dhalayn loo abtirinaayo

Amaaney adduun ku dhaqayn ari iyo geel toona

Layskama abaahiyo islaan abasaxoo weyne

Maandhow ka ag fogow eey la nool ubadka diidaysa

Ajnebi ka dooro INDHAYAR waa inkaar waalid iyo ilduuf geyaan. Wiil ciyaar ka booday ayaa ku heesay “waxa Mijir-ka-hoos magaalada yaal Maryaney maxaa mara-meydka ku xiiray”. Prof Axmed Samatar oo sida guuxa dadweynaha lagu sheegay ka mid ah qurba-joogta gabayga sare khuseeyo, himiladiisa hoggaan jacaylka ma riyaa mise waa hidde-raac?  Soomaaliya waxaa ka jira boqortooyo silloon oo si dadban u shaqeysa. Halkudhegga iyo halbeegga boqortooyadu waa: aabahay, awoowgey, adeerkey, abtigey, eedadey iyo ina-adeerkey baa madax ahaan jirey ee anna waa inaan madax noqdaa oo hoggaamintu waa hibo dhaxaltooyo. Raggii kartida yaraa ee hanan waayey kaalintii kaga toosnayd hawlihii miyiga (xoolo dhaqasho iyo beero falasho) ayaa hoos cararay Maamulladii Gumeysiga, waxayna ka heleen fursadihii shaqo ee waagaas jirey. Oday baa arkay nin gacanyare u ah Gaalkii geyiga xukumay balse markuu miyiga joogay aan soo hoyn jirin waxar jaban, dabadeed wuxuu tiriyey afarreydaan:

Allahayow Faranjigii muxuu doqon fariideeyey

Muxuu feydo laawiyo nin raggah faylka wada joojay

Muxuu nimaan aabbihi fuuli jirin faras u heenseeyey

Turjubaannadii, ilaaladii, adeegeyaashii, kookeyaashii iyo wixii soo raaca ee Gaalada u shaqeyn jirtay carruurtii ay dhaleen waxay u dallaceen Gaal-yare ama “house niger” xukunkii dalka iyaga ayaa kala wareegay Gumeysteyaashii tegay. Carruurtii ka farcantay kooxdii guryaha Gaalada ka shaqeyn jirtey waxay noqdeen kooxda ina-K (ina-kooke, ina-kaabul, ina-kormeere, ina-karaani, ina-warkeene, ina-kidbeeye, ina-kirishboy, ina-kalkaaliye, ina-kadindhowre, ina-kaabaqabiil, ina-kayd-haye, ina-kaabe-waardiye, ina-kabraale)

Guud ahaan Soomaaliya waxaa maamula kooxda ina-K, gaar ahaan Koofurtu waa budo gaar u tuman iyo boqortooyo silloon, halkudhegu waa “ballan aabbe iyo hoggaan beeleed”. Sannadihii fowdada hoggaamiye kooxeed kastoo dhintay waxaa beddelay wiilkiisa ama hadduusan wiil dhalin xaaskiisa iyo inantiisa, Jeneraal Caydiid waxaa hoggaankii ka dhaxlay wiilkiisa ilaa Qareen Raajis oo ay xilkii ka dhaxashay xaakiisa. 14/11/2001 goortii Jaamac Cali Jaamac loo doortay madaxweynaha Puntland waxaa diiday Cabdullaahi Yusuf oo 3dii sano ee xilka loo igmaday ay ka dhammaatay. Dagaalkii qarxay kadib waxaa lagu heshiiyey in doorasho cusub la qabto, sida dastuurka Puntland ku qoran waxay ahayd xilliga kala guurka inuu madaxweyne ku meel gaar ah sii ahaado Maxamed Cabdi Xaashi, mase dhacin oo xilkii waxaa qabtay Yuusuf Xaaji Nuur oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Xuruuf yaryar oo qof aragti gorgor leh kaliya  akhrin karo dastuurka Puntland waxaa ku qoran jagada madaxweynaha Puntland waxaa qaban kara qof  Maxamuud Suleymaan ah kaliya. Koofurta beddelkeeda, boqortooyadaas silloon Isaaq waa ka badbaaday oo Cigaal wiilkiisu jagada kama dhaxlin, C/maan Tuurna xaaskiisu xilka kama dhaxlin, nasiibwanaag Isaaq wuxuu fahmay laba eray siyaasadeed oo Soomaalida kale aysan weli fahmin, dulqaad iyo is-afgarasho “tolerance and compromise”. Si looga fogaado dagaal mindhicireed dhexmara beelaha Isaaq waxay madaxweyne u doorteen Daahir Riyaale Kaahin oo sarkaal sare ka ahaan jirey NSS-tii Siyaad Barre “Notorious Gestapo Officer” waxay ahayd tallaabo ku dayasho mudan oo Isaaq ka dhaxlay aayatiin wacan iyo haybad siyaasadeed, balse dhanka kale waxay jahawareer iyo waalli ku riday beesha Gudabiirsay oo qof walba wuxuu u xusulduubay inuu madaxweyne noqdo, xataa haweenka miyiga Boorame jooga waxay ku werdinayaan oo la riimayaan haddii Riyaale madaxweyne noqday anna waa inaan noqdaa. Damacaas safmarka ugu dhacay guud ahaan beesha Samaroon ayaa dhiigga iyo dhuuxa kaga milmay Prof Samatar, wuxuuse u eg-yahay damacaan sinnaba ku hirgeli karin, waana riyo maalmeed iyo rejo meehanow, maxaa yeelay nin suldaan u suuban ayaa madaxiisa taaj la saaraa. Prof Samatar hadalladiisa faanka iyo tookha u badan kuma jiraan: oorideyda heblaayo, inankeyga hebel iyo inanteyda heblaayo, waxaa la fahmi karaa inuu yahay faras leedo ah oon koore lahayn. Dhaqan guud oo aadamigu isla ogol yahay ka sokow, waddanka Prof Samatar ku nool yahay, nimaan xaas iyo carruur lahayn hoggaamiye looma doorto.

Aan qoraalka ku gunaanado su’aal muhiim ah oo mudan in si taxadar leh oo cilmi ku saleysan looga jawaabo. Prof Samatar safarkiisa “From Soomaali to Samaroon”  Ma siyaasad cusub baa? Ma saldano jacayl baa? Ma suluqsaaluq socodkii sebenkaa?  Prof Samatar maanta safarkiisu waa Muqdisho to Hargeysa, berrito waa Jabuuti to Adis Ababa, saad-dambe waa Tel Aviv to Washington ee saakuun safarka Prof Samatar xagee ku wajahan yahay? Akhriste fadlan maskaxdaada ka shaqaysii oo jawaab hufan soo gudbi. Wa Billaahi Towfiiq

Abdulkadir Osman  “Aroma”

Shirwac55@hotmail.com

Ciidamada Kenya oo Bahdil ku sameeyay una gacan-qaaday Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Magaalada Nairobi ku sugan
Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Sirdoonka Kenya Xalay ay galeen Hoteelka Sarena oo ay ku sugnaayeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlammaanka Soomaaliya oo ka qeyb galay kulan looga soo horjeestay Siyaasadda Kenya ee Gobollada Jubbooyinka Kenyana Lagu eedeeyay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Sirdoonka Kenya oo uu wehliyo wiil uu dhalay Wasiirkii Gaashaandhigga dowladda Kenya Yuusuf  Xaaji ay galeen qolalka ay Hoteelka Sarena ee Nairobi ka degenaayeen Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Qorsheynta Xukuumaddii C/weli Gaas haatanna ah Xildhibaan ka tirsan Baarlammaanka Federaalka Soomaaliya ,Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil, oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Dastuurka haatanna ah Mudane Baarlamaanka ka tirsan Iyo Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ahaa Wasiirkii Difaaca Xukuumaddii Gaas haatanna ah Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlammaanka Soomaaliya.

Goob-Joogayaal la hadlay Idaacadaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sirdoonka Kenya ay Xildhibaannadaas ka qaateen LapTopyo iyo Dukumintiyo iyo Baasaboorro ay lahaayeen Xildhibaannadaasi waxaana Xildhibaannada qaarkood u gacan qaaday Ciidamada Kenya, Sida wararku nagu soo gaarayaan.

Dowladda Kenya oo horay u caddeysatay sida ay uga soo horjeeddo Soomaaliya oo yeelata Dowlad mid ah islamarkaana cagaheeda ku istaagta ayaa haatan waxa ay lasoo baxday dar-dar cusub oo muujineysa sida ay uga go’antahay ishortaagga in ay soo noqoto Qarannimadii Soomaaliyeed, waxana ay Kenya quud-darreyneysaa in ay boobto Qeyraadka Bad iyo Berriba leh ee Ummadda Soomaaliyeed uu Ilaaheey ku manneystay haatanna u muuqda mid Beylah ah.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxii Wanlaweyn oo Muqdisho la keenay si loogu daweeyo
Dadkii ku dhaawacmay qarax shalay ka dhacay maqaayad ku taalla Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa qaarkood waxaa dhaawacyadooda la keenay Magaalada Muqdisho waxana iminka lagu dabiibayaa isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho inkastoo dadkaasi qaarkood ay dhaawacoodii u geeriyoodeen.

Duniya Cali Maxamed oo ah madaxa caafimaadka isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa u sheegtay warbaahinta in Dadkaasi qaarkood ay haatan xaaladdoodu soo hagaageyso, Halka qaar kalena ay dhiigbax u dhinteen.

Tirada guud ee Bukaannada Isbitaalka Madiina yaalla ayaa waxa ay ku sheegtay inay gaarayaan illaa 140 Ruux, waxeyna intaa ku dartay in 24-kii saac ee ugu dambeysay Cisbitalka la keenay 51 qofood oo 31 ka mid ah ay yihiin dad dhaawacyo kala duwan qaba.

Ra’isulwasaare Saacid oo Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ra’isulwasaarihii hore ee Norway
Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ra’isulwasaarihii hore ee Norway Kjell Magne Bondevik oo hadda ah guddoomiyaha Xarunta Oslo ee dimuqraaddiyadda iyo xuquuqda Aadanaha oo la aasaasay sanadkii 2006.

Ra’isulwasaare Saacid ayaa kulankii uu la qaatay Mr Bondevik uga warbixiyey xaaladaha dalku uu marayo, iyo horumarrada ay dowladdu ka sameysay dhanka xuquuqul insaanka, dowlad wanaagga iyo nabad ku soo dabaalidda dalka.

“Dalka Norway wuxuu Soomaaliya ka taageeraa arimaha horumarinta, waana waddan aan leennahay xiriir wanaagsan, waxaana ka wada hadalnay sidii dawladda garab looga siin lahaa dhanka dib-u-dhiska iyo dawlad wanaagga” ayuu yiri Ra’isulwasaaruhu.

Sidoo kale Ra’isulwasaarihii hore ee Norwey ayaa sheegay in Soomaaliya uu yimid dhowr jeer, maantana ay ka muuqato Muqdisho isbedel badan oo dhan kasta ah oo ay sameysay dawladda Soomaaliya,

“Sanadkii 2005 ayaan ka dagay xilka R.Wasaaraha Norway, waxaana u jeestay inaan ka shaqeeyo horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka, xafiiskaygu wuxuu u qoondeeyey barnaamijyo lagu hormarinayo Baarlammaanka Soomaaliya, waxaan ka wada hadalnay R. Wasaaare Saacid sidii aan taageero u siin lahayn xafiiskiisa iyo golaha wasiirrada. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Norway

Masuulkaan ayaa sidoo kale sheegay in uu dawladda Soomaaliya kala shaqeyn doono baahinta maamul wanaagga, Federaalisamka, iyo horumarinta xuquuqul insaanka, iyadoo markastana la dhowrayo shuruucda dalka u degsan, waxaana xaruntiisu xariir wada shaqyan la leedahay Carter Center oo uu guddoomiye ka yahay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter.

Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu casuumay Xafladda Boqortooyada UK iyo Shirka hordhaca G8
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamud ayaa martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha UK David Cameron si uu uga qeybgalo xafladda loo sameynayo Boqortooyada Ingiriiska ee 15ka Juun oo ku beegan maalintii ay dhalatay iyo shirka hordhaca ee G8 ee Sabtiga 15ka Juun 2013.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa maanta oo 14ka bisha Juun ah lagu wadaa inuu London kula kulmo Rt Hon Justine Greening MP, oo ah Wasiiradda Horumarinta Caalamka (DFID), kulankaas ka dibna uu ka qeybgalayo casho sharaf ay mas’uuliyiinta UK u sameynayaan.

Madaxweynaha ayaa hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xassan Saleebaan iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdisalaam Xaaji Hadliye waxana maalinta Jimcaha 14ka Juun 2013 ay gaarayaan magaalada London.

Maalinta Sabtiga ah ee 15ka Juun 2013 waxuu Madaxweynaha la kulmi doonaa David Cameron Ra’iisul Wasaaraha UK, kana qeybgali doonaa xafladda Boqoradda Ingiriiska Her Majesty Queen Elizabeth II, ka dibna waxaa qado sharaf u sameyn doona Ra’iisul Wasaare ku xigeenka UK, ka dibna galabnimadii ayuu ka qeybgali doonaa shirka hordhaca G8 oo ay madaxda caalamku ka soo qeybgali doonaan kaasoo looga hadli doono “Transparency Revolution: the G8 Tax, Trade and Extractives Event” oo ay tahay markii ugu horreysey oo Soomaaliya lagu casuumo shirarka G8.

- DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Madaxweyne Xassan Sheekh oo lagu martiqaaday Shirka G8 oo ka dhacaya waddanka UK
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lagu casuumay Shirka G8 ee dalalka ku hormaray Warshadaha kaasoo ka dhacaya Waddanka UK. Wafdiga Madaxweynaha ayaa galabta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyadoo ay halkaasi ka qaadday Diyaarad gaar ah, ayna sii sagootiyeen Guddoomiyaha Baarlammaanka Prof, Jawaari iyo Ra’iisul Wasaare Saacid.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda dalalka G8 ee shirka London ka dhacaya ka qeyb galaya, iyadoo si gaar ah loo filayo in Madaxweynuhu u soo bandhigayo dalalka horumaray inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya, kana qeyb qaataan dib u dhiska Dalka Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed lagu marti qaado ka qeyb galka shirka waddamada ku horumaray warashadaha ee G8-ka Muddoo 22 sano ah.

Kooxo Hubeysan oo Rasaas ku furay Baabuur marayey Deegaan Mandheera ku dhow halkaasna Dad ku laayey
7 Ruux  ayaa lagu dilay deegaan lagu magacaabo Qooje oo ku dhow degmada Mandheera 2 kalena waa la dhaawacay iyadoo la la’yahay 8 Ruux oo kale, kadib markii gaari ay dadkaasi la socdeen ay kooxo hubeysan halkaas ku weerareen. Weerarkan oo dhacay shalay sida ay Booliiska Kenya warbaahinta u sheegeen ayaa waxaa lagu qaaday gaari Land Cruiser ah oo magaalada Mandheera ka tagay kuna socday deegaanka Takaba.

Taliyaha Booliiska deegaanka Takaba, Joseph Tenai ayaa xaqiijiyay inay Gaarigaasi weerareen kooxo hubeysan oo ku helay Waddo ku taalla deegaanka Qooje oo 56-km u jira deegaanka Takaba oo gaarigu uu ku socday,

Taliyaha ayaa sheegay in Weerarrada noocan ah ay Deegaannadaasi kusoo badanayaan Isagoo sheegay in Qamiistii lasoo dhaafay halkaa lagu dilay 2 ruux, laba gabdhood oo kalena la afduubtay, taas oo loo maleynayo inay xiriir la leedahay aanooyin beeleed oo halkaas ka taagnaa tan iyo bishii hore ee la soo dhaafay.

Ugu dambeyn, Taliyaha Booliiska wuxuu sheegay in Rasaastii gaariga lagu furay ay sidookale dishay 8 neef oo geel ah oo ka mid ahaa xoolo deegaankaas daaqayay, waxaana tani ay sare u qaadaysaa falalka ammaan-darro ee dalka Kenya ka dhacayay bilihii la soo dhaafay.