THE BEST INDEPENDENT RELIABLE SOMALI NEWS WEBSITE » KITAABKA SALAADDA

KITAABKA BARASHADA SALAADDA (QEYBTII 10AAD) (W/Q:-FIRDOWSA C/QAADIR CABDI).
Xilliga qofku salaadda ka baxo, waxay ka mid tahay xilliyada ducooyinka la aqbalo,

waxaana wanaagsan in qofka muslimka ahi uu ducaysto oo Allihiisa baryo intuusan

ka kicin meesha uu ku tukaday, taasoo ah sunno aan uga dayanayno nabigeennii

suubbanaa csw, hadaba, waxaa jira ducooyin fara badan oo nabigu ku ducaysan

jiray marka uu salaadda ka baxo, waxaana ka mid ah:

رواه مسلم ( استغفر الله ، أستغفر الله ، أستغفر الله

، اللهم أنت السلام ومنك السلام تباركت ياذا الجلال والإكرام

لا إله إلا الله وحده لا شريك له ، له الملك وله

الحمد وهو على كل شيء قدير اللهم لا مانع لما أعطيت ولا معطي لما منعت ولا ينفع ذا

الـجَد منك الـجَد

لا إله إلا الله ولا نعبد إلا إياه له النعمة وله

الفضل وله الثناء الحسن

لا إله إلا الله مخلصين له الدين ولو كره الكافرون

سبحان الله والحمد لله والله أكبر * ثم يقول

مرة 33

ويقول بعدها مرة واحدة

لا إله إلا الله وحده لا شريك له ، له الملك وله

الحمد ، وهو على كل شيء قدير

ويقرأ آية الكرسي

قل أعوذ برب الناس. { قل أعوذ برب الفلق } { قل هو الله أحد } وسورة

Astaghfurullaah, astaghfurullaah,

astaghfurullaah

Allaahumma anta-ssalaam wa minka-ssalaam

tabaarakta yaa dal jalaali wal ikraami.

Laa-ilaaha illa-llaahu waxdahu laa

shariika lahu lahul mulku walahul xamdu wahuwa calaa kulli shey’in qadiir.

Allaahumma laa maanica limaa acdayta

walaa mucdiya limaa manacta walaa yanfacu dal jaddu minkal jaddu.

Laa ilaaha illallaahu walaa nacbudu

illaa iyyaahu lahu-nnicmah walahul fadlu walahu-thanaa’ul xusni

Laa ilaaha illallaahu mukhlisiina

lahu-ddiina walaw karihal kaafiruun.

Laa xawla walaa quwwata illaa

billaah.

Subxaanallaah 33 jeer, Alxamdulillaah 33 jeer, Allahu Akbar 33 jeer,

Boqolka

ku dhammaystir ducadan: Laa-ilaaha illa-llaahu

waxdahu laa shariika lahu, lahul mulku walahul xamdu, yuxyii wayumiitu wahuwa

calaa kulli shey’in qadiir.

Sidoo

kale akhri: suuradda qul-acuudu birabbi-nnaas, qul-aciidu

birabbil-falaq iyo qul huwa-llaahu axad (salaadda subax iyo maqribka

ka dhig 3 jeer suuraddiiba, salaadaha kalase akhri hal mar suuraddiiba)

Waxaa

kale oo ka mid ah ducooyinka salaadda ka dib: aayad kursiga oo ah aayad fadli

badan, marar badanna la akhristo sida marka la seexanayo oo kale.

AAYAD KURSIGA[1]

” الله لا

إله إلا هو الحي القيوم لا تأخذه سنة ولا نوم له ما في السماوات وما في الأرض من

ذا الذي يشفع عنده إلا بإذنه يعلم ما بين أيديهم وما خلفهم ولا يحيطون بشيء من

علمه إلا بما شاء وسع كرسيه السماوات والأرض ولا يئوده حفظهما وهو العلي العظيم

سورة البقرة آيه 255

ALLAAHU LAA ILAAHA ILLAA HUWAL

XAYYUL QAYYUUMU LAA TA’KHUDUHU SINATUN WALAA NOWMUN, LAHU MAA FI-SSAMAAWAATI

WAMAA FIL ARDI, MAN DA-LLADII YASHFACU CINDAHU ILLAA BI’IDNIHI, YACLAMU MAA

BAYNA AYDIIHIM WAMAA KHALFAHUM, WALAA YUXIIDUUNA BISHAY’IN MIN CILMIHI ILLAA

BIMAA SHAAA’A, WASICA KURSIYYUHU-SSAMAAWAATI WAL ARDI, WALAA YA’UUDUHU

XIFDUHUMAA WAHUWAL CALIYYUL CADIIM.

Waa

socotaa…

W/Qortay:Firdowsa C/qaadir Cabdi

firdowsabdi@yahoo.com

[1] Aayad kursigu waa aayadda ugu weyn Qur’aanka kariimka ah xagga

fadliga, waxayna ka mid tahay xirsixirka qofka muslimka, waxaa jira marar kale

oo la akhristo sida marka la seexanayo, waxaa sidoo kale lagu akhriyaa dadka

xanuunsanaya, sidaas darted aayaddani waa aayad weyn oo aad muhiim ugu ah ruux

walba oo muslim ah inuu barto isla markaana uu isticmaalo.

KITAABKA BARASHADA SALAADDA (QEYBTII 9AAD) (W/Q:-FIRDOWSA C/QAADIR CABDI).
Muqdisho, Axad 19 Dec 2010, (Hillaac.Net)

QAABKA SALAADDA LOO TUKADO Marka uu qofku soo dhammaystiro dhammaan shuruudihii salaadda, uuna soo qaato dahaaro kaamil ah wuxuu qaabbilayaa qiblada isagoo niyaddiisana kusoo xaadirinaya salaadda uu tukanayo nooceeda, rakcadaheeda iwm, ka dibna gacmihiisa ayuu kor u qaadayaa ilaa uu la simo garbihiisa ama dhagihiisa fiiddooda, markaas ayuu ku dhawaaqayaa kalimadda salaadda lagu xirto oo ah: Soorry Sawirrada Buugga ka eegta.sida ka muuqata sawirkan hoose.

Gacmihii kor loo qaaday, waxaa la saarayaa xabadka dushiisa iyagoo is kor saaran oo gacanta midig kor saaran tahay tan bidix (midigtu korrayso), waxaanad samayn kartaa 3 qaab midkii aad doonto

a) Inaad gacanta midig ku qabato cumaacumta gacanta bidix

b) Inaad gacanta midig kor saarto dhudhunka gacanta bidix ama

c) Inaad calaacasha gacanta midig dulsaarto dhabarka kafka gacanta bidix, sida kaaga muuqata sawirkan hoose

DUCADA FURFURASHADA

Marka aad salaadda xirato (adigoo la yimid dhammaan shuruudihii salaadda oo dhan) waxa ugu horreeya ee aad akhrinayso ayaa ah duco aad salaaddaada ku furfuranayso, hadaba waxaa jira ducooyin fara badan oo uu nabigu csw, salaadihiisa ku furfuran jiray, anaguse halkan waxaan ku soo gaabsanaynaa hal mid oo qura.

Waana sidan hoos ku qoran:

سبحانك اللهم وبحمدك، وتبارك اسمك، وتعالى جدك، ولا إله غيرك.

SUBXAANAKALLAAHUMMA WA BIXAMDIKA WATABAARAKA ISMUKA WATACAALAA JADDUKA WALAA ILAAHA GHEYRUKA.

KA DIB AKHRI FAATIXADA ADIGOO KU BILAABAYA:

أعوذ بالله من الشيطان الرجيم.

بِسْمِ اللهِ الرَّحْمنِ الرَّحِيمِ (1) الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ (2) الرَّحْمـنِ الرَّحِيمِ (3) مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ (4) إِيَّاكَ نَعْبُدُ وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ (5) اهدِنَـا الصِّرَاطَ المُستَقِيمَ (6) صِرَاطَ الَّذِينَ أَنعَمتَ عَلَيهِمْ غَيرِ المَغضُوبِ عَلَيهِمْ وَلاَ الضَّالِّينَ [الفاتحة:1-7]

ACUUDU BILLAAHI MINA SHEYDAANI RAJIIM

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM

ALXAMDULILLAAHI RABBIL CAALAMIIN

ARRAXMAANI-RRAXIIM

MAALIKI YOWMI-DDIIN

IYYAAKA NACBUDU WA IYYAAKA NASTACIIN

IHDINA-SSIRAADAL MUSTAQIIM

SIRAADA-LLADIINA ANCAMTA CALEYHIM

GHEYRIL MAGHDUUBI CALEYHIM

WALA-DDAALLIIN

AAMIIN.

KA DIB AKHRI SUURAD QUR’AANKA KA MID AH SIDA:

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM

QUL ACUUDU BIRABBI-NNAAS

MALIKI-NNAAS

ILAAHI-NNAAS

MINSHARRIL WASWAASIL KHANNAAS

ALLADII YUWASWISU FII SUDUURI-NNAAS

MINAL JINNATI WANNAAS.

DABADEED RUKUUC ADIGOO GACMAHA KOR U QAADAYA ILAA GARBAHAAGA LA SIMANKOODA OO ORANAYA

ALLAAHU AKBAR

Marka la rukuucayo waa in ruuxu si toosan u foorarsadaa, dhabarkiisana uu simaa, si xitaa haddii dhabarkiisa la saaro koob biyo ah aanay daadanayn, waxaana la doonayaa in qofku sameeyo xagal 90 digrii ah sida kaaga muuqata sawirkan hoose.

RUKUUCDA DHEXDEEDA KU AKHRI DUCADAN UGU YARAAN 3 JEER

سبحان ربي العظيم

SUBXAANA RABBIYAL CADIIMI

RUKUUCDA KOR UGA SOO TOOS OO DHEH

(سمع الله لمن حمده ربنا ولك الحمد).

SAMICA-LLAAHU LIMAN XAMIDAH

RABBANAA WALAKAL XAMDU

DABADEED SUJUUD ADIGOO ORANAYA

(الله أكبر)

ALLAAHU AKBAR

Marka la sujuudayo waa in dhulka la dhigaa 7da xubnood oo laga sujuudo, kuwaas oo kala ah:

Wajiga iyo sanka oo wada socda, labada calaacalood, labada jilbood iyo labada lugood farahooda, ruuxa tukanaya waa inuu hubsadaa in dhammaan xubnahaasi dhulka si fiican u gaareen oo ay sujuudsan yihiin, sida ku astaysan sawirkan hoose.

SUJUUDDA KU DHEX AKHRI DUCADAN UGU YARAAN 3 JEER

سبحان ربي الأعلى

SUBXAANA RABBIYAL ACLAA

Qofka tukanaya mar walba waa inuu fiiriyaa meesha uu ku sujuudayo, mana bannaana in marba meel la eego, sidaas darted marka aad tukanayso indhahaaga ku hay halka aad ku sujuudayso, sida sawirka kaaga muuqata oo kale!

SUJUUDDA KA SOO KAC OO KU AKHRI FADHIGA U DHEXEEYA 2DA SUJUUDOOD DUCADAN

(رب اغفر لي وارحمني واهدني وارزقني واجبرني وعافني).

(RABBIGHFIRLII WARXAMNII WAHDINII WARZUQNII WAJBURNII WACAAFINII)

HADANA MARLABAAD SUJUUD OO AKHRI DUCADII AAD SUJUUDDII HORE KU AKHRISAY UGU YARAAN 3 JEER.

SIDAAS WAXAA KUUGU DHAMMAATAY HAL RAKCO, DABADEED U ISTAAG RAKCADII 2AAD OO SAMEE SIDII AAD KU SAMAYSAY RAKCADII KOOWAAD; MARKA AAD SOO GAARTID SUJUUDDA LABAAD INTAADAN RAKCADA SADDEXAAD U ISTAAGIN FARIISO OO AKHRI ATTAXIYAADKA HORE OO AH SIDATAN:

(التحيات لله والصلوات والطيبات، السلام عليك أيها النبي ورحمة الله وبركاته، السلام علينا وعلى عباد الله الصالحين، أشهد أن لا إله إلا الله وأشهد أن محمداً عبده ورسوله

ATTAXIYYAATU LILLAAHI WASSALAWAATU WADDAYYIBAATU

ASSALAAMU CALEYKA AYYUHA-NNABIYYU WARAXMATULLAAHI

WABARAKAATUHU

ASSALAAMU CALEYNAA WACALAA CIBAADIHILLAAHI-SSAALIXIINA

ASH-HADU ANLAA ILAAHA ILLA-LLAAHU WA ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN CABDUHU WARASUULUHU.

Qaababka loo fariisto marka la akhrinayo attixiyaadka hore, waxaa ka mid ah inaad ku dul fariisato cirbahaaga sida kaaga muuqata sawirkan hoose.

Sidoo kale waxaa kuu bannaan inaad hal lug ku dul fariisato, lugta kalana aad istaajisid sida sawirkan oo kale!

DABADEED U ISTAAG RAKCADII 3AAD, KADIBNA RAKCADII 4AAD HADDII AY SALAADDU TAHAY SALAAD 4 RAKCO AH, OO SAMEE SIDII AAD SAMAYSAY RAKCADII 1AAD IYO 2AAD.

MARKA AAD DHAMMAYSO RAKCADA 4AAD, ATTAXIYAADKANA AAD AKHRISO AKHRI SALLIGA NABIGA OO AH SIDAN:

اللهم صلِّ على محمد وعلى آل محمد كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم إنك حميد مجيد، وبارك على محمد وعلى آل محمد كما باركت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم إنك حميد مجيد

ALLAAHUMMA SALLI CALAA MUXAMMADIN WACALAA AALI MUXAMMADIN KAMAA SALLAYTA CALAA IBRAAHIIMA WACALAA AALI IBRAAHIIMA INNAKA XAMIIDUN MAJIIDUN.

WABAARIK CALAA MUXAMMADIN WACALAA AALI MUXAMMADIN KAMAA BAARAKTA CALAA IBRAAHIIMA WACALAA AALI IBRAAHIIMA

INNAKA XAMIIDDUN MAJIIDDUN.

ADKAARTA LA AKHRIYO SALAAMA NAQSIGA KA HOR

Marka aad dhammayso akhrinta salliga nabiga, inta aadan salaadda ka bixin waxaa sunno ah inaad ducaysato oo aad akhriso adkaartan:

بك مِنْ عَذَابِ جَهَنَّمَ، وَمِنْ عَذَابِ القَبْرِ، اللهم إني أعوذ

وَمِنْ فِتْنَةِ المَحْيَا وَالمَماتِ وَمِنْ شَرّ فتنة المَسِيحِ الدَّجَّال

ALLAAHUMMA INNII ACUUDU BIKA MIN CADAABI JAHANNAMA, WAMIN CADAABIL QABRI, WAMIN SHARRI FITNATIL MASIIXU DAJJAAL, WAMIN FITNATIL MAXYAA WALMAMAATI.

Waxaad kale oo ku ducaysan kartaa wixii duco ah oo kuu fududaada. Sida ducadan hoose oo kale:

(اللهم أعني على ذكرك وشكرك وحسن عبادتك)

(Allaahumma acinnii calaa dikrika wa shukrika wa xusni cibaadatika.)

Oo macnaheedu yahay: (Allahayow iigu kaalmee xusiddaada iyo mahadintaada iyo wanaajinta cibaadadaada.)

SALAAMA NAQSIGA IYO QAABKIISA

Marka aad dhammayso attixiyaadka danbe, salliga nabiga iyo adkaartii ka danbaysayba: jalleec dhankaaga midig oo dheh: (السلام عليكم ورحمة الله)

ASSALAAMU CALEYKUM WARAXMATULLAAHI, kusoo noqo sidaadii hore oo hadana jalleec dhankaaga bidix oo dheh: (السلام عليكم ورحمة الله)

(ASSALAAMU CALEYKUM WARAXMATULLAAHI.)

Sidaas ayaad uga baxday salaaddii.

Waa socotaa…

W/Qortay:

Firdowsa C/qaadir Cabdi

firdowsabdi@yahoo.com.

ALLAAHU AKBAR!,

KITAABKA BARASHADA SALAADDA (QEYBTII 8AAD) (W/Q:-FIRDOWSA C/QAADIR CABDI).
Muqdisho, Axad 05 Nov 2010, (Hillaac.Net)

WAAJIBAADKA SALAADDA Waajibaadka Salaaddu waxay isugu jiraan waxyaabo afka laga akhrinayo iyo ficillo xubnaha laga qabanayo salaadda dhexdeeda, kuwaasoo haddii ruuxa tukanayaa uu ulakac uga tago ay salaaddiisu burayso; haddiise uu ka tago isaga oo hilmaansan wuxuu ku kabayaa sujuudda loo yaqaanno sujuuddu sahwi (sujuudda hilmaanka), salaaddiisiina waa ansax insha Allah.

Waajibaadka Salaadda waxaa ka mid ah:

a)    takbiiraha oo dhan (allahu akbaryaasha salaadda dhexdeeda) marka laga reebo takbiiratul ixraamka (allahu akbarta xirashada)

b)    tasbiixda rukuucda iyo sujuudda dhexdooda la akhriyo (subxaana rabbiyal cadiimi iyo subxaana rabbiyal aclaa)

c)     samicallaahu liman xamidah, iyo rabbanaa walakal hamdu (oo la akhriyo marka rukuucda laga soo tooso)

d)    ducada la akhriyo fadhiga u dhexeeya labada sujuudood (rabbighfirlii..)

e)      Attixiyaadka hore.

f)      Fadhiga attixiyaadka hore

g)    Dhammaan waajibaadkaan qofkii kas uga taga salaaddiisu way buraysaa sidaan kor kusoo sheegnayba, qofkiise hilmaan uga taga salaaddiisu ma burayso waxaase looga baahan yahay inuu la yimaado labo sujuudood ka dib marka uu dhammeeyo attixiyaadka danbe iyo salliga nabiga, ka hor inta uusan salaadda ka bixin. Labadaas sujuudood oo kabniin u noqonaya nusqaantii salaaddiisa ku timid iyo shakigii salaaddiisa kasoo galay, sheydaankii waswaasiyayna ihaano iyo eryid u ah.

F.G:

Haddii ruuxu uu illoobo atixaadka dhexe, dabadeedna uu xasuusto inta uusan si fiican u istaagin wuu u noqonayaa oo akhrinayaa, haddiise uu xasuusto marka uu si fiican isku taago oo uu rakcadii 3aad u taagan yahay, markaas ku noqon maayo ee salaaddiisa ayuu sii wadanayaa, marka uu dhammaystiro sallaadda ayuu la imaanayaa labo sujuudood, oo ah sujuudu sahwi, sidaas ayayna salaaddiisii qofkaas ugu kabmaysaa insha allah.

SALAADAHA WAAJIBKA AH IYO WAQTIYADOODA

Salaadaha waajibka ah ama faralka ahi waa 5 salaadood waxayna kala yihiin:

No

Salaad

Immisa rakco

Waqtiga la tukanayo

1

Fajri/Subax

2 rakcadood

Dhalashada fajarka[1]

2

Duhur

4 rakcadood

Bacda zawaal[2]

3

Casir

4 rakcadood

Qorraxdu intaysan dhicin

4

Makhrib

3 rakcadood

Qorracdu markay dhacdo

5

Cishe

4 rakcadood

Marka aasku si fiican u madoobaado

[1] Dhalashada fajarka waxaa laga wadaa marka waagu dillaaco inta aysan qorraxdu soo bixin.

[2] Bacdal zawaal waxaa loola jeedaa marka qorraxdu ay ka tagto cirka bartankiisa oo ay u badato dhinaca galbeed ee ay u dhacdo.

KITAABKA BARASHADA SALAADDA (QEYBTII 7AAD) (W/Q:-FIRDOWSA C/QAADIR CABDI).
Muqdisho, Khamiis 25 Nov 2010, (Hillaac.Net)

TIIRARKA SALAADDA

Salaaddu waxay leedahay tiirar ay ku taagan tahay oo haddii mid ka mid ah la waayo ay salaaddii dumayso ama burayso, taas oo macnaheedu yahay qofka tukanayaa haddii uu ka tago mid ka mid ah tiirarkaas si ula kac ah amaba uu hilmaamo salaaddiisu way buraysaa; tiirarkaas oo tiradoodu tahay 14 tiir, waxay kala yihiin:

1)  Istaagga (haddii la awoodo)

Ruuxu marka uu tukanayo salaad faral ah (waajib ah) waa inuu salaadda isu taagaa oo istaag ku tukadaa, mana ku ansaxayso salaaddu fadhi, laakiin haddii uusan awoodin ee uu jirran yahay amaba cuuryaan yahay waxaa u bannaan inuu fadhi ku tukado. Sidoo kale salaadaha sunnada ah fadhi waa lagu tukan karaa, waxaase ajar badan in loo istaago.

2)  Allahu akbarta xirashada

Salaadda waxaa lagu galaa takbiiratul ixraamka oo ah in lagu dhawaaqo kalimada Allahu akbar marka salaadda la xiranayo, ku dhawaaqidda takbiirtaasina waa tiir, oo qofkii ka tagaa salaadba ma xiran, sidaas darted waa in lagu baraarugaa ahmiyadda ay leedahay takbiirtaas oo loola yimaadaa sida ay tahay, iyadoon laysku mashquulin waxyaabo kale.

3)  Akhrinta Faatixada

Marka la tukanayo waa in rakcad walba la akhriyo faatixada waana tiir akhrinta faatixadu ruuxii ka tagana salaadi uma jirto sida uu nabigu csw, xadiis inooku sheegay (Salaadi uma jirto ruuxaan akhriyin faatixada kitaabka).

لا صلاة لمن لم يقرأ بفاتحة الكتاب

متفق عليه ،

4)  Rukuucda

Rukuucdu waa in la foorarsado iyadoo jilbaha la qabsanayo, ficilka sidaas ah oo sharcigu u yaqaanno rukuuc waa tiir aan laga tagi Karin salaadda dhexdeeda, qofkii ka tagana aysan salaadi u jirin.

5)  Kasoo noqoshada rukuucda

Marka la rukuuco waa in rukuucda laga soo toosaa, isla markaana istaag lagu soo noqdaa, istaagaasna xoogaa lagu yara nagaado, ilaa qofku u muuqdo qof lagu tilmaami karo ruux taagan, sidaas in la yeelana waa tiir salaaddu leedahay; qofkii ka tagana salaaddiisu way buraysaa.

6)  Sujuudda

Sujuuddu waa in qofka tukanayaa dhulka dhigo 7 xubnood oo kala ah:

Wajiga iyo sanka oo isla socda, (1)

labada calaacalood, (2,3)

labada jilbood, (4,5)

labada lugood farahooda fooddooda; (6,7)

Sujuuddu salaadda dhexdeeda waa tiir aad u muhiimsan, ruuxii ka tagana salaadi kama ansaxin, nabiguna csw, wuxuu ku tilmaamay xilliga uu addoonku ugu dhow yahay rabbigiisa inay tahay xilliga uu sujuudsan yahay, sidaas darteed baa loo baahan yahay in sujuudda lagu xasilo, isla markaana ducada la badiyo sujuudda dhexdeeda.

7) Fadhiga u dhexeeya labada sujuudood

Waxaa jira laba sujuudood rakco walba, marka ruuxu sujuudda hore ka soo noqdana waxaa jira fadhi u dhexeeya oo laga rabo qofka tukanayo inuu wax yar fariisto, fadhigaas u dhexeeya labada sujuudood waa tiir salaaddu leedahay, lamana oggola in laga tago oo isla markiiba sujuuddii labaad loo hoobto sida dad badani yeelaan; ruuxii fadhigaas aan la imaanna wuxuu jabiyay tiir oo salaaddiisii way buraysaa.

8)   Sujuudda labaad

Tiirka 8aad ee salaaddu waa sujuudda 2aad, maxaa yeelay rakco walba waxay leedahay 2 sujuudood, mana la ogola in hal sujuud oo kaliya lala yimaado, qofkii ka taga hal sujuud ahna wuxuu ka tagay tiir oo salaaddiisu way buraysaa, nabiguna wuxuu ku yiri ninkii salaaddiisa xumeeyay[1] (haddana sujuud mar kale ilaa aad sujuudda ku xasishid) kadib markii uu horay ugu soo sheegay inuu sujuudda 1aad ka soo tooso oo uu fadhiga ku xasilo.

9)  Atixiyaadka danbe

Salaadaha oo dhan waxay leeyihiin 2 attixiyaad (tashahud) salaadda subax mooyee; hadaba attixiyaadka danbe oo ah kan salaadda looga baxayo ayaa ah tiir ay salaaddu leedahay oo aan laga tagi karin, ruuxii ka taga (ulakac amaba illow) salaaddiisu way burtay.

10) Fadhiga atixiyaadka danbe

Labada attaxiyaadba waxaa loo baahan yahay in fadhi lagu akhriyo, gaar ahaan attaxiyaadka danbe oo aan soo sheegnay inuu yahay tiir aan laga tagi Karin, fadhigaas loo fariisanayo attixiyaadka danbe ayaa isaguna ah tiir aan laga tagi Karin, lana baddali Karin, tusaale ahaan: haddii attixiyaadkaas istaag lagu akhriyo ma ansaxayo ee waxaa loo baahan yahay in loo fariisto oo fadhi lagu akhriyo.

11) Salliga Nabiga

Marka la dhammeeyo akhrinta attixiyaadka danbe, waa in la akhriyo salliga nabiga oo nabiga lagu salliyaa csw, iyadoo la akhrinayo salliga ibraahiimiyada loo yaqaan oo ah kii uu nabigu na baray, salliga nabiguna csw, waa tiir ka mid tiirarka salaadda oo ruuxii ka tagaa salaaddiisu way buraysaa.

12)Tartiibka

Tartiibku waa in tiirarka salaaddu siday isugu xigaan la isugu xijiyo oo aan la kala hormarin ama laysku qasin, tusaale ahaan: istaag, hadana rukuuc, hadana rukuuc kasoo toosid, hadana sujuud, hadana fadhiga u dhexeeya labada sujuudood, hadana sujuud labaad… ; sidaas darted tiirarka salaadda oo dhan waa in sida ay ukala horreeyaan loo kala hormariyaa layskuguna xijiyaa, qofkii aan sidaa yeelin wuxuu ka tagay tiir ka mid ah tiirarka salaadda; salaaddiisuna  way buraysaa.

13)Dagganaanshaha

Dhammaan tiirarka salaadda waxaa loo baahan yahay in si daganaan ku jirto loola yimaado oo aan la boobsiin; sidii shinbir biyo cabbaysana aan madaxa dhulka lagu garaacin, qofka salaaddiisa boobsiiya oo aan si daggan u tukan salaadi uma jirto, waana tii uu nabigu ka diiday ninkii lagu magacaabi jiray Musii’u salaatahu (ninkii salaaddiisa xumeeyay)[2] .

14)Salaama naqsiga

Salaaddu waxay ka bilaabataa Takbiiratul ixraamka, Allahu akbarta xirashada, waxayna ku dhammaataa Salaama naqsiga oo ah: in lagu dhawaaqo kalimada Assalaamu caleykum waraxmatullaahi, iyadoo marka hore dhanka midigta la jalleecayo, kadibna dhanka bidixda; salaadda in sidaas looga baxo oo la salaama naqsado waa tiir ka mid ah tiirarka salaadda, qofkii ka tagana salaaddiisii way buraysaa xitaa haddii uu intii hore oo dhan soo saxay.

Sidaas darted waxaa looga baahan yahay qofkasta oo Muslim ah inuu aqoon buuxda u yeesho salaaddiisa, waxyaabaha burinaya iyo kuwa dhaawacayaba, isla markaana uu tukado salaaddii uu nabi Muxammed tukan jiray ummaddiisana uu baray uuna faray inay u tukadaan sida ay ka arkeen asaga oo u tukanaya.

Waa socotaa…

W/Qortay:

Firdowsa C/qaadir Cabdi

firdowsabdi@yahoo.com

[1] Ninkaasu wuxuu ahaa nin nabiga agtiisa ku tukaday oo markaasna si khaldan u tukaday, nabiguna wuxuu ku yiri: (orod oo soo tuko ma aadan tukane) ilaa 3 jeer, ilaa uu ninkii ku yiraahdo rasuulkii Allow sidaan kama wanaajin karee i bar, nabiguna wuu baray salaaddii oo dhammaystiran.

[2] Xadiiskan oo ku saabsan qisada ninkaan la magac baxay musii’u salaatuhu ayaa inta badan laga qaataa salaaddii nabiga waxaadna arkaysaa in meelo badan uu kusoo noqnoqonayo.

KITAABKA BARASHADA SALAADDA (QEYBTII 6AAD) (W/Q:-FIRDOWSA C/QAADIR CABDI).
Muqdisho, Axad 07 Nov 2010, (Hillaac.Net)

SHURUUDAHA SALAADDA Salaaddu waxay leedahay 9 shuruudood oo la rabo in la buuxiyo ka hor inta aan la tukan, shuruudahaas oo la’aantood aan salaaddu ansaxeyn; waxayna kala yihiin:

1)  Islaamnimo

Ruuxa tukanayaa waxaa shardi ah inuu yahay muslim, halkaasna waxaa ku baxaya oon salaaddiisa la aqbaleyn gaalka waayo xeradii muslimnimadaba kuma jiro!

2)  Caqli

Sidoo kale ruuxa tukanayaa waa inuu caqli leeyahay, halkaasna waxaa ku baxay oon salaad laga rabin qofka waalan ama doqonka ah, waayo kuwaas Allah ayaa qalinka ka koryeelay waxna loo qori maayo, salaad iyo cibaado kale toona lagama rabo.

3)  Wax-Kala-Soocid

Shardigan culumada qaarna waxay ku magacaabaan qaangaarnimo, waxaase loo jeedaa in ruuxu uusan saqiir aheyn oo uu xumaanta iyo samaha kala garanayo, amaba 4ta jiho kala sooci karo, da’da insaanku wax ku kala soocana waxay culumadu ku tilmaamaan inay tahay 7 sano, iyadoo loo cuskanayo xadiiskii nabiga csw, uu ummadda ku amray inay ilmahooda salaadda baraan markay 7 jirka yihiin, isla markaana ay ku garaacaan 10 jirka haddii ay salaadda tukan waayaan.

4)  Xadathka Oo La Iska Kor Yeelo

Shardigan waxaa loola jeedaa inuu ruuxu dahaaro kaamil ah qabo, oo uu daahir ka yahay xadathka weyn iyo xadathka yar;

Xadathka weyn waxaa loola jeedaa inuu daahir ka yahay waxyaalaha qubeyska waajibiya sida janaabada, xaydka (dhiigga caadada) ama nifaaska (dhiigga ummusha).

Xadathka yar waxaa loola jeedaa in ruuxa waysadii ka jabtay, sidaas darteed qofka tukan raba waa inuu qubaystaa haddii uu ku dhacay waxyaalaha qubeyska waajibiya oo uu soo weysaystaa haddii weysadii ka jabtay.

5)  Najaazada Oo Laga  Iska Daahiriyo

Qofka raba inuu tukado waa inuu najaazada iska suuliyo oo uu si fiican u daahiriyo jirkiisa, dharkiisa iyo meesha uu ku tukanayoba.

6)  Cowrada Oo La Asturo

Ruuxu marka uu salaadda isu taagayo waa inuu cowradiisa asturaa, oo ruux qaawan salaadi kama ansaxayso; cowrada ragga waxay culumadu ku tilmaamaan inta u dhaxaysa xuddunta iyo jilbaha, cowrada dumarkuna waa dhammaan jirkeeda marka laga reebo wajiga iyo labada calaacalood, sidaas darteed haweenku waa inay si fiican isku asturaan oo ay cagahooda qariyaan marwalba gaar ahaan marka ay tukanayaan.

7)  Waqtiga Oo Gala

Marka ruuxu salaad tukanayo waxaa shardi ah in salaaddaas waqtigeedii galay, mana bannaana in salaadna waqtigeeda laga soo hormariyo ama laga dib dhigo (cudurdaar la’aan), tusaale ahaan: salaad cishe ma ansaxayso iyadoo duhur la joogo, ee waa in cishaha la gaaraa xilligii la tukan jiray.

8)  Qiblada Oo Loo Jeesto

Marka qofku tukan rabo waa inuu wajigiisa u jeediyaa dhinaca ay kacbadu (Xaramka) ka xigto, mana ka ansaxayso salaaddu haddii uu u jeesto meel aan qiblada (kacbada) aheyn! Haddiise uu ka wareero halka ay kacbadu ka xigto wuxuu ku dadaalayaa inuu qiblada saxo, wuxuuna u jeesanayaa meesha uu u maleeyo inay qibladii tahay.

9)  Niyada

Marka ruuxu salaadda isku taago waxaa laga rabaa inuu niyaysto oo qalbiga ku soo xaadiriyo salaadda uu tukanayo magaceeda, rakcadaheeda iyo cidda uu u tukanayoba, booska niyaduna waa qalbiga.[1]

[1] Acmaasha oo dhan waxay ku ansaxaan in la niyaysto, meesha niyadu ka xirantana waa qalbiga, sidaas darteed ruuxa salaadda xiranaya waxaa laga rabaa inuu qalbigiisa kusoo xaadiriyo salaadda uu tukanayo dabadeedna uu ku dhawaaqo kalimadda Allahu Akbar, loogamana baahna inuu wax kale isku mashquuliyo.

KITAABKA BARASHADA SALAADDA (QEYBTII 5AAD) (W/Q:-FIRDOWSA C/QAADIR CABDI).
Muqdisho, Talaado 02 Nov 2010, (Hillaac.Net)

BOORAYSIGA (GABBAGABBAYSIGA) Booraysi ama gabbagabbaysigu waa in lagu dahaaro qaato ciid (carro), baddalkii biyaha, (xadath weyn iyo xadath yarba) Allah wuxuu qur’aankiisa nagu faray:

وإن كنتم مرضى أو على سفر أو جاء أحد منكم من الغائط أو لامستم النساء فلم تجدوا ماء فتيمموا صعيدا طيبا فامسحوا بوجوهكم وأيديكم منه

(… Haddii aad biyo heli waydaan ku booraysta ciid wanaagsan oo ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna.) [Suuradda Maa’ida, aayadda 6aad].

Qaabka Booraysiga:

1. Waxaad soo qaadanaysaa ciid nadiif ah.

2. Labada calaacalood ayaad hal mar ku dhufanaysaa.

3. Waxaad marinaysaa wajiga marka hore.

4. Isla gacmihii ayaad hadana marinaysaa cumaacumaha korkooda si is dhaaf ah, adigoo hormarinaya gacanta midigta ah.

Sidaasna waxaa kuugu dhammaaday booraysigii, si ka duwan weysada booraysigu waa hal mar oo qur ah, sidoo kalana lugaha lama marinayo boorka ee wuxuu ku eg yahay wajiga iyo gacmaha oo kali ah.

Marka ruuxu booraysto waxaa u bannaan wax walba oo ruux biyo ku dahaaro qaatay uu samayn karo sida salaad, dawaaf, qur’aan aqris iwm.

Booraysigu wuxuu bannaan yahay dhowr xaaladood:

In biyo oo dhan la waayo, laakiin waxaa shardi ah in laysku dayo in la raadsho oo dabadeed la soo waayo (safar ha la ahaado amaba hala dagganaadee)

In biyo yaalliin laakiin ay yar yihiin, loona baahan yahay cabitaankooda iyo wax ku karsigooda.

In ruuxu uu jirran yahay oo uusan awoodin in uu biyo taabto sida inuu gubtay ama dhaawac yahay ama jaban yahay.

In uu jiro qabow daran, oo ruuxu naftiisa u baqo, uusanna haysan wax uu biyaha ku kululaysto.

In biyihii yaalliin laakiin aadan adigu haysan, ama aadan gaari Karin fogaan darted, ama lacag aadan haysan ay joogaan, xaaladdaasna waxaa kuu bannaan inaad gabbagabbaysato, sidaasna ku tukatid.

FG. Ma jirto xaalad ay bannaan tahay in salaadda laga tago, ama la iska daayo, haddii uu galo waqtiga salaaddu, biyo iyo carro midna aadan haysan, sida inaad diyaarad saaran tahay ama cusbitaal ku jirtid ama xabsi ku jirtid amaba najaaso kugu taallo, waxaad ku tukanaysaa xaaladdaas aad ku sugan tahay wayso la’aan iyo booraysi la ‘aan

Salaaddaasna ma soo celinaysid oo waa ansax insha Allah, sida ay qabaan jamhuurka culumada islaamku, iyadoo loo daliishanayo naska qur’aanka ah {Allah ka baqa intaad awooddaan} [suuradda taqaabun, aayadda 16]

MASIXIDDA KHUFKA AMA SIGISYADA

Khufku waa kabo maro ka samaysan oo la xiran jiray xilligii nabiga iyo saxaabada, waqtigan la joogana laga isticmaalo meelaha qaarkood; sida culumada mucaasarka ah fatwoodeenna, waxaa booskooda gali kara oo la mid ah sigisyada ama sharabaadyada ay dadku cagaha gashadaan (socks).

Hadaba masaxidda khufku waa shey ku bannaan sharciga sida kucad naska qur’aanka ah iyo sunnadaba, waana fududeyn addoommada loo fududaynayo gudashada cibaadadooda waayo Allah wuxuu nala doonayaa fudeyd, diintuna ma aha mashaqo iyo dhib; sidaas darted; haddii aad weysaysatay oo dabadeed adigoo weysadii qaba aad xiratay khuf ama sigisyo, dabadeed weysadii kaa burto waqti ka dib oo aad u baahato inaad dib u weysaysato, waxaad ka  weysaysanaysaa  xubnaha kale oo qura, laakiin ma siibaysid khufka ama sigisyada oo lugihii ma dhaqaysid ee korka ayaad ka masaxaysaa; waxaase loo baahan yahay in la buuxiyo shuruudaha soo socda marka la masaxayo khufka ama sigisyada:

1)    In aad xiratay (labbisatay) khufka ama sigisyada adigoo weyso qaba.

2)    Muddada la oggolyahay inaad masaxdo waa saddex maalmood iyo habeennadood ruuxa musaafirka ah, ruuxa gurigiisa joogana wuxuu sidaa yeeli karaa hal maalin iyo hal habeen, sida ku cad xadiiska nabiga csw.

3)    Waxaa la masaxayaa oo qur ah xadathka yar dhexdiisa, laakiin haddii xadath weyn yimaado sida janaabo, markaas waxaa waajib ah in la siibo oo la qubaysto, dibna loo waysaysto. Sunnadaas oo ah sunno la iska illoobay waxay mudan tahay in dib loo nooleeyo oo laga faa’iidaysto rukhsada Ilaahay na siiyay, isla markaana la barto masaxidda khufka iyo sigisyada.

WAXYAABAHA WEYSADA BURIYA

Waxaa jira waxyaabo weysada buriya ama jabiya, waxaana ka mid ah:

1)    Wax kasta oo ka soo baxa labada jid (horta ama dabada) sida saxarada, kaadida, dhuusada, manida, madida iwm.

2)    Hurdada oo si fiican loo hurdo, oo la jiifsado, (laakiin gamaanyada la lulmoodo ayadoo la fadhiyo weysada ma jabinayso.

3)    Caqliga oo taga, sida suuxdin, miyirdaboolmid kale, amaba waalli.

4)    Farjiga oo la taabto iyadoon maro kaa xigin, cowradaas taada ha ahaato amaba mid kale.

5)    Cunidda hilibka geela.[1]

Waa socotaa…

W/Qortay: Firdowsa C/qaadir Cabdi firdowsabdi@yahoo.com

[1] Arrintan waa masalo khilaaf ka jiro culumada dhexdooda, laakiin sida xoogga badan waa in hilibka geela laga waysaysanayo. Ilaah baa garanaya sida saxda ah.

KITAABKA BARASHADA SALAADDA (QEYBTII 4AAD) (W/Q:-FIRDOWSA C/QAADIR CABDI).
Muqdisho, Talaado 26 Okt 2010, (Hillaac.Net)

WEYSADA Weysadu sharci ahaan waa in lagu dhaqo biyo daahir ah xubnaha weysada oo kala ah wajiga, gacmaha, madaxa iyo lugaha; waana qayb ka mid ah dahaara qaadashada, waayo waxaa laga dahaara qaadanayaa xadathka yar, waana shardi ka mid ah shuruudaha salaadda oo ruux aan weyso qabin salaadi kama ansaxayso. Allah wuxuu yiri Sarreeye:

” يا أيها الذين آمنوا إذا قمتم إلى الصلاة فاغسلوا وجوهكم وأيديكم إلى المرافق وامسحوا برءوسكم وأرجلكم إلى الكعبين[1]

“kuwa iimaanka laga helayow, marka aad salaadda u istaagaysaan dhaqa wajiyadiinna iyo gacmihiinna ilaa xusullada, madaxyadiinnana masaxa iyo lugihiinna ilaa anqowyada…”

Nabiguna csw, wuxuu yiri:

لا يقبل الله صلاة أحدكم إذا أحدث حتى يتوضأ[2]

“Ilaahay ma aqbalo salaadda midkiin ay waysadii ka jabtay ilaa uu soo waysasto”

Weysadu waxay leedahay qaab u gooni ah oo nabigu ummadda u baray lana doonayo in la barto. Ruuxa weysa qaadanaya waxaa laga rabaa inuu weysada dhammaystiro, qurxiyo oo u weyso qaato sidii nabi muxammed csw, u weysaysan jiray ummaddana u baray.

1)    Marka hore, ruuxu waa inuu niyaystaa weysada maxaa yeelay camallada oo dhan waxay ku ansaxaan in la niyaysto (booska niyaduna waa qalbiga).

2)    Soo diyaarso biyaha aad ku weysaysanaysid, waana inay ahaadaan biyo daahir ah oo xalaal ah.

3)    Waxaad ku bilaabaysaa bisinka adigoo leh (BISMILLAH), dabadeedna dhaq gacmahaaga (cumaacumaha) 3 jeer.

4)    Waad luqluqanaysaa, oo sandaaranaysaa (sanka biyaha galinaysaa), dabadeedna biyaha ka soo saar sanka, sidaasna yeel 3 jeer.

5)    Waxaad dhaqaysaa wejiga 3 jeer adigoo biyaha gaarsiinaya wajiga oo dhan. (xuduuda wajigu waa wajiga korkiisa meesha timuhu ka bilawdaan ilaa garka xagga dhererka, xagga ballacana dhagta midig ilaa dhagta bidix) (raggu waa inay garkooda biyaha si fiican u dhex galiyaan).

6)    Waxaad dhaqaysaa gacantaada midig ilaa xusulka (suxulka) 3 jeer.

7)    Waxaad dhaqaysaa gacantaada bidix ilaa xusulka (suxulka) 3 jeer. (Si fiican biyaha u wada gaarsii suxullada oo dhan.)

8)    Madaxaaga masax adigoo ka bilaabaya foodda ilaa jeegada (qadaadka) oo dib ugu soo celi foodda.

9)    Dhagaha masax adigoo farta murugsatada la yiraahdo dhagta dhex galinaya, suulkana ku masaxaya dhagta gadaasheeda.

10)                       Waxaad dhaqdaa lugtaada midig ilaa anqowga, waxaana sunno ah inaad faraha lugaha biyaha dhexgalgalisid adigoo gacantaada isticmaalaya.

11)                       Dabadeed waxaad dhaqdaa lugtaada bidix ilaa anqowga, sidii hore oo kale.

12)                       Marka aad weysada dhammayso waxaa sunno ah inaad akhriso ducadan:

[ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLA LAAHU WAXDAHU LAA SHARIIKA LAHU WA ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN CABDUHU WARASUULUHU]

13)                       Waxaa kale oo sunno ah markasta oo aad weysaysato inaad labo rakco oo salaad sunno ah tukatid.

14)                         Nabigu csw, wuxuu yiri “qofkii weysaysta oo weysada wanaajiya, danbiyadiisu jirkiisa way ka baxayaan ilaa ay ciddiyaha ka wada baxaan.”

Waa socotaa…

W/Qortay:

Firdowsa C/qaadir Cabdi

firdowsabdi@yahoo.com

[1] Suuradda Maa’ida, aayadda 6aad

[2] Waxaa weriyay Bukhaari

KITAABKA BARASHADA SALAADDA (QEYBTII 3AAD) (W/Q:-FIRDOWSA C/QAADIR CABDI).
Muqdisho, Talaado 12 Okt 2010, (Hillaac.Net)

DAHAARADA:- Dahaaradu waa mowduuc aad uguda weyn, laakiin halkan waxaan ku gaabsanaynaa oo qura qaybta salaadda xiriirka tooska ah la leh.

Macnaha dahaaradu waa is nadiifin iyo is hufid, xagga sharcigana waxay u qaybsantaa 2 qaybood oo kala ah dahaaro macnawi ah iyo mid xissi ah (mid qalbiga ah iyo mid jirka ah).

Dahaarada macnawiga ah waa midda qalbiga laga daahirinayo shirkiga, cibaadooyinka Allena laga daahirinayo bidcada; waana dahaarada weyn, waayo cibaado kama ansaxayso qof qalbigiisu la wasakheysan yahay shirki, ama doonaya inuu bidco Ilaahay ugu dhawaado, sida ku cad aayaddan: {kama aysan reebin in laga aqbalo sadaqooyinkoodii illaa inay ku gaaloobeen Alle iyo rasuulkiisa mooyee} [suuradda towba, aayadda 54].

Nabiguna csw, wuxuu yiri: (qofkii sameeya camal aan diinteenna ku jirin waa lagu celinayaa) [waxaa weriyay Bukhaari.]

Sidaas darted bay muhiim tahay in aan ugu horreyn quluubteenna ka daahirinno nijaasooyinka waaweyn oo shirkigu madaxda u yahay, maxaa yeelay, waxaa laysku raacsan yahay qofkii barya ama gargaar ka dalba, ama caabuda cid aan Allah aheyn inaan cibaadadiisa la aqbaleyn, haba la yimaado salaad badan, soon badan iyo xaj badan!

Ilaahay wuxuu ku tilmaamay kuwa shirkiga la yimaada inay nijaaso yihiin, Allah wuxuu yiri {kuwa iimaanka laga helayow mushrikiintu waa najaaso ee yaysan xaramka u dhowaan…} [suuradda attowba, aayadda 28]; qofka mu’minka ahse ma nijaasoobo oo nabigu wuxuu yiri: (mu’minku ma nijaasoobo) [waxaa weriyay Bukhaari]

Sidaas oo kale ayaa la doonayaa in qalbiga laga wada daahiriyo dhammaan cudurrada ku dhaca sida munaafaqnimada, khiyaanada, xaasidnimada, cuqdada iyo naceybka loo qaado dadka mu’miniinta ah, maxaa yeelay dhammaan tilmaamahaas oo dhan waa kuwo sharcigu caayay, mana aha akhlaaq ruux mu’min ah.

Dahaarada jirku waa nooca labaad ee dahaarada taasoo jirka laga daahirinayo labo waxyaabood:

a)    Qurun: waa nooc kasta oo shareecadu ku waajibisay addoommada inay iska daahiriyaan,sharciguna caddeeyay inuu yahay najaaso, sida saxarada, kaadida, dhiigga iwm

b)    Xadath: waa xaalad ruuxa kusoo korodhay, taasoo u diidaysa inuu cibaadaysto loona baahan yahay inuu is daahiriyo dahaara kaamil ah oo uu qubaysto, sida janaabada, xaydka/nifaaska iwm.)

Fuqahada islaamku waxay dahaarada jirka ku sheegaan labadaas aan kor kusoo sheegnay: in la iska daahirinayo qurun ama laga dahaaro qaadanayo xadath; xadath-kaas oo noqon kara xadath yar oo u baahan in laga weysaysto iyo xadath weyn oo laga qubaysanayo.

Maxaa laysku daahirinayaa?

Waxyaabaha la isku daahirin karo waa badan yihiin, waxaase asal u ah biyaha, biyahaas oo iyagu nadiif ah, daahir ah waxna daahirin kara, isla markaasna xalaal ah (oo aan lasoo xoogin) sida biyaha ceelasha, wabiyada, badaha iwm; haddiise biyihii la waayo waxaa la isticmaalayaa carro (ciid) nadiif ah oo lagu booraysanayaa. Markase laga dahaaro qaadanayo qurun sida saxaro ama dhiig waxaa lagu dahaaro qaadan karaa wax walba oo suulin kara najaasada caynteeda biyo ama wax aan biyo aheyn sida dhagax, banziin iwm; sidoo kale culumadu xilligan waxay fatwoodeen in mandiilka ama warqaddu (tissue) uu asna wax daahirin karo, waxaase mar walba asal ah uguna wanaagsan haddii la heli karo in biyo lagu dahaaro qaato.

Dahaaradu waa cibaado iyo camal Allah loogu dhowaanayo camal kastana wuxuu ku ansaxayaa niyad, sida ku cad xadiiska, nabigu csw wuxuu yiri: {camal kastaa waa niyadda}[1]

Sidaas darteed ruuxa muslimka ah ee doonaya inuu tukado waxaa laga rabaa oo waajib ku ah inuu daahiriyo oogadiisa, (jirkiisa) dharkiisa iyo meesha uu ku tukanayaba, waxaana laga doonayaa inuu niyaysto mar kasta oo uu iska daahirinayo xadath yar amaba mid weyn.[2]

Waa socotaa…

W/Qortay:

Firdowsa C/qaadir Cabdi

firdowsabdi@yahoo.com

[1] Waxaa weriyay Bukhaari iyo Muslim

[2] Arrintani waa mid la doonayo in dadku aad ugu baraarugaan oo dahaarada la niyaysto, maxaa yeelay niyaddaas oo qura ayay dahaaradu uga duwan tahay is nadiifinta caadiga ah ee dadka aan muslimiinta ahi is nadiifiyaan.

KITAABKA BARASHADA SALAADDA (QEYBTII 2AAD) (W/Q:-FIRDOWSA C/QAADIR CABDI).
Muqdisho, Sabti 02 Okt 2010, (Hillaac.Net)

XAALKA QOFKA SALAADDA KA TAGA

Qofka salaadda ka taga ee aan tukan, isaga oo inkirsan amaba diiddan in wax salaad la yiraahdo ay jirto Muslim ma aha diinta islaamkana bannaanka ayuu ka yahay sida ay muslimiintu isku raacsan yihiin, wax muran ahna kama jiro arrinkaas.

Haddii ruuxu salaaddii uu tukan waayo sabab kasta ha ku kalliftee sida caajis dartiis amaba mashquul kale, waxay axaadiista nabigu si cad u qeexayaan in qofkaasi uu gaaloobay, axaadiistaas waxaa ka mid ah:

“إن بين الرجل وبين الشرك والكفر ترك الصلاة” (رواه مسلم)

(qofka iyo gaalnimada waxaa u dhexeeya salaadda oo uu ka tago)[1] iyo (ballanta ka dhexeysa annaga iyo iyaga (gaalada) waa salaadda, qofkii ka tagaa waa gaaloobay)[2].

Ma jirin shay acmaasha ka mid ah oo ay saxaabadii nabi Muxammed u arki jireen ka tagiddiisa in lagu gaaloobo salaadda mooyee[3]

Sidaas ayuuna ahaa ra’yiga ahlul cilmiga laga soo bilaabo nabi Muxammed iyo saxaabadiisii: in qofkii hal salaad ka taga cudurdaar la’aan ilaa waqtigeedu ka tago uu gaaloobay. Saxaabada qabtay in taariku salaadku uu gaalyahay waxaa ka mid ah: Cumar binu Khadaab, C/raxmaan ibnu Cowf, Macaad ibnu jabal, Abii Hureyra, C/laahi binu Mascuud, C/laahi binu Cabbaas, Jaabbir binu C/laahi, Abuu Dardaa’ iyo kuwa kale oo saxaabada ka mid ahba, Allaha ka wada raalli noqdee.

Dhinaca taabiciyiinta qabtay in taariku salaadku uu yahay gaal aan waxba lagu darsanayn waxaa ka mid ah:Imaam Axmed bin Xanbal, Isxaaq bin Raahwiya, Cabdalla bin Mubaarak, Nukhaci, Xakam binu Cuteyba, Abuu Ayuub Sakhtiyaani, Abuu Daawuud Diyaalisi, Abuu Bakar ibnu abii Shayba, Zuheyr ibnu Xarbi iyo kuwo kale, Allaha u wada naxariistee.

Axaadiista qaarkoodna waxayba caddeynaysaa in ruuxa salaadda aan tukan, dhiiggiisu bannaan yahay, sida ku cad xadiiskan:(waxaa lay amray inaan dadka la dagaallamo ilaa ay ka qirayaan in Ilaah xaq lagu caabudo uusan jirin Allah mooyee, Muxammedna uu yahay rasuulkii Alle, oo ay salaadda ka oogayaan, zakadana ka bixinayaan, haddii ay sidaas yeelaan waxay iga ilaaliyeen dhiiggooda iyo maalkooda, xaqa islaamka mooyee, xisaabtooduna Alle korkiisay ahaatay[4]).

RA’YIGA CULUMADA QAARKOOD

Inkastoo axaadiista aan kor kusoo qaadannay iyo qaar kale oo fara badani ay si cad u xukminayaan gaalnimada qofka salaadda aan tukan iyo in dhiiggiisu bannaan yahay, hadana in badan oo ka mid ah culumadii Salafka oo ay ka mid yihiin: Imaam Abuu Xaniifa, Imaam Maalik iyo Imaam Shaafici, waxay qabeen in uusan taariku salaadku gaaloobayn waxayna ku tilmaameen Faasiq (inuu ka baxay daacada Alle) waxayna dheheen waxaa laga dalbayaa inuu toobad keeno, haddii uu toobad keeni waayo shaaficiyada iyo maalikiyadu waxay qabaan in la dilayo, laakiin Imaam Abuu Xaniifa wuxuu yiri: (lama dilayo laakiin waa la tacsiirinayaa (la garaacayaa) waana la xirayaa ilaa uu ka tukado!. Culumadani axaadiista kore[5] waxay ku xanbaareen inay ku jeedaan midka salaadda ka taga oo diiday inuu tukado isaga oo inkirsan waajibnimada salaadda; waxayna cuskanayaan qaar ka mid ah nusuusta qur’aanka sida aayaddan: (Allah ma dhaafo in cid wax loogu daro, wuuse u dhaafaa wixii shirki kasoo haray ciddii uu doono) iyo xadiiskan uu nabigu csw, yiri (shafeecadayda waxaa helaya qofkii yiraahda Allah mooyee Alle kale ma jiro, isagooy qabigiisa si barax tiran uga soo go’day).

Si kastaba, xaalka ruuxa salaadda ka taga wuxuu u dhexeeyaa labadan ra’yi:

a) Waa gaal dhiiggiisu bannaan yahay! oo ah sida nusuusta xooggeedu u badan tahay; iyo

b) Waa faasiq[6] ama waa caasi oo haddii uu diido inuu tukado waa la dilayaa! Ama la garaacayaa oo la xirayaa!

Dhammaan tilmaamahaasi ma aha kuwo ku habboon inuu ku sifoobo ruux islaamnimo sheeganaya, sidaas darted waxaa lagama maarmaan ah in ruuxa doonaya inuu islaamnimadiisa la nabadgalo, Alle hortiisana uu kheyr ka rajeeyo ay waajib ku tahay inuu salaaddiisa barto, toosiyo, oo uu la yimaado salaaddii uu nabi Muxammed (csw) saxaabadiisa baray, isla markaasna uu ka dardaarmay in sidaas loo tukado.

Waa socotaa…

W/Qortay:

Firdowsa C/qaadir Cabdi

firdowsabdi@yahoo.com.

[1] Waxaa weriyay axmed, muslim, abuu daa’uud, tirmidi iyo ibnu maajah.

[2] Waxaa weriyay axmed iyo asxaabta sunanka.

[3] Waxaa weriyay tirmidi, xaakimna wuxuu ku saxiixiyay shuruudda labada sheikh.

[4] Waxaa weriyay Bukhaari iyo Muslim.

[5] Yacni axaadiista taariku salaadka gaalka ku xukminaysa ee aan kor ku soo aragnay.

[6] Yacni daacada Alle ka baxay oo Alle ku fallaagoobay.

KITAABKA BARASHADA SALAADDA (QEYBTII 1AAD) (W/Q:-FIRDOWSA C/QAADIR CABDI).
Muqdisho, Arboco 29 September 2010, (Hillaac.Net)

HORDHAC Mahad dhammaanteed waxay u sugnaatay Allihii na abuuray oo hadana qalinka abuuray insaankana ku hanuuniyay inuu wax qoro, nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato nabigeennii Muxammed bin Cabdillaahi, ehelkiisii, asaxaabtiisii iyo intii iimaanka ku raacdayba. Aamiin.

Intaas ka dib, kadib markii aan darsay ahmiyadda weyn ee ay salaaddu leedahay iyo booska weyn ee ay kaga taal diinteenna islaamka isla markaana aan arkay baahida weyn ee ay dadkaygu u qabaan barashada salaadda si cilmiyaysan ayaan go’aansaday inaan qoro kitaabkan kooban oo aan filayo inuu kaalmo u noqon karo qof kasta oo raba inuu salaadda uu tukanayo u yeesho cilmi sharci ah! Sida aan la wada soconnona in badan oo dadkeenna ka mid ahi waxay tukadaan salaad taqliidi ah oo ay cid uun uga daydeen, taasina waa mid khilaafsan tacaaliimta diinteennu ay nafarayso taasoo ku dhisan (CILMI, CAMALKA KA HOR) oo macnaheedu yahay inaad marka hore aqoon buuxda u leedahay cibaadada aad samaynayso intaadan ku dhaqaaqin ka hor!

Sidaas darteed, Salaadda oo ah cibaado muhiimad weyn ku fadhida ayaan jeclaystay inaan u soo bandhigo si fudud oo dadka oo dhammi fahmi karaan; si qofkii aan wax ra’yi ah ka haysan mowduuca salaadda uu kitaabkani ugu noqdo mid uu ka iftiin qaato, kii wax uun shaki uga jirayna uu ugu baraarugo!

Inkastoo kitaabkani yahay mid kooban, haddana waxaan isku dayay inaan kusoo wada uruuriyo qaybaha salaadda ugu muhiimsan oo dhan, waxaase dhici karta inaanan wada gaarin dhammaanteed, taasoo aan u tiirinayo dabeecadda insaanka oo aan kaamil noqon Karin iyo aqoontayda iyaduba iska xaddidan.

Waxaan Allah weydiisanayaa inuu ka dhigo camalkan mid asaga dartiis loola jeeday iyo mid lagu fulinayay dardaarankii nabiga csw ee ahaa (iga gaarsiiya dadka, aayadba ha ahaatee!), isla markaana uu nagu anfaco kitaabkan yar, dhammaanteenna naga dhigo kuwa salaaddooda toosiya. Aamiin.

Waxaan ka cudurdaaranayaa wixii khaladaad ah ee kusoo baxa kitaabkan oo aan u tirinayo naftayda iyo shaydaan, wixii aan asiibayna Allah ayaan uga mahadcelinayaa i waafajiyay kheyrka.

Waxaan walaalaha ka codsanayaa inay iisoo gudbiyaan wixii talo iyo toosin ah ee ku saabsan macluumaadka aan halkan kusoo gudbiyay, si kitaabkani u noqdo mid laga gaaro hadafkii loo qoray.

WABILLAAHI TOWFIIQ…

QAYBTA 1AAD

AHMIYADDA SALAADDA

Salaaddu waa cibaado ka kooban hadallo iyo ficillo gaar ah, waxay ku bilaabataa takbiir oo ah in Allah la weyneeyo iyadoo lagu dhawaaqayo kalimadda (ALLAAHU AKBAR), waxayna ku dhammaataa salaama naqsi iyadoo lagu dhawaaqayo kalimada (ASSALAAMU CALEYKUM WARAXMATULLAAHI).

Marka laga hadlayo tiirarka ay diinta islaamku ku taagan tahay; salaaddu waa tiirka labaad arkaanta islaamka ee shanta ah; isla markaana waa tiirka 1aad kadib markuu ruuxu qiro shahaadataynka; sida ku cad xadiiskan saxiixa ah:

” بني الإسلام على خمس: شهادة أن لا إله إلا الله، وأن محمدا رسول الله، وإقام الصلاة، وإيتاء الزكاة، وصوم رمضان ،وحج البيت لمن استطاع إليه سبيلا”(رواه البخاري ومسلم).

Islaamka waxaa lagu dhisay 5 tiir korkood:

1)    Qirid[1] in Allah xaq lagu caabudo uusan jirin Allah mooyee, nabi Muxammedna uu yahay rasuulkii Allah soo dirsaday.

2)    Salaadda oo la oogo[2]

3)    Zakada oo la bixiyo

4)    Bisha Ramadaan oo la soomo iyo

5)    Xajka oo la aado qof kii awooda.

Salaaddu waa cibaadada ugu horreysa ee laga rabo ruuxa muslimka ah ee ku dhawaaqa shahaadada amaba qira in uusan jirin Alle xaq lagu caabudo Allah mooyee, nabi Muxammedna uu yahay rasuulkii uu Alle soo dirsaday! Waa cibaadada u horreysa ee lagu ogaado in ruuxa kalmaddaas ku dhawaaqay uu ka run sheegayo islaamnimadiisa iyo inuu iska yiri kalmadda oo qura!

Salaaddu waxay waajib ku tahay ruux walba oo Muslim ah, caqli leh oo qaangaar ah, mana la aqblayo cudurdaar kasta oo looga tagayo, waxayse ka dhacaysaa haweenka xaaladda ay qabaan dhiigga caadada ah iyo kan dhalmada.

Salaaddu waa xiriir toos ah oo ka dhexeeya addoonka iyo rabbigiisa, taasoo uu mar walba addoonku la xiriiri karo Allihiisa weyn uuna weydiisan karo baahidiisa oo dhan, nabiguna csw, wuxuu noo sheegay in xilliga uu addoonku ugu dhow yahay rabbigiisa ay tahay marka uu sujuudsan yahay, waqtigaas oo Allah ducada aqbalo, nabigu wuxuu nagu dhiirriyay inaan ducada ku badinno sujuudda dhexdeeda.

Lama soo koobi karo ahmiyadda ay salaaddu leedahay iyo booska weyn ee ay kaga fadhido diintan xaniifka ah, balse aan ka soo qaadanno dhowr qodob:

1)    Salaaddu waa tiirka diinka islaamku ku taagan yahay, la’aanteedna diin ma is taagi karo, sida ku cad xadiiskan (… tiirka islaamku waa salaadda…) [waxaa weriyay Axmed, Tirmidi iyo Nisaa’i]

2)    Salaaddu waa cibaadadii ugu horreysay ee loogu hor waajibiyay cibaadooyinka Alle loogu dhowaado, waxaana la waajibiyay intii nabigu magaalada Makka joogay sannadkii 3aad ee soo saarista nabiga.

3)    Salaadda markii nabigeenna lagu soo farad yeelayay kor baa loo sii qaaday oo waa la dheelmiyay, lana korsiiyay todobada samo korkooda, waana cibaadada kaliya ee uu nabigu Allah toos uga soo qaatay (waasido la’aan), halka cibaadooyinka kale oo dhan nabiga lagu farad yeelay isagoo dhulka jooga, isla markaasna malakul Jibriil u keeni jiray! Taasina waxay ku tusaysaa muhiimmadda ay salaaddu ku fadhido.

4)    Marka qiyaamaha la tago oo la is xisaabinayo, Salaaddu waa cibaadada ugu horreysa ee addoonka camalladii uu soo samaystay loogu hor xisaabinayo, haddii addoonkaas salaaddiisu wanaagsanaato, acmaashiisa oo dhan waa loo saxayaa, sidaasuuna ruuxii salaadda fiican la tagay ugu baasayaa imtixaankii, haddiise ruuxu la tago salaad aan saxneyn amaba salaaddiisii uu ku dhaco, camalladiisii oo dhan wuu ku dhacayaa haba la yimaado sadaqo badan, xaj badan, soon badan iwm. Halkaasna waxaan ka qaadanaynaa in salaaddu tahay madaxa cibaadooyinka oo dhan.

أول ما يحاسب عليه العبد

يوم القيامة

الصلاة

فإن صلحت صلح سائر عمله، وإن فسدت فسد سائر عمله

رواه الطبرانى

5)    Salaaddu waa wixii ugu danbeeyay ee uu nabigu csw kala dardaarmay ummaddiisa markii ay naftu ka baxaysay, wuxuuna suubanuhu csw, ku dhawaaqayay isagoo neeftii ugu danbaysay neefsanaya (war salaadda.. war salaadda…)

6)    Salaaddu waa waxa ugu danbeeya diinkan ee la waayi doono, marka salaadda la dayacana diin oo dhan waa la dayacay, sida ku sugan xadiiska rasuulka.

7)    Salaaddu waxay aheyd cibaado uu rasuulku sameeyo midda uu ugu jecel yahay, wuxuuna ku oran jiray mu’addinkiisii (Bilaaloow noogu raaxee) yacni salaadda, oo noo addin, sidoo kale ayuu nabigu yiri: (… salaadda ayaa laga dhigay il-qabowsigayga)

8)     Salaaddu waa dhufays laga galo sheydaanka iyo sharkiisa, waxay hagaajisaa akhlaaqda ruuxa muslimka ah, salaaddu saaxiibkeeda ilaaliya oo daaima way ilaalisaa! Waxayna ka reebtaa foolxumada iyo dunuubta waaweyn, sida ku cad naska qur’aanka ah.

إن الصلاة تنهى عن الفحشاء والمنكر

Salaaddu waxay reebtaa foolxumada iyo munkarka…)

9)    Salaaddu waxay dunuubta ka daahirisaa saaxiibkeeda sida ku cad xadiiska: nabigu csw wuxuu asaxaabtiisa ku yiri:

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: (أرأيتم لو أن نهرا بباب أحدكم يغتسل منه كل يوم خمس مرات، هل يبقى من درنه شيء؟ قالوا: لا يبقى من درنه شيء، قال: فذلك مثل الصلوات الخمس، يمحو الله بهن الخطايا ) متفق عليه

(Bal ka warrama haddii midkiin gurigiisa hortiisa uu wabi ku yaal, oo uu maalintii 5 jeer kusoo qubaysto, wax wasakh ah miyaa jirkiisa ku haraysa? Saxaabadii waxay yiraahdeen: wax wasakh ahi kuma harayso, markaas ayaa nabigu csw, yiri: shanta salaadoodna waa sidaas oo kale, Allah wuxuu ku tiraa gafafka) Waxaa weriyay: Bukhaari iyo Muslim.

10)                       Salaadda meelo fara badan ayaa qur’aanka Allah ku xusay, iyadoo mar la socota, dikriga (xuska Alle), marna zekada, marna sabarka, marna gowraca, mar waxaa Allah ku bilaabay salaadda camallada wanaagsan wuuna ku khatimay.

اقيموا الصلاة واتوا الزكاة[3]

قد أفلح المؤمنون*الذين هم قي صلاتهم خاشعون[4]

وأقم الصلاة لذكرى[5]

” فصل لربك وانحر “[6]

وذكر اسم ربه فصلى[7]

11)                       Ma jirto xilli ay bannaan tahay in salaadda laga tago ama la iska dhaafo, haddii la nagi yahay, ama safar la yahay, ama la caafimaad qabo, ama la jirran yahay, ama amni la haysto ama colaadi jirto oo la baqayo, mar kasta salaadda waa la iska rabaa, xitaa haddii ruuxu uu saaran yahay firaashkii uu ku dhimanayay marba haddii uu miyir qabo salaaddii waa laga rabaa, sidaas darteed buu islaamku amray in salaadda la xifdiyo xaalad kasta oo lagu jiro, iyadoo si xeel dheer qur’aanka iyo sunnahaba loogu sharxay sida loo tukanayo salaadaha xaaladaha adag sida salaadda safarka, salaadda cabsida, salaadda qofka jirran, kan xabsiga ku jira iwm.

12)                       Salaaddu waxay ka mid tahay arrimaha waaweyn ee u baahan in ilaahay kugu hanuuniyo oo kuu sahlo gudasheeda, sidaas darted buu nabiyullaahi Ibraahiim (caleyhi salaam) uu Allah u weydiistay inuu ka dhigo asaga iyo durriyaddiisaba kuwa salaadda ooga oo si dhammaystiran u tukada.

” رب اجعلني مقيم الصلاة ومن ذريتي ربنا وتقبل دعاء “

13)                       Allah ayaan weydiisanaynaa inuu annagana naga dhigo kuwa si wanaagsan u guta salaadda leh ahmiyadda intaas le’eg ee aan soo sheegnay iyo ka badanba, ducadeenna iyo camalkeennana uu aqbalo. Aamiin.

Waa socotaa…

W/Qortay:

Firdowsa C/qaadir Cabdi

firdowsabdi@yahoo.com

[1] ku dhawaaqid afka looga dhawaaqayo iyo rumayn qalbiga laga rumaynayo kalimadda shahaadataynka.

[2] Salaadda sharcigu wuxuu ku cabbiraa kalimadda (iqaama) oo ah toosin iyo in loola yimaado sidii uu nabi Muxammed ummadda u baray. Afsoomaaliga waxaa ugu dhow in laga cabbiro oogid yacni si fiican u gudasho.

3 Suuradda Baqara

[4] Suuratu Mu’minuun

[5] Suuratu Dhaahaa

[6] Suuratu Kowthar

[7] Suuratu Aclaa