KITAABKA BARASHADA SALAADDA (QEYBTII 4AAD) (W/Q:-FIRDOWSA C/QAADIR CABDI).
Muqdisho, Talaado 26 Okt 2010, (Hillaac.Net)
WEYSADA Weysadu sharci ahaan waa in lagu dhaqo biyo daahir ah xubnaha weysada oo kala ah wajiga, gacmaha, madaxa iyo lugaha; waana qayb ka mid ah dahaara qaadashada, waayo waxaa laga dahaara qaadanayaa xadathka yar, waana shardi ka mid ah shuruudaha salaadda oo ruux aan weyso qabin salaadi kama ansaxayso. Allah wuxuu yiri Sarreeye:
” يا أيها الذين آمنوا إذا قمتم إلى الصلاة فاغسلوا وجوهكم وأيديكم إلى المرافق وامسحوا برءوسكم وأرجلكم إلى الكعبين[1]
“kuwa iimaanka laga helayow, marka aad salaadda u istaagaysaan dhaqa wajiyadiinna iyo gacmihiinna ilaa xusullada, madaxyadiinnana masaxa iyo lugihiinna ilaa anqowyada…”
Nabiguna csw, wuxuu yiri:
لا يقبل الله صلاة أحدكم إذا أحدث حتى يتوضأ[2]
“Ilaahay ma aqbalo salaadda midkiin ay waysadii ka jabtay ilaa uu soo waysasto”
Weysadu waxay leedahay qaab u gooni ah oo nabigu ummadda u baray lana doonayo in la barto. Ruuxa weysa qaadanaya waxaa laga rabaa inuu weysada dhammaystiro, qurxiyo oo u weyso qaato sidii nabi muxammed csw, u weysaysan jiray ummaddana u baray.
1) Marka hore, ruuxu waa inuu niyaystaa weysada maxaa yeelay camallada oo dhan waxay ku ansaxaan in la niyaysto (booska niyaduna waa qalbiga).
2) Soo diyaarso biyaha aad ku weysaysanaysid, waana inay ahaadaan biyo daahir ah oo xalaal ah.
3) Waxaad ku bilaabaysaa bisinka adigoo leh (BISMILLAH), dabadeedna dhaq gacmahaaga (cumaacumaha) 3 jeer.
4) Waad luqluqanaysaa, oo sandaaranaysaa (sanka biyaha galinaysaa), dabadeedna biyaha ka soo saar sanka, sidaasna yeel 3 jeer.
5) Waxaad dhaqaysaa wejiga 3 jeer adigoo biyaha gaarsiinaya wajiga oo dhan. (xuduuda wajigu waa wajiga korkiisa meesha timuhu ka bilawdaan ilaa garka xagga dhererka, xagga ballacana dhagta midig ilaa dhagta bidix) (raggu waa inay garkooda biyaha si fiican u dhex galiyaan).
6) Waxaad dhaqaysaa gacantaada midig ilaa xusulka (suxulka) 3 jeer.
7) Waxaad dhaqaysaa gacantaada bidix ilaa xusulka (suxulka) 3 jeer. (Si fiican biyaha u wada gaarsii suxullada oo dhan.)
8) Madaxaaga masax adigoo ka bilaabaya foodda ilaa jeegada (qadaadka) oo dib ugu soo celi foodda.
9) Dhagaha masax adigoo farta murugsatada la yiraahdo dhagta dhex galinaya, suulkana ku masaxaya dhagta gadaasheeda.
10) Waxaad dhaqdaa lugtaada midig ilaa anqowga, waxaana sunno ah inaad faraha lugaha biyaha dhexgalgalisid adigoo gacantaada isticmaalaya.
11) Dabadeed waxaad dhaqdaa lugtaada bidix ilaa anqowga, sidii hore oo kale.
12) Marka aad weysada dhammayso waxaa sunno ah inaad akhriso ducadan:
[ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILLA LAAHU WAXDAHU LAA SHARIIKA LAHU WA ASH-HADU ANNA MUXAMMADAN CABDUHU WARASUULUHU]
13) Waxaa kale oo sunno ah markasta oo aad weysaysato inaad labo rakco oo salaad sunno ah tukatid.
14) Nabigu csw, wuxuu yiri “qofkii weysaysta oo weysada wanaajiya, danbiyadiisu jirkiisa way ka baxayaan ilaa ay ciddiyaha ka wada baxaan.”
Waa socotaa…
W/Qortay:
Firdowsa C/qaadir Cabdi
firdowsabdi@yahoo.com






