KITAABKA BARASHADA SALAADDA (QEYBTII 8AAD) (W/Q:-FIRDOWSA C/QAADIR CABDI).
Muqdisho, Axad 05 Nov 2010, (Hillaac.Net)
WAAJIBAADKA SALAADDA Waajibaadka Salaaddu waxay isugu jiraan waxyaabo afka laga akhrinayo iyo ficillo xubnaha laga qabanayo salaadda dhexdeeda, kuwaasoo haddii ruuxa tukanayaa uu ulakac uga tago ay salaaddiisu burayso; haddiise uu ka tago isaga oo hilmaansan wuxuu ku kabayaa sujuudda loo yaqaanno sujuuddu sahwi (sujuudda hilmaanka), salaaddiisiina waa ansax insha Allah.
Waajibaadka Salaadda waxaa ka mid ah:
a) takbiiraha oo dhan (allahu akbaryaasha salaadda dhexdeeda) marka laga reebo takbiiratul ixraamka (allahu akbarta xirashada)
b) tasbiixda rukuucda iyo sujuudda dhexdooda la akhriyo (subxaana rabbiyal cadiimi iyo subxaana rabbiyal aclaa)
c) samicallaahu liman xamidah, iyo rabbanaa walakal hamdu (oo la akhriyo marka rukuucda laga soo tooso)
d) ducada la akhriyo fadhiga u dhexeeya labada sujuudood (rabbighfirlii..)
e) Attixiyaadka hore.
f) Fadhiga attixiyaadka hore
g) Dhammaan waajibaadkaan qofkii kas uga taga salaaddiisu way buraysaa sidaan kor kusoo sheegnayba, qofkiise hilmaan uga taga salaaddiisu ma burayso waxaase looga baahan yahay inuu la yimaado labo sujuudood ka dib marka uu dhammeeyo attixiyaadka danbe iyo salliga nabiga, ka hor inta uusan salaadda ka bixin. Labadaas sujuudood oo kabniin u noqonaya nusqaantii salaaddiisa ku timid iyo shakigii salaaddiisa kasoo galay, sheydaankii waswaasiyayna ihaano iyo eryid u ah.
F.G:
Haddii ruuxu uu illoobo atixaadka dhexe, dabadeedna uu xasuusto inta uusan si fiican u istaagin wuu u noqonayaa oo akhrinayaa, haddiise uu xasuusto marka uu si fiican isku taago oo uu rakcadii 3aad u taagan yahay, markaas ku noqon maayo ee salaaddiisa ayuu sii wadanayaa, marka uu dhammaystiro sallaadda ayuu la imaanayaa labo sujuudood, oo ah sujuudu sahwi, sidaas ayayna salaaddiisii qofkaas ugu kabmaysaa insha allah.
SALAADAHA WAAJIBKA AH IYO WAQTIYADOODA
Salaadaha waajibka ah ama faralka ahi waa 5 salaadood waxayna kala yihiin:
| No | Salaad | Immisa rakco | Waqtiga la tukanayo |
| 1 | Fajri/Subax | 2 rakcadood | Dhalashada fajarka[1] |
| 2 | Duhur | 4 rakcadood | Bacda zawaal[2] |
| 3 | Casir | 4 rakcadood | Qorraxdu intaysan dhicin |
| 4 | Makhrib | 3 rakcadood | Qorracdu markay dhacdo |
| 5 | Cishe | 4 rakcadood | Marka aasku si fiican u madoobaado |
[1] Dhalashada fajarka waxaa laga wadaa marka waagu dillaaco inta aysan qorraxdu soo bixin.
[2] Bacdal zawaal waxaa loola jeedaa marka qorraxdu ay ka tagto cirka bartankiisa oo ay u badato dhinaca galbeed ee ay u dhacdo.






