Salaad Cali Jeelle “Waa Billow fiican in lasoo qabto Shaqsiyaadka DKMGka ah ku jira ee ka shaqeeyay Qaraxii Tiyaatarka, Balse waxa dhiman in Mas’uuliyiin badan oo DKMGka ah ku jira Shabaabna xiriir la laleh lasoo xiro”.
Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo Maanta Warbaahinta Muqdisho qaar kamid ah la hadlay ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo in lasoo qabto qaar kamid ah Dadkii Dowladda KMGka ah ka tirsanaa ee Qaraxii Tiyaatarka gacanta ka geystay, Waxa kaliya oo harsan ayuu ku sheegay in lasoo qabto Madaxda DKMGka ah ka tirsan ee Alshabaab la shaqeysa, Sida uu hadalka u dhigay.
Jeell ayaa waxa uu sheegay in qaraxyo nuucani oo kale ah ay ka dhici jireen Magaalada Muqdisho, Hase ahaatee dowladda aysan waxba ka qaban jirin, isagoo intaasi raaciyay in qarixii dhawaan ka dhacay Tiyaatarka uu soo ifbixiyay shaki farabadan oo laga qabo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo xiriir la leh Al Shabaab.
Shalay ayay aheyd markii qaar ka mid ah ilaallada Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo la tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan qaraxaasi loo taxaabay Xabsiga islamarkaana la waydiinayo su’aalo ku aaddan qaraxaasi, Inkastoo Ra’isulwasaaraha iyo Saaxiibadiis ay weli farta ku godayaan in Shakigu uu ka jiro dhanka Madaxweynaha iyo xulufadiisa..






