Edebka (arts) iyo Hiddaha (Thaqaafada) Saameyntooda Nolosha iyo Mustaqbalka Soomaalida. (Qaybtii 2-aad) (Qore:-Sadat Geesh).
Tusaale kale: hadii maqaal uu qoray shaqsi ay aqristaan 500,000 oo qof ayna lasocdaan qoraalada shaqsigaas, waxay u yeeshaa hal fikrad iyo hal ruux, Haduu qorayo Fikrad Insaanimo oo aad u sareysa- Qorahaasu waxaa cad inuu ku taagan yahay wado sax ah. laakiin hadii ay jiraan kuwo kale oo iyaguna u Heesaya dadkoo dhan meel walba oo ay Joogaan Hal Hees, iyo Hal Hobal oo Caan ah, waxay noqonaysaa Masiibo aad u weyn….maxaa yeelay Qofka Shaqsiga ah wuxuu uga qayb qaadanaya Dhagayisga Heestaas Si Sadxi ah (supperficial), wax yar ka dib hadaad kusii wado, waxaa bilaabanaya in Tamartiisii Caqliyeed ay diido, kadibna Heestii Dhaghaysigeeda waxuu u arkayaa inay waqtgiisii ku ciyaarayso.
Sidaa Darteed ayaa Xakameyntaas Geedisocodka Adabka iyo Hiddaha ee Jamaahiirta waxay Abnuurtaa Cudur xun. lagamana yaabo in loo jadiidiyo Suurad ahaan, Xirfad ahaan, ama Luqad ahaan.Yacni la badalo sidii loo dhigi jiray Luqada..haday Fikraduhu Yar yihiin, Mowduucuna Sadxi Yahay. lagama yaabo inay dhasho Adab Ruuxi ah oo Dhameystiran——- waxaa Wajihi kara oo kaliya Adabka Dhabta ah ee Abuuran kara Jawi Adabeed Dhameystiran, kaasoo Saacida Dhameystirka nooca Shaqsiyada Insaanka ah isagoo kaa Faa’iideysanaya Adabka Caalamiga ah. Qatartu kama Imaanayso Caqliyada Jamaahirta ee waxay ka imaanaysaa dhibaatada ku dhacday Shaqsiyada Qofka iyo Horumarkiisa Adabeed een lahayn ama Diidaya Ilhaamka iyo Diirimaadka.
Adabkaasu waa kan u ogolaada in Insaanku u Tasarufo sida Qiyamkiisa uu qabo. Maadaama Doorka Adabka uu ku leeyahay Insaanka loo soo bandhigo si Qaas ah, Sababtoo ah waxaa jira Hadafyo badan oo laga leeyahay natiijadaas ka dhalata Faradyeelida Hiddaha Jamaahiirta, ee Disha kana jeedisa Insaankii iyo Insaanimadii—markay ku qasabto inay ka quudato sanam la caabudo….waxay dhashaa fadhiidhnimo, waxaa isbadalaya Dabcigii Shacabka, sababtuna waa kororka weyn ee Sida Qasabka ah u raba inay u maareeyaan “Fowdada Sawirkii la Hindisay”. taasoo iyaga Agaasime God-Dhuxuleedkii oo markaan isku badala QASHIN-ILAASHTE, INUU KALA SAARI WAAYO MUUQALADA WAAQICA AY SUURADIISII QAXAREYSAY IYO IYO MURAAYADA RAMZIGA AH EE CAKISAYSA WAQICFAAS.. .Sidaa Darteed waa in Insaanka Soomaaliga ah uu Helaa Xoriyada sidii uu u wajihi lahaa Taxadiyada Zamankiisa Qaab ugu Haboon ,oo aan lagu xaaraantinimeyn awoodiisa shaqo ee Ruuxiga iyo Fikirkaba leh.WAA INU HELAA fursad uu uga fikiro naftiisa SIDA UU QABO casrigiisa, u fakaro si dabiici, dhab ah oo dhumuc dheer.
Sababtoo ah Kala wareeg kasta oo Bulsho; waa kala warteeg Adabeed, taas oo faraadyeesha baahida loo qabo Xal Adabeed maamula marxalada, taasna waxay u baahan tahay Hal-Abuur Waaqici ah -oo juwaaba Ruuxda Shaqo ee kala wareegaas. Laakiin waxaan is iri “Waaqacu ama xadkiisa lagu fahmo Adabka maahan qadiyahdaha ugu waaweyn ee Shuqliya Adabka Caalamikga ah?” Maxaan ka wadaa; waxaan ka wadaa…waaqicu wuxuu ku nool yahay una horumaraa isagoo la ficiltama Manaahijta Bulsho, Dhaqaale, Siyaasad, Qiyam, Caqiido, iyo Adabka Caalamiga ah ee Mustaqbalka. Sidaa Darteed waxaan rabo inaan ogaado waxa weeye, isday isugu egyihiin Waaqica iyo Roomaanisyada, Sabab? waaqicu waxaa lagu gartaa Qaangaaridiisa isku dhiska Ilma-Nimadiisa…?! Suurada Waaqica ah ee u diidaysa Adiibka Dhameystirka Suurada Markay jirto Roomaansiyad Been Abuur ah, oo u jeedadeedu tahay ka goynta Adabka Dhulka. Si Kastaba Manhajka Waaqicigu wuxuu u suurto galiyaa Adiibka inuu Taabto Jihada ka hor inta uusan u rogin Daahirad (phenomenon) oo uu Mowqifkiisa ugu cabirin. waa macquul inay ka qarsoonto dhinac ka mid ah Nolosha oo badanaaba ka hor dhalaqta Jowharka Sawirada Runta ah ee Waaqica . haday tahay Sawir Fiican iyo mid xunba. si kastoo la isu weydiiyo ma tahay mid la aqbali karo ama midaan la aqbali karin…Balse waxaa Ceeb ah in la arki waayo nolosha fuuraysa sawirkeedoo Kaamil ah, waana u Musiibada Adiib walba, Danbiguna waa kiisa, maxaa yeelay isagaa xiray aragtidiisa Caalamka si ula kac ah sababkastoo ku qasabtasy.
Marka Roomaansiyad Caadifadi wadato, hadii lagu dhiso Adab u Tajziidinaya Noloshii si Fadhiidhnimo leh, sababtoo ah wuxuu rabaa inuu qarxiyo Noloshii si uu u sameeyo Sabab aragtiyooyinka ka abuurmay ee Xadidan. ayna u sawiraan sidii inay tahay Xaqiiqda Nolosha,Maxaa yeelay wuxuu ogyahay in Rumeysashadeedu ay ku xiran tahay Siyaasadaha Masaalixda. Xiliyadaan Danbe inkastoo ay yaraatay qatardeedu wali ma dhamaan, waxayana ka dalbanaysaa Adiibka Waaqica inuu mar horeba ku dhiso Hal-Abuur Uuna si dhaqso ah ugu guuro Waaqica dhabta ah, isagoo kaalmeysanaya Qibradaha Caalamka kale ee ka bisil kana Da’weyn.watana Hal-Beeg Huwan Daahirooyinka Noloshaas Kuligeed.
Ka Dab-qaadashada Adabka Caalamiga ah
wuxuu yiri Adiibkii Reer Bangaladesh, “Adab kasta waa inuu la cawa baryaa isagoo aaminsan inuu yahay qayb aan ka go’i karin Adabka Caalamiga ah, hadii kale wuxuu noqonayaa Adab Guriyeed” Sidaa darteed markaan Naqdinayno Adab nooc kasta oo uu yahayba, waxaan aaminsanahay inuu qayb ka yahay Adabka Caalamiga ah.maadaama ay tahay Shuruuda kaliya ee uu ku hormari karo, taas macnaheedu maahan intaan xuduudaha Talaabno inaan Reer Galbeedeyno Adabkayaga, oo ay ka dhigto Jir Ruux la’aan ah oo Qariib ah, ee waa anagoo adkeynayna Adabkayaga iyo Jiridiisa Islaamiga ah, hadana qaadanayna Adab kasta oo Mustaqbaleed iyo Culuunta Dabiiciga ah iyo Qawaaniinteeda oo ah dhaxal ka wada dhaxeeya insaaniyada oo dhan.
Sidoo kale waa inaan ka faa’iideysanaa Madaahibta Adabeed ee Casriga ee Afarta ah; Maadiga Muranka (Diyalkatgeg) ee Taariikhga ah, (inkastoo ay ka dhigaan mushkilada Bililiqo Raadinta Jilibka inay ku dhisan tahay Madhabtaas hadii aad ku aqrisid afataba; balse Shareecada Islaamka meeday! oo shariicaan haystaa! ) 2- Baraagmaatiyada iyo Madhabta Ijraa’aatka (procedeology) oo xiriir la leh Baraagmaatiyada, 3- Taxliilinta iyo Taxliilinta Mandiqa, iyo 4- Daahirayooyinka Caqliga (phenomenology)…..afartaas ayaa maantay Caalamku ka aqristaa Afkaaraha oo dhan meel kasta oo ay ka dhacdo…inkastoo kuli ay ku kala duwan yihiin Jihada Aragtiyahoodu ay ku dhisan tahay hadana mid bay ka ka siman yihiin– Waxay Wadaagaan Diidmada “Malo-Rajayn” Madhalays ah een dadka u rimeyn “Shaqo” kadibna aan u dhaleyn “Isbadal” ay ku badalaan Noloshoodii hadii laga Fasahaadiyo.
Adabka Qaybihiisa kala duwan, marka laga soo tago, waxaa maanta noqday “Nathriga” ama Maqaalka kan kaliya ee awooda in laga dheehdo xuduuda Adabka iyo Hiddaha Ummadi leedahay… maxaa yeelay waa kan kaliya ee awooda inuu Tajziidiyo Nolosha iyo Taariikhda–qaas ahaan dhinaceeda Taariikhiga ah.. wuxuu ku dhisan yahay Calaamadaha iyo Nazcada (instinct) dhabta ah, oo lagu dhisay qaar ka mid ah aragtiyooyinka la aamin san yahay , hadaan ku qeexo macnaha nolosha “Incikaas” (reflex) iyo Tajziid Nolosha lagu sameeyo iyadoo la adeegsanayo isla qaababkii Nolosha”……… HA IGA HOR BIXIN.
ISTICMAALKA HALKAAN EE KALMADA TAJZIID MACNAHEEDU MAAHAN INAAN U RIIXEYNO NOLOSHA FAHDIIDHNIMMO, Sida Masaqa uu Sameeyo! maxaa yeelay wax macno ah ma yeelanayso isagoon wadan isku xirayaal la yaqaan, markaan ka hadlyao Tajziid waxaan ka wadaa dhinaca caqliga iyo afkaarta Mustaqbalka..maxaa yeelay lagama yaabo in Waaqica lagu sameeyo Tajziid si Ootoomaatiiki ah. yacni si rajcinmo leh loo dareemo. si Inamada loo sii jeeb-baarto. tusaale: aniga waxaan HIndisayaa Sawir Caqliyeed, Adigana waad aqrinaysaa Sawirkaas….Balse Indhahaaga waxaa ka hor muuqanaya Looxa Nolosha ee Waaqica ah oo aan Cilaaqaad la lahayn Suuradii aan Hindisay!?”.
Sidaa La ajligeed Adiibka Dhabta ah waa inuu Qiimeeyaa Waaqica dhaxalka Hiddo ee Mujtamaca iyo Saameynta uu ku leeyahay Horusocodka iyo Horumarka Bulsho, Macnaheedu waa, inuu kala saaraa Qiyamka Nool iyo Midka Baaliga noqday, kan ku kaalmeeya inuu horay u socdo iyo kan carqaladeeya. UUNA AAMINO IN ADABKU UU WALIGIIS AHAA KHIDMAD LOOGU KHIDMEEYO MASAALIXDA MUJTAMACA LOOGUNA SAWIRO INSAANKA IYO WAAQICA SI RUN AH.
Adiibku waa inuu keenaa qaab lagu dhex-dhexaadin karo, markii uu isbadal ku dhacay Qaabkii Nolosha wxaana is muujiya saykoolajiyad cusub taasoo saameyn toos ah ku yeelata Hal-Abuurkii adabka qaas ahaan usluubtiisii soo saarida,,,,, hadayse goyso insaankii cilaaqaadkiisii uu uga xirnaa..marka ay natiijooyinkeedu wanagsan yihiin, oo ay dhalayaan Badbaadinta kuligood. haddii ay u egyihiin sidii dhow qof oo Bada ku jira mid walbana uu haysto Hal Alwaax, oo uu ku dabaalanayo, haday saas ku sii jiraan waxaan shaki ku jirin inay kuligood halaagsami doonaan….sidaa darteed si ay isu badbaadiyaan waa inay isu soo dhaweeyeen Alwaaxda Hal-Halka ah, iskuna xiraan, iyagoo isticmaalaya gacmahooda,,,, talaabadaas waxay siinaysaa Fursad weyn oo ay ku badbaadaan…..sidoo kale hadii ay bilaabaan inay midba midka kale ka hoos bixyo Alwaaxiisa, oo yacni ay ku hirdamaan fursad badbaado may laha.
Sadat Geesh.






