Xaaladda Caafimaad ee Wariye C/Qaadir Cumar C/lle oo Kooxo hubeysan ay shalay Muqdisho ku dhaawaceen oo haatan soo hagaageysa.
Xaaladda Caafimaad ee Wariye C/Qaadir Cumar Cabdulle oo ay shalay kooxo hubaysan ku dhaawaceen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir xilli uu ku sugnaa Hoygiisa ayaa haatan sida wararku nagu soo gaarayaan soo hagaageysa.
Wariyeyaal C/Qaadir kula sugan Isbitaalka Madiina islamarkaana Xaaladdiisa Caafimaad u kuurgalayey ayaa sheegaya in xaaladda Caafimaad ee Wariyeha ay soo hagaagayso marba marka ka dmabeysa.
2 Ruux oo aan heybtooda la garaneynin ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay Wariyaha ku dhawaceen Illinka hore ee Gurigiisa, waxana la tilmaamay in uu si xun u dhiig baxay, hase ahaatee xalay dhiig loo shubay.
Qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyay dhacdadaani foosha xun ee lagula dhaqaaqay Wariyahaasi oo u adeegayay bulshada Soomaaliyeed, Waxana Muddooyinkii dambe ay Wariyeyaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho iyo kuwa kale ee gobolladaba ay bartilmaameed u noqdeen Kooxo hubaysan oo aan la aqoon sababaha ay u beegsanayaan Saxaafadda.






