(Daawo) Fannaankii weynaa ee Aweys Khamiis Cabdalla (Mabuute) oo sheegay inuu isaga baxay Fankii uu ku jiray, Shacabka Soomaaliyeedna ka codsaday in aan Heesihiisii la dhageysan.
Mid kamid ah Fannaantii ugu caansanaa Bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha ayaa ku dhawaaqay inuu isaga baxay Fankii uu ku dhexjiray muddada dheer ee sida uu sheegay gaareysay 30ka sano, Waxana uu Aweys Khamiis ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay iska jejebiyaan Cajaladihiisii Heesha ahaa, Sida uu hadalka u dhigay.
Sidookale Aweys Khamiis ayaa ka codsaday Shacabka in aan loogu yeerin Fannaan balse haatan loogu yeero Sheekh Aweys, Isagoo weliba Saaxiibadiisii hore ugu baaqay in ay ilaaheey uga towbadkeenaan Fanka ay ku dhexjiraan haatan Fankaasoo uu ku tilmaamay Fisqi Xaaraan ah, Waxana uu dhallinyarada cusub ee haatan Fanka kusii qulqulaya uga digay in ay Ilaaheey ka magan galaan islamarkaana ay dhallinyaranimadooda ka faa’iideystaan.
Aweys Khamiis ayaa ka qisooday in Muddadii Soddonka sano ahayd ee uu Fanka ku jiray uu ahaa Waqtidheer oo ka qasaaray, Isagoo sheegay in wax Maal ah uusan ka dhigan Lacagihii faraha badnaa ee xilligaas kasoo galay, Waxana uu ku tilmaamay Lacagaha Fanka laga helo kuwo aan Barako lahayn oo Fasaad iyo Fisqi kaaga baxa Maadaama ay kugu soo gashay Xaaraan.
Sheekh Aweys ma’ahan Shaqsigii ugu horreeyay ee ka towbad keena Fanka, Balse waxa horay Warbaahinta uga hadlay Fannaaniin kale oo Soomaaliyeed kuwaasoo sheegay in ay Fankii isaga hareen.






