Xildhibaanno ku eedeeyay Madaxweyne Shariif iyo Ra’isulwasaare Gaas in ay Lacago Madaxfurasho ah ka qaataan Dadka Muqdisho laga qafaalay si ay Doorasho ugu galaan Lacagaha ay ka helaan.
Qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlammaanka KMGka ah Soomaaliya ee Muqdisho ku sugan ayaa ka gadooday Shacabka Magaalada Muqdisho laga raafayo ee sidii Arigii lagu xareynayo Xabsiyada Xalane iyo Madaxtooyada ku kala yaalla, Waxana Xildhibaannadaasi qaarkood oo Maanta Warbaahinta la hadlay ay sheegeen in aysan Arrintaasi qaadan karin oo ay Shacabka Muqdisho ugu baaqayaan in ay ka gadoodaan.
Xildhibaanno uu horkacayey Daahir Ciiro ayaa Madaxweyne Shariif iyo Ra’isulwasaare Gaas ku eedeeyay in ay Shacabka Xabsiyada loogu xareeyay Lacago Madaxfurasho ah ka qaadanayaan, Lacagahaasoo sida ay Xildhibaannadu sheegeen la doonayo in lagu galo Ololaha Doorasho ee ay Shariif iyo Gaas ku mashquulsan yihiin.
Xildhibaannada ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo soo daayo Shacabka Rayidka ah ee guryahooda laga qafaashay ee Xabsiyada lagu xareeyay, Iyagoo ku hanjabay in haddii si deg-deg ah loo soo deyn waayo Shacabkaas madaxyadooda la’iibsanayo Cawaaqibkii ka dhasha ay Mas’uuliyaddeeda qaadayaan Shariif iyo Gaas, Iyagoo weliba Shacabkana ugu baaqay in aysan marnaba yeelin in sidii Xoolihii la’isku qunsado.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxa ka socday Raaf wadareed ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMGka ah ka wadeen, Waxana Waaliddiinta Dhallinyaradii magaalada laga qafaashay ay Warbaahinta ka sheegeen in la weeydiistay Lacago Madaxfurasho ah si Carruurtooda loogu soo daayo, Haddii kalena Ilmahooda loo gacan gelin doono Dad aan Laaluush ka yeeleynin carruurtoodana aysan dib dambe u arki doonin.






