Shariif Xassan Sheekh Aadan “Muqdisho Caasimadda iyadaa sii ahaaneysa haatan ee is-dejiya”.
Shariif Xassan Sheekh Aadan Guddoomiyaha Baarlammaanka KMG ah ee Soomaaliya oo maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in aan muran la gelin karin Caasimadda Soomaaliya inay tahay Magaalada Muqdisho, Waxana Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho sidookale uu uga war bixiyay safarro uu ku soo maray qaar ka mid ah waddamada caalamka, Isagoo sheegay in safarradaasi ay dhamaantood ahaayeen kuwo muhiim ah oo dadka Soomaaliyeed faa’iido u leh, Sida uu hadalka u dhigay.
Shariif Xassan ayaa Hadalkiisu waxa uu u badnaa in uu kaga hadlayey Qancinta Dadka Reer Muqdisho oo ka didsanaa in Magaalada Muqdisho Maqaamkeeda aan lagu xusin Dastuurka haatan lasoo wado, Caasimadnimada Muqdishana Shaki la geliyey, Waxana Shariif Xassan Dadkii dhageysanayey Shirkiisa Jaraa’id uu u sheegay in la’isku raacay Muqdisho in ay haatan sii ahaato Caasimadda Soomaaliya, Hadalkaas oo qudhiisa Shaki hor leh dhaliyey.






