Wasiirkii hore ee Ganacsiga DKMGka ah, Ahaana Xildhibaan ka tirsan Baarlammaanka KMGka ah oo Maanta Muqdisho lagu dilay, Iyo Xarakada Alshabaab oo sheegatay in ay ka dambeeyeen qaraxii lagu qaarajiyey.

Maxamuud Cabdi Garweyne oo ahaa Wasiirkii hore ee Ganacsiga islamarkaana ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlammaanka KMGka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta Qarax loogu xiray Gaarigiisa lagu qaarajiyey, Waxana Mas’uuliyadda qaraxaas sheegtay in ay ka dambeeyeen Xarakada Alshabaab, Iyagoo sheegay in Howlgalkaas ay ugu talagaleen in ay ku qaarajiyaan Garweyne uu u dhacay sidii ay ugu talagaleen.

Ilaaladii Gaariga la saarnaa Garweyne ayaa iyagana ay waxyeello kasoo gaartay qaraxa, Waxana sida Wararka nagu soo gaarayaan Gaariga laga soo saaray Meydka Mr Garweyne oo go’go’ay, Maadaama Miinada loogu xiray halka ku aaddan meeshii uu fadhiyey.

DKMGka ah oo Warbaahinta u sheegtay in ay fashiliyeen Qarax Ismiidaamin ahaa oo aaney cidna wax ku noqon, Ayaa hadalkeedii uu beenoobay markii laga warhelay in Qaraxaas uu ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Ganacsiga ahaana Xildhibaan ka tirsan Baarlammaanka, Waxana haatan cakiran Xaaladda halkii uu qaraxu ka dhacay.

Comments are closed

Photo Gallery

Xuquuqda Webka waxay u dhowrantahay Webmasterka (Mr Cirday) Design and Copyright © 2006 By Cirday