Maamul cusub oo DKMGka ah hoos imanaya oo Maanta DKMGka ah ay u magacawday Gobolka Galgaduud Deegaannada ay kaga sugan yihiin Ururka Ahlusunna.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta maamul cusub u magacawday Gobolka Galgaduud, iyadoo halkaas uu ka dhisan yahay Maamul ay u dhiseen Ururka Ahlusunna ee Caasimadda galgaduud iyo Deegaannada ka agdhow ka taliya, Munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaaradda arrrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo ka dhacday Xarunta Oto-Oto ayaa looga dhawaaqay magacyada Maamulka cusub ee dowladda u magacawday Gobolkaaas Galgaduud., Waxana halkaa ka aqriyey magacyada Maamulka cusub, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka Bashiir Goobe oo ka dhawaajiyey in arrintani uu soojeedinteeda lahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud.

Bashiir Goobe oo aqriyay magacyada Maamulka cusub ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud loo magacaabay Axmed Yuusuf Xasan (Ciyow), Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Galgaduudna loo magacaabay Saadaq Yuusuf, sidoo kale Guddoomiyeyaasha degmooyinka Galgaduud, sida Dhuusa Mareeb iyo Guriceelna ay sidooda ahaanayaan xilligan.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud ayaa isna sheegay in magacaabidda Maamulkan uu ku yimid soo jeedinta talada dadka Galgaduud, Sida uu hadalka u dhigay, Waxana uu ku baaqay in Mas’uuliyiinta cusub ay howshooda gutaan.

C/samad Macallin Maxamuud ayaa sheegay inay soo dhameystiri doonaan xubnaha kale ee Maamulka degmooyinka sida ugu dhaqsaha badan.

Dhanka kale Ururka Ahlusunna ayaan weli kahadal Afgembigan Siyaasadeed ee lagu sameeyay, Iyadoo horay Ururka Ahlusuna ee Gobollada Dhexe ka arrimiya looga faramaroojiyey Awoodihii Siyaasadeed ee kale sida Saxiixayaasha Roadmapka oo Madaxweyne Shariif uu ku beddelay booskooda Ina Sheekh Muxyaddiin Celi.

Comments are closed

Photo Gallery

Xuquuqda Webka waxay u dhowrantahay Webmasterka (Mr Cirday) Design and Copyright © 2006 By Cirday