Mahiga “Inkiraad iyo eedeyn waxba uma qabaneyso madaxweyne Shariif, ee waa inuu isdifaaco lana yimaado Caddeymo ka beri yeelaya waxa lagu soo eedeeyay”.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa Maanta Warbaahinta u sheegay in Kooxda Monitering Group ee soo eedeysay Madaxda DKMGka ah ay tahay Koox madaxbannaan islamrakaana Caddeymo u haysata Eedeymaha ay ka soo gudbiyeen madaxda DKMGka ah, Waxana uu Mahiga usoo jeediyey Madaxweyne Shariif in uusan waxba ku mashquulin Eedeynta Kooxdaa iyo Inkiraadda Eedeymaha lagu soo oogay, Balse uu diyaarsado Qaabkii uu isaga difaaci lahaa eedeymahaasi.

“Madaxweyne Shariif waxba ma anfaceyso in uu inkiro eedeymaha loo soo jeediyey ama eedeeyo Kooxda madaxa Bannaan ee Monitering Group, ee waxa la gudboon in uu la yimaado Caddeymo beri yeelaya haddii uu hayo” Ayuu yiri Mahiga.

Madaxweyne Shariif ayaa shalay Kooxdan ku tilmaamay Koox Cadow ku ah Arrimaha Soomaaliya, kana shaqeyneysa kala qeybinta Soomaaliya, Waxana eedeyntiisa shalay ay dabasocotay kadib markii Kooxdan Monitering Gruop ay sheegtay in ay hayaan Caddeymo muujinaya in Madaxweyne Shariif uu Burcadbadeedda xiriir la leeyahay Baasaboorro Diplomaasiyadeedna uu ka iibiyey, Iyadoo sidookalena lagu eedeeyay Madaxweynaha iyo madaxda kale ee DKMGka ah in ay lunsadeen lacago farabadan oo Soomaaliya Dadkeeda tabaaleysan loogu talagalay.

Comments are closed

Photo Gallery

Xuquuqda Webka waxay u dhowrantahay Webmasterka (Mr Cirday) Design and Copyright © 2006 By Cirday