Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo qaaddacay Shirka Muqdisho kana baxay!!.
Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Beelaha Hawiye kana mid ahaa Odayaasha ku shirsan Muqdisho ayaa Maanta Shirjaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho,waxa ayna shaaca ka qaadeen in gebi’ahaanba ay isaga baxeen shirkii Odayaasha dhaqanka uga socday Muqdisho kaasi oo la doonayay in lagu soo xulo Ergooyinka saxiixaya Dastuurka qabyo qoraalka.
Nabaddoon Max’ed Xassan Xaad, Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye, kana mid ah Odayaashii beelaha Hawiye kaga qeyb galay shirka Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in wixii laga billaabo maanta loo baahan yahay in shacabka ay ogaadaan inaysan ka mid aheyn Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee shirka u fadhiya Magaalada Muqdisho, Waxana uu arrintaasi ku micneeyay in Madasha shirka uu ka soconayo ay kala kulmeen waxyaabo badan oo liddi ku ah qarannimada Soomaaliyeed iyo Diinta Islaamka, islamarkaana ay u cuntami waysay.
Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in Odayaasha ay u caddaatay in kaliya laga rabay muuqaalkooda iyo magaca, islamarkaana aan looga baahneyn talo soo jeedin iyo afkaar sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Guddoomiye ku xiggeenka Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Xassan Cilmi Yaxye, ahna ka qeyb galayaashii shirkaasi ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka uusan ka bannaaneyn meel laga saxiixo, maadaama sida uu tibaaxay horey ay usoo saxiixeen lixda saxiixayaal ee Road-Map-ka iyo Mahiga.
Haddaba marka aad eegto Xaaladda ay kusugan yihiin Dowladihii iyo Shaqsiyaadkii dabada ka riixayey Dastuurkan Sanka laga gelinayo Ummadda Soomaaliyeed, Ayaa waxa kuusoo baxaya in haatan ay 2 Arrimood mid noqoneyso, Tan koowaad in Mahiga iyo Qolyaha la socda ay Qasab ku meelmarsadaan Dastuurkaas, Warbaahintana ka sheegaan in Dastuurka la’isku raacay, Dabadeedna ay ka wardhowraan Bal Shacabka Soomaaliyeed waxa ay ka yeelaan, Iyo Tan labaad oo ah in gebi’ahaanba uu fashil ku dhamaado Dastuurkaas ay wataan dabadeedna ay ka tanasulaan oo markaa ay Ciqaabaan Qolyihii ay usoo xilsaareen meelmarintiisa oo dabcan Horjoogayaasha DKMGka ah ay ka mid yihiin.
Sikastoo uu xaalku ku dhamaadaba waxa muuqaneysa in haatan ay Naflacaari ku sugan yihiin Mahiga iyo kuwii usoo dhiibay Dastuurkan!!.






