Dagaal kedis ah oo Ciidamada Kenya ku qabsaday Deegaanno katirsan Gobolka Gedo, Iyo Gawaari Dagaal oo laga qabsaday.
Kolonyo katirsan Ciidamada Kenya oo marayey meel ku dhaw Deegaanka Faxfaxdhuun ayaa Maanta Waddada loo galay, Iyadoo qasaare xooggan halkaa uu kasoo gaaray, Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya laga qabsaday 2 kamid ah Gaadiidkii Dagaalka ee ay wateen, Halka kuwo kalena halkaa looga gubay, Waxana jira Dhimasho iyo dhaawac badan oo Ciidamadii Kenya ee waddada loo galay halkaas kasoo gaaray.
Dagaalka ayaa si kedis ah ku qabsaday Ciidamada Kenya, Iyagoo sida la sheegay garan waayey meel looga yimid, Taasina ay sababtay in qaarkood ay ka cararaan Gawaaridii Dagaalka ee ay wateen.
Wariyayaal ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay arkeen Gawaarida Dagaalka ee Ciidamada Kenya laga qabsaday, Iyadoo la filayo in saacadaha soo socda Warbaahinta loo soo bandhigo Gawaarida laga qabsaday Ciidamada Kenya.






