Madaxda DKMGka ah oo Nairobi looga yeeray, Iyo warar sheegaya in laga mamnuucayo in ay Doorashada Madaxtinnimada Soomaaliya markale isku soo taagaan
Iyadoo Maalmahanba la’isla dhexmarayey Wararka sheegaya in Madaxda DKMGka ah uu Mareykanku ku wargelin doono in aysan ka qeybgelin Doorashada lagu wado in loogu tartamo Madaxtinnimada Soomaaliya oo la filayo in ay dhacdo Billowga Bisha soo socota, Ayaa haatan waxa muuqanaya Saadaal u muuqata in Arrimahaasi ay isasoo tarayaan, Waxana Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Nairobi looga yeeray Labada Shariif iyo C/Weli Gaas, Iyadoo la filayo in halkaas ay kula hadasho Hillary Clinton oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dalkaasi Mareykanka.
Mrs Clinton ayaa sida la filayo usoo gudbin doonta Madaxda DKMGka ah Qabar aaney ku farxin, Waxana lagu wargelin doonaa Mowqifka uu Mareykanku ka taagan yahay Hantidii la lunsaday ee dhawaan lagu soo eedeeyay Madaxda DKMGka ah, Iyadoo weliba si toos ah loogu sheegi doono Madaxda DKMGka ah in aaney marnaba Waqti isaga lumin in ay isku soo taagaan Madaxtinnimada Soomaaliya inta eedeyntaasi laga xaqiijinayo, Sidaa waxa Warbaahinta Hillaac.Net u xaqiijiyey Shaqsi aad ugu dhuundaloola Siyaasadda Arrimaha Dibedda DKMGka ah.
Mareykanka ayaa sida la sheegay ka wardhowrayey Ansixinta Dastuurkii shalay magaalada Mudisho lagu ansxiyey, Balse horay ayuu go’aan cad uga qaatay Madaxda DKMGka ah, Waxase aan weli la hubin Cidda Mareykanka uu taageeri doono kuna bedelan doono Shariif.
Sidookale waxan weli kala caddeyn halka uu ku dambeyn doono Masiirka Horjoogayaasha DKMGka ah ee xilligan, Iyadoo laga yaabo in haddii ay qaataan talooyinka uu Mareykanku usoo jeediyo, Dabadeed laga qafiifiyo Cadaadiska Cuunaqabateynta xagga dhaqaalaha ah ee ka dhalankarta Kiiska ku furan ee ah lunsiga lacageed ee lagu soo eedeeyay Madaxda DKMGka ah.






