Sargaal sare oo katirsanaa Ciidamada nabadsugidda DKMGka ah oo magaalada Muqdisho lagu dilay!!.

Saacado yar kadib markii Maanta Afrcan Union ay Warbixin ku saabsan Ammaanka Muqdisho shaacisay, Taaoo ay ku sheegtay in Muqdisho ay noqotay meel lagu laayo Saraakiisha DKMGka ah, Ayaa waxa magaalada Muqdisho lagu dilay Sargaal sare oo ka tirsanaa ciidamada nabadsugidda DKMGka ah oo lagu magacaabi jiray G/Dhexe Maxamed Maxamuud Afweyne, Waxana lagu qaarajiyey ninkaas afaafka hore ee Dekedda magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka nasoo gaaraya sargaalkan ayaa lagu dilay bannaanka hore ee Dekedda Muqdisho, Waxana qaabka lagudilay uu ahaa qaab aan horay looga baran magaalada Muqdisho,  Iyadoo sida lasheegay Ninkii dilay uu qoriga uu ku dilay ka dafay Askari fadhiyey Albaabka hore ee Dekedda.

Ninka dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, Iyadoo Dilkan uu qeyb ka noqonayo dilal beryahan kusoo badanayay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu bartilmaameedsanayey Saraakiisha DKMGka ah.

Comments are closed

Photo Gallery

Xuquuqda Webka waxay u dhowrantahay Webmasterka (Mr Cirday) Design and Copyright © 2006 By Cirday