(Juventus) 13 Juunyo 2018. Waxaa shaaca laga qaaday in Juventus ay ku dhow dhahay saxiixa Emre Can si ay u dhaqan galiso inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Agaasimaha guud ee kooxda Juventus Giuseppe Marotta ayaa sheegay in ay ku dhow yihiin saxiixa Emre Can sida laga soo xigtay wargeyska “Football Italy” ee dalka Talyaaniga.

Giuseppe Marotta ayaa wuxuu yiri: “Waxaan ku niyadsanahay hir galinta saxixa Emre Can, waxaana kula soo saxiixan doonaa mudada 10-ka maalmood ee soo aadan”.

“Icardi waa soo jeedin oo kaliya, sida iska cad waxaan ka hadleenaa ciyaaryahan weyn oo ay ku tiirsan tahay kooxda Inter Milan”.

“waxaana jira warar sheegaya in aan ku dhow nahay saxiixa Mauro Icardi, laakiin cid kasta ee caalmha ku sugan ayaa ka war qabta kaliya in arintan ay tahay soo jeedin, iyo wararka suuqa ee kubada cagta”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR