Baydhabo (PP) ─
Shirkii Madaxda Dowlad-goboleedyada Soomaaliya ayaa si weyn loogu dhaliilay Dowladda Federaalka ah ee Somaila iyo Qaabka ay ula dhaqanto Dowlad-gobooleedyada.

Bayaanka laga soo saaray shirka ayay ka dalbadeen dowladda dhexe in la hubeeyo ciidamada maamul-goboleedyada, isla markaana qayb laga siiyo dhaqaalaha deeqaha ee Dowladdu hesho iyo in la fuliyo heshiisyadii hore.

Shirkan oo socday muddo laba saddex ah ayaa waxaa looga dooday sida ay u wada-shaqeyn karaan maamullada dalka ka jira iyo Dowladda Dhexe oo ay ku eedeeyeen madaxdii shirka goobjoogga ka ahaa inaysan jirin wax wada-shaqeyn ah oo ay la leedahay maamulladooda.

AKHRISO: Bayaanka laga soo saaray shirkii Maamul-goboleedyada;

PUNTLAND POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR