Al shabaab ayaa war kasoo saaray Qarax Ismiidaamin ahaa oo ruux watay Gaari isku qarxiyay kolonyo gadiidka AMISOM oo marayay duleedka Muqdisho.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ay la beegsadeen Ciidamo isugu jira Mareykan iyo AMISOM oo marayay Duleedka Galbeed ee Magaalada Muqdisho.

Warka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Gaari ay la socdeen Saraakiil Mareykan ah oo ka yimid Gobolka Shabellaha Hoose ay ku dhufteen Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa oo uu waday mid kamida Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM weli wax war ah kama soo saarin,inkastoo la sheegay in Qaraxa uu Khasaare gaarsiiyay Dad Shacab ah oo Goobta marayay.

Al-shabaab ayaa Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dalka ka fuliya Qaraxyo kala duwan,waxaana Khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa Dadka Rayidka ah.

Leave a comment

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR