Da’yarka xulka qaranka England iyo kooxda Liverpool ee Alexander-Arnold ayaa wacdaro cusub ka dhigay kulankii kaalinta saddexaad ee UEFA Nations League uu xulkiisa Three Lions ku xaqiijistay ee ay Switzerland guusha kaga gaadheen.

Alexander-Arnold ayaa ceeb wayn u soo jiiday Kyle Walker oo ay ku tartamayaan difaaca midig ee xulkooda England kadib markii uu Gareth Southgate kayka dhigay Walker oo kulankii Netherlands gool iska dhaliyay.

Kulankii xulka qaranka England looga joojiyay in ay soo gaadhaan finalka EUFA Nations league ee Netherlands, waxa uu Walker ku soo bilawday shaxda Southgate isaga oo difaaca midig looga hor mariyay Alexander-Arnold.

Laakiin xogtii waqtigaas loo diwaan galiyay Kyale Walker iyo goolkii uu iska dhaliyay ayaa sabab u noqday in kaydka la dhigay oo uu Southgate doortay in Alexander-Arnold uu shaxdiisa ugu soo bilawday difaaca midig kulankii Switzelrand ee kaalinta saddexaad loo ordayay.

Halyayada xulka qaranka England ahna khabiirada sida wayn loo dhegayso ee Gary Neville iyo Gary Lineker ayaa amaan kala dul dhacay da’yarka Alexander-Arnold kadib wixii uu ka sameeyay kulankii England iyo Switzelrand.

Ugu horayn halyayga England Gary Neville oo ka hadlaya Alexander-Arnold isla markaana barbar dhigaya Walker ayaa yidhi: “Walker waxa uu soo qaatay xili ciyaareed cajiib ah isla markaana wax fiican ayuu England u qabtay, LAAKIIN layskama indho tiri karo Alexander-Arnold. Waxaa Sterling iyo Alli waajib ku ahayd in ay labadooduba goolal ku dhaliyaan fursadihii uu soo gaadhsiiyay”.

Laakiin Gary Lineker ayaa fariin toos ah u diray Alexander-Arnold wuxuuna u soo qoray: “Waqti kasta oo aan arko Trent Alexander-Arnold oo ciyaaraya isagu in badan waa ciyaartoyga garoonka ugu fiican. Maanta ayay in ka fog ahayd, alla maxay hibo farxad leh tahay”.

Haddaba maxay tahay Taariikhda Uu Alexander-Arnold Sameeyay Ee Uu Ka Burburiyay halyaygii xulkiisa ee David Beckham?

Trent Alexander-Arnold waxa uu kulankii Switzerland ka sameeyay wax aanu ciyaartoy kale abid ka soo samayn taariikhda xulka qarankiisa England, wuxuuna si xarago leh u soo laabay taariikh uu iska haystay David Beckham.

Arnold ayaa noqday xidigii taariikhda xulka qaranka England ugu horeeyay ee 18 karoos ka sameeyay hal kulan oo kaliya wuxuuna ku dhawaaday laba jibaarka 10 kii karoos ee uu David Beckham ku haysta xidiga abid hal kulan oo England ah karoosyada ugu badan sameeyay.

Trent Alexander-Arnold ayaa sidoo kale abuuray kala badh lixdii fursadood ee gool dhalineed ee uu xulkiisa Three Lions ka sameeyay kulankii Switzerland.

Trent Alexander-Arnold waxaa lagu qoray taariikhda xulkiisa England isaga oo hadda 18 karoos ku haysta in uu hal kulan oo kaliya sameeyay waana taariikh aanu ciyaartoy kasta oo England soo maray samayn.

Halkan kaga Bogo Xogta Waalida Ah Ee Trent Alexander-Arnold Looga Diwaan Galiyay Kulankii Switzerland isaga oo waliba difaaca midig ku ceebaystay Kyaler Walker:

75%  ayuu dhamaystiray baas bixintiisa.
18 karoos oo uu rekoodh cusub ugu dhigay taariikhda England
7 baas oo muhiim ah ayuu bixiyay.
3 fursadood oo gool dhalineed ayuu abuuray
2 jeer ayuu kubbada oo lagula socdo xulkisia dhexda ka qabtay
1 hal fursad ayuu xulkiisa ka badbaadiyay
1 hal fursad oo goolkiisa lagu tooganayay ayuu daboolay

Xogtan oo dhan waxaa ka baxsan wax qabadkii iyo kubbad raacashadii uu xulkiisa ugu sameeyay booska difaaca midig ee xulka qarankiisa Three Lions.

Waxa uu Trent Alexander-Arnold ka sameeyay kulankii Switzerland waxay go’aanka ku adkayn doontaa Gareth Southgate in uu mar kale soo xulan karo Kyle Walker ama difaac midig oo xulkiisa ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR