Advertisements

Tababaraha kooxda Manchester City ayaa cadhadii ugu waynayd ka muujiyay in aan kooxdiisa City rekoodhe lagu abaal marin markii uu da’yarka Alexander-Arnold kubbada cagta ku celiyay.

Laakiin Alexander-Arnold ayaa ka sii cadhaysiiyay Manchester City kadib markii uu si cad ugu cudur daaray sababta aan rekoodhe loogu dhigin City markii uu kubbada cagta ku taabtay.

Dooda ugu wayn ee ka dhalatay kulankii Anfield ee Manchester City ay guuldarada kala kulantay Liverpool ayaa ahayd in Alexander-Arnold aan rekoodhe lagu ciqaabin bilawgii ciyaarta.

Laakiin Alexander-Arnold ayaa ku dooday in sababtii dhabta ahayd ee gacantiisii uu kubbada ku dhuftay rekoodhe u noqon wayday ahayd in markii ay kubbadu gacanta Bernardo Silva ku soo dhacday.

Advertisements

Hadalkan ayaa ah mid ka sii cadhaysiinaya jamaahiirta Manchester City ee dareenka xun ka muujiyay in garsoorkii kulankii Anfield ayna kooxdooda rekoodhe ku abaal marin.

Ma aha markii ugu horaysay ee Guardiola iyo kooxdiisa Manchester City ay ka cadhoodaan go’aano ay garsoorka ku dureen kulan ay Liverpool la ciyaarayaan waxaana hore loo ogaa wixii uu Guardiola warbaahinta ka sameeyay kulankii Champions League ee sanadkii hore.

Alexander-Arnold oo doodii gacantiisa ka dhalatay ka jawaabaya ayaa yidhi: “Gacantayda ayay ku dhacday laakiin waxay markii hore ku dhacday gacanta Bernardo Silva. Garoonka ayaanu ku yaacnay waananu ku ciqaabnay iyaga”.

“Qaab ciyaareed fiican ayaanu ku jirnaa, wali guuldaro la’aan ayaanu ku jiranaa taas oo ah waxa aanu doonayno in aanu samayno. Waxaanu doonaynaa in aanu sii wadno qaadashada saddexda dhibcood, taasna waanu ku naqnaa guriga, faa’iido ayaanu taageerayaasha ku haysanaa” ayuu Arnold hadalkiisa raaciyay.

Alexander-Arnold oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Waxaanu dareemaynaa sidii aanu ka fikiraynay in ay waajib nagu tahay in aanu guulaysano waqti kasta oo aanu halkan ku ciyaarayno.  Naftayada oo kaliya ayaanu diirada saaraynaa si aanu dhibcaha u qaadano”.

Liverpool ayaa 8 dhibcood ku qabtay hogaanka Premier League laakiin ta uga muhiimsan ayaa ah in ay Man City 9 dhicbood ka sare mareen maadaama oo ay kooxda Guardiola u arkaan kooxda ugu adag ee ay la tartamayaan.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR