Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson ayaa bar-bareeyay rikoodhkii xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa ee uu dhigay goolhayaha Kooxda Man United ee David De Gea kadib guushii ay Liverpool ka gaadhay chelsea xilli ay 4 kulan uga hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Alisson ayaa shabaqiisa ilaashaday 18 kulan xilli ciyaareedkan kadib guushii ay Reds ka gaadhay kooxda Chelsea kulankii Ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka premier League.

Sidaas darteed Alisson ayaa bar-bareeyay rikoodhkii Abid ugu fiicnaa xilli ciyaareedka buuxa ee goolhaha Kooxda Man United ee David De Gea.

Goolhayaha Arsenal ee Petr Cech ayaa haatan haysta rikoodhka ugu fiican ee nadaafada shabaqiisa xilli ciyaareedka buuxa isaga oo 24 kulan ilaashaday shabaqiisa halka uu goolhayihii hore ee Liverpool ee Pep Reina ku xigo isaga oo 20 ilaashaday.

Alisson ayaa haatan la bar-baro ah Goolhayayaasha De Gea iyo Joe Hart kuwaas oo min 18 kulan ilaashada laakiin Goolhayaha reer Brazil ayaa dhaafi kara maadama ay 4 kulan uga hadheen dhamaadka horyaalka.

Kulankii ugu dambeeyay ee uu Alisson shabaqiisa ilaashaday ayaa ahaa kulankii chelsea ee xalay laakiin waxa uu u shaqeeyay si adag si uu u ilaashado shabaqiisa isaga oo sameeyay badbaadino fiican.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR