Kooxda kubadda cagta Liverpool ayay u ahayd bil aad ugu wanaagsan bishii December ee i na dhaaftay markaas oo kooxda Anfield ay soo bandhigtay qaab ciyaareed qurux badan.

Reds ayaana ku guulaystay tababaraha iyo ciyaaryahanka ugu wanaagsan bishii lasoo dhaafay, markaas oo Van Dijk iyo Jurgen Klopp ay kala heleen labada abaal marin.

Daafaca reer Holland ayaa loo aqoonsaday xidigii ugu wanaagsanaa bishii December, halka tababraha Germany uu noqday macallinka bisha.

Waxaana xusid mudan in Liverpool ay guulaystay 7-kulan oo ay ciyaartay bishii December.

Klopp ayaana abaal marintan ku garaacay tababarayaasha kala ah Maurizio Sarri, Nuno Espirito Santo, Mauricio Pochettino iyo Manuel Pellegrini.

Dhanka Virgil van Dijka ayaa ka guulaystay xidigaja kala ah Felipe Anderson, Eden Hazard, Harry Kane, Marcus Rashford, Son Heung-min iyo laacibka ay isku kopxda yihiin ee Mohamed Salah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR