(Turin) 14 Sab 2018 Tababaraha Juventus ee Allegri ayaa sii wadi doona keydka uu ku haayo weerar yahanka reer Argentina ee Paulo Dybala.

Laacibka ayaa ku soo bilowday kulankii furitaanka horyaalka talyaaniga ee Chievo, laakiin kulamadii ka danbeeyay ee Lazio iyo Parma wuxuu ku soo bilowday keydka.

Sida ay baahisay CalcioMercato, tababare Allegri ayaa sii wadi doona keydka uu ku haayo Paulo Dybala kulanka Juventus ay marti qaadayso axada kooxda Sassuolo.

Tababare Allegri ayaa ciyaaraya shax u samaysan qaabka 4-3-3, waxaana afka hore kawada ciyaaraya Bernardeschi, Ronaldo iyo Mario Mandzukic.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR