Weeraryahanka kooxda Barcelona Antoine Griezmann ayaa aaminsan inay tahay wax fiican in ciyaarta la joojiyo marka ay taageerayaasha aflagaadeeyaan dadka isku jinsiga ah ee isku taga, isagoo ku qilaafay go’aankii uu qaatay madaxweynaha xiriirka kubada cagta Faransiiska Noel Le Graet.

Noel Le Graet ayaa ku baaqay in ciyaaraha la sii wado oo aan la joojinin xitaa haddii taageerayaasha ay soo bandhigaan ama ku heesaan naceybka ay u qabaan dadka isku jinsiga ah ee isku taga ka dib markii ay arintaan ku soo noqnoqtay kubada cagta Faransiiska xilli ciyaareedkan.

Laakiin Griezmann oo Koobka Adduunka la qaaday France oo la hadlayay saxaafada ka dib kulankii isreebreebka Euro 2020 ay 3-0 kaga badiyeen Andorra ayaa taageeray in ciyaaraha la joojiyo.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Seddexda Xiddig Ee Isagu Soo Haray Abaalmarinta Xiddiga Sannadka Adduunka Ee FIFA Oo La Shaaciyay

Xiddiga Barcelona ayaa aaminsan in ciyaaraha oo la joojiyo ay ku qasbeyso taageerayaasha inay joojiyaan waxa ay sameynayaan.

“Aniga ahaan aad ayay igula fiican tahay in ciyaaraha la joojiyo haddii taageerayaasha ay aflagaadeeyaa dadka isku jinsiga ah ee isku taga ama cunsurinimo ku kacaan” ayuu Griezmann u sheegay RTL.

“Haddii aan ciyaaraha joojino, dadku ma ku faraxsanaan doonaan, waxay iyaguna joojin doonaan waxay sameynayaan.”

Laakiin fekerka Griezmann waxaa ka soo horjeeda inta badan bulshada kubada cagta, waxaana dadka fekerkiisa aaminsan lagu tilmaamay inay yihiin labo wajiilayaal.

Marnaba ma dhacdo in ciyaar loo joojiyo marka cunsurinimo lagula kaco ciyaartoyda madowga ah, kaliya ciyaarta ka dib ayaa la cambaareeyaa, laakiin Griezmann iyo dadka ku fekerka ah ayaa doonaya in ciyaar loo joojiyo wax aan u dhigmin heerka cunsuriyada ee ka dhex jirta kubada cagta.

SIDOO KALE AKHRISO:  Kabtan Henderson Oo Ka Warbixiyay Jawiga Qolka Labiska Liverpool Ka Dib Xanaaqii Saido Mane Ee Uu Mohamed Salah Sababta U Ahaa

Horyaalka Faransiiska labo kulan ayaa dhowr daqiiqadood la hakiyay isbuucyadii la soo dhaafay markii taageerayaasha ay soo bandhigeen boorar ay ku maadeysanayaan dadka isku jinsiga ah ee isku taga, laakiin madaxweynaha xiriirka Faransiiska ayaa ku baaqay inaan ciyaar loo joojinin arimahaan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR