(Germany) 19 Sebt 2019. Arsenal ayaa guul ay u qalantay ka soo gaartay Eintracht Frankfurt kulankeeda ugu horeeyay GROUP F ee tartanka UEFA Europa League, kaddib markii ay kaga adkaatay 0-3

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hogaamineysay kooxda reer London ee Arsenal oo marti ku aheyd garoonka Commerzbank Arena.

Daqiiqadii 38-aad Joseph Willock ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Gunners, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-1.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha labada kooxood ayaa waxay garoonka ku soo galeen dardar xoogan, iyagoo sameeyay fursado cajiib ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 85-aad Bukayo Saka ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda Arsenal wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-2, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Nicolas Pepe.

laakiin sheeko waxay soo idlaatay, kaddib markii uu Pierre-Emerick Aubameyang daqiiqadii 87-aad uu dheesha ka dhigay 0-3, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Bukayo Saka.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-3 ay ku adkaatay kooxda Arsenal oo martida ku aheyd garoonka Commerzbank Arena.

SAWIRRO:

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR