Arsene Wenger ayaa diyaar u ah inuu lasoo wareego weeraryahanka Celtic Mousa Dembele haddii Alexis Sanchez uu ka tago kooxda Arsenal xagaagan.

Tababaraha Gunners ayaa sidoo kale kor u qaaday lacagta uu ku doonayay daafaca dhexe ee lagu doonista badan yahay Premier League ee Virgil van Dijk, isagoo ka dhigay £45 milyan.

xiddiga reer Chile Sanchez oo kujira sannadkii ugu dambeeyey ee heshiiska uu kula joogo kooxda Arsenal ayaan la hubin mustaqbalkiisa, waxaana Wenger uu durba raadinayaa bedelkiisa.

Wenger iyo guddiga Arsenal ayaa wali go,aansan in la iibiyo Sanchez oo bartilmaameed u ah kooxda ay ku xifaaltaman Premier League ee Manchester City,

Manchester City ayaa hore kaga afduubatay kooxda Arsenal ciyaartooyda kala ah Emmanuel Adebayor, Samir Nasri, Gael Clichy iyo Bacary Sagna.

Laakiin iyadoo Paris St-Germain iyo Bayern Munich isha ku hayaan 28-sano jirkaaan, Arsenal ayaa iska diiday dalab kasta oo uu ciyaaryahanka ugu dhaqaaqi karo kooxda ay ku xifaaltamaan Premier League ee City.

Dhinaca kale Dembele waa weeraryahan uu jecel yahay macalin Wenger , waxaana loo arkaa inuu yahay bedelka Sanchez haddii uu ka tago kooxda.

20-sano jirkaan reer France waxa uu dhaliyay 32 gool 48 kulan oo uu u saftay kooxda reer Scotland xilli ciyaareedkiisii ugu horeyay.

Dembele ayaa lagu qiimeeyay £ 30m, laakiin waxaa caqabad ku ah Gunners qandaraaska saddexda sano ah ee uu ka heysto kooxdiisa.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR