Muqdisho,Isniin,26, Okt,2009 (Hillaac.Net) Su'aashani Waa Su'aasha ugu Adag ee ay Taageerayaasha C/llaahi Yuusuf kaga doodaan Goobaha Fadhi-kudirirka loo yaqaanno, Dabcan Waana Su'aal Kashifeysa Dhammaan Dadkii Qabiilka ku diiddanaa C/llaahi Yuusuf Afkase ka sheegi jiray in Diin, Waddaniyad, Qarannimo Iyo Wax la mid ah ay ula Dagaallamayaan Odaygii ay Qabiilka ku Diiddanaayeen Maadaama Sida Maanta Caddaatay Dhammaan Wixii ay sheegan jireen in ay C/llaahi Yuusuf ku diidanaayeen ay haatan ku Taageersan yihiin Shariif Sheekh Axmed.
Itoobiyaan buu Shacabka Muqdisho ku Xasuuqayaa C/llaahi Yuusuf beey oran jireen, Haatan Ugandheys baa Shacabkii Maalin walba lagu Xasuuqayaa kamana Hadlaan, Argagixiso buu Shacabka Soomaaliyeed ku sheegay beey Oran jireen, Kadaran buu sheegay Shariifku Illaa uu gaaray Heer uu yiraahdo Masaajiddaa Carruurta lagu Daroogeeyaa, Kumana aaney Dhaleeceyn.
Waxa laga yaabaa in C/llaahi Yuusuf uu ahaa Oday Diinta Jaahil ka ah Maxaayeelay waxan Xasuustaa Xilligii Kenya lagu soo Magacaabay ayuu Magaalada Jowhar Maxamed Dheere ugu tegey Markaas baa Wariye Su'aal weeydiiyey oo uu ku yiri "Madaxweyne Goormaa laga yaabaa in Dowladdaadu Magaalada Muqdisho tagto?", Kolkaasuu C/llaahi Yuusuf ku Jawaabay "Carabtu waxay ku Maahmaahdaa Innallaaha Macal-Saabiriina Marka Waan Samreynaa Waanse tageynaa Muqdisho", Waa Kalimad Qur'aan ah oo Macnaheedu yahay Ilaaheey baa la jira Qofkii Samra, Cabdullaahise Wuxuu u haystaa Maahmaah Carabiya, Waxase Markiiba Is-hayn kari waayey Geeddi oo Agtiisa Taagnaa oo Afka Intuu dhegta u saaray u sheegay in Qur'aan ay tahay Kalimadda uu sheegay ee aaney ahayn Maahmaah Carbeed, C/llaahi Yuusuf oo Dadka u sheegaya Waxa Geeddi dhegta ugu sheegay ayaa Dadkii dhageysanayey ku yiri:-"Geeddi wuxuu leeyahay Madaxweyne Waxaad Akhrineyso Waa Aayd Qur'aan ah", Dadkii baa Qosol Fuuray.
Waxan kaloo Xasuustaa Xilli uu C/Laahi Yuusuf Garoowe ugu Qudbeynayey Taageerayaashiisa ayuu Isagoo Xarakada Alshabaab Eedeynaya Waxa uu yiri:-"War Nimankan Alshabaab sheegtay ee Diinteenna Shaaficiyadaba aan haysan", Shaaficiyada Diin buu u haystaa C/Laahi Yuusuf oo maba oga in ay tahay Madhab ka mid ah Afarta Madhabood, Sidaa Daraadeed Waxan ula jeedaa C/llaahi Yuusuf waxaba Dadka Qaarkii ay ugu Cudurdaarayeen in uu Jaahil ka yahay Diinta Islaamka, Waxase haatan soo baxay kuwo Magac Sheekh wata sida Sheekh Shariif, Sheekh Janaqoow, Iyo Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo Aayado Qur'aan ah u soo daliilinaya in laga Barbar Dagaallamo oo Dhufeys lala galo Gaalada Madoow ee Shacabka Soomaaliyeed Madaafiicda ku Xasuuqeysa ee uu Mareykanku soo kireystay, Iyagoo Mooryaantii ay Muddo yar horteed Murtaddiin ku sheegayeen Haatan u sheegaya in ay Mujaahiddiin yihiin oo ay Jannada ku galayaan haddeey ku ag Dhintaan Gaalka Madoow ee Magaalada Muqdisho loo keenay in uu Xasuuqo Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.
Shacabku waa Isla Shacabkii uu C/llaahi Yuusuf Tigreega u soo Kaxeystay ee ku Xasuuqay, Shariif baa Haatan Ugandheys ku Xasuuqaya, Goobtuna waa Isla Magaaladii Muqdisho ee Caasimadda ahayd, Waxa Marka Isweeydiin Mudan Waxa Aamusiyey Odayaashii Hawiye ee Qeylin jiray, Iyo Aqoonyahankii Hawiye ee Magaalada Muqdisho Dhex ordi jiray ee Oran jiray Waxan Tirakoobeynaa Shacabkii uu Tigreega naga Xasuuqay iyo Hantidii Suuqa Bakaaraha nooga Gubatay?, Mise Qabyaaladdii Baa Xataa Dareenkii iyo Damqashadii Ubadkiina Idinka qaadday?, Haddii Shaqsi Idinka mid ah oo Hawiye ah uu Gaalo Ubadkiina ku Xasuuqo Raalli baad ka tihiin, Haddiise Nin Daarood ah uu Gaalo idiin soo Kaxeysto Waad Kaceysaan?, Waxba Yaanan Su'aal gelinin Waaba sidaas, Maxaayeelay Warbaahinta ayaadba Dhowr goor horay uga sheegteen in Ugandheyska aanan Wax Xabbad ah lagu Ridi karin, Idinkoo Weliba Dhallinyadii Dhiiggooda u soo daadiyey Difaaca Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed Qaab Qabiil u kala soocay kuna hadaaqay in ay Gobolladii ay ku dhasheen ay Dagaalka la'aadaan, Ilaaheyse Wuxuu Qaddaray Maanta in Ugandhesykii aad laheydeen Rasaasta yaan lagu Ridin ay Ubadkiina iyo Xaasaskiina Hilibkooda waraan Suuqyada Magaalada Muqdisho.
Qabyaaladdu waxay idin gaarsiisay Heer ay Isaga kiin Qaldammaan Sokeeyaha iyo Shisheeyaha, Cadawga Iyo Saaxiibka, Mu'minka iyo Munaafaqa, Iyo Weliba Xaqa iyo Baadilka, Waxana Hubaa Inaadan Weligiin ka Bexeynina Halaagga iyo Silica aad ku jirtaan Illaa iyo Inta aad Calwasaadka Qabyaaladda ka baxeysaan oo aad u dhaqmeysaan Insaan Caqli leh oo karaameysan Sidiisa, Diinta Allena aad u soo Noqoneysaan.
WABILLAAHI TOWFIIQ.
SEYNAB XAAJI MAXAMUUD (SEYNAB GAABO) <gaabo45@hotmail.com> |