September 10 2010 21:09:31
DHAGEYSO BBC SOMALI
BBC SOMALI 07:00
BBC SOMALI 11:00
BBC SOMALI 14:00
BBC SOMALI 18:00
DHAGEYSO VOA SOMALI
VOA SOMALI 16:00
VOA SOMALI 19:00
VOA SOMALI 20:00
HOOS KA DAAWO TVGA HILLAAC.NET
HOOS KA DAAWO ISLAM TV
Somali Links
· JILIBWEYN
· GEESGUUD.COM
· ADDACWAH
· CADAALADA
· DAYNIILE
· MARKACADEY
· BCLUB
· SHAACIYE
· DALKANEWS
· HORNAFRIK
· SHABELLE
· BARTAMAHA
· SOOMAALINEWS
· GENDERSHE
· KISMAAYONEWS
· SOMALIMEMO
· RADIO ALFURQAAN
· SHACABKA
· DHACDOOYINKA
· ALLMUQDISHO
· SOMALITALK

Itoobiya "Qabaa'ilka Soomaalida ayaan ku Qancinnay in ay Deegaannadooda Dowlado yaryar oo Dowladda Itoobiya ku xiran ka sameystaan, Si Caasimadda Muqdisho ay u noqoto-?" (Sir Culus)

call.GIFMuqdisho, Arboco, 07 July 2010, (Hillaac.Net) "Markii aannu Qaladaadkeennii hore iyo Tijaabooyin kaloo badan Waayo-Aragnimo ka helnay Waxyaabo badanna ka barannay Haatan Arrimaha ugu horreeya ee ay Dowladdayada Itoobiya isku Taxlujisay waa in Qabaa'ilka Soomaalida mid mid loogu qanciyo in Qabiil waliba Deegaanka uu ku badanyahay uu ka sameysto Imaarad yar (Dowlad yar) oo Dabcan Dowladda Itoobiya ku tiirsan oo Calan ugaar ah iyo Lacag u gaar ah yeelata, Si Caasimadda Muqdisho Laftigeedu ay uga mid noqoto Imaaradahaas Qabaa'ilka u gaarka ah oo Qudheedana magac ugaar ah, Lacag, Iyo Calan loogu sameeyo si Markaa ay Qabaa'ilka kale ee aan Caasimadda ku badneyn ugu qancaan in Muqdisho aaney ahayn Caasimad Soomaalida ka wada dhexeysa oo Haddii ay dhacdo in Muqdisho Xoog lagu maquuniyo aaney ugu soo Gurman" Ayuu yiri Siyaasi sare oo Caan ka ah Dalka Itoobiya Isla markaana horay Lataliye ugu ahaa Melez Zenawi.

"Waannu ku Guuleysannay inta badan Qorshahaas oo waxannu haatan sameynnay illaa dhowr Imaaradood (Dowladood) oo Maanta Madaxweynayaashooda, iyo Calamadooda ugaarka ah leh, Iyadoo Qaarkood weliba ay Lacago u gaar ah leeyihiin, Waxana wax ay Dowladda Itoobiya ku faanto ah in Mandaqadahaas Dhammaantood ay si toos ah ugu xiran yihiin Caasimadda Itoobiya, Iyagoo aan wax Xiriir ah la lahayn Caasimadda Muqdisho, Oo weliba qaarkood Magaca Muqdisho haddii lasoo qaado ka Xanaaqa, Waana Qorshe Billow fiican ah oo lagu Najaxay Dhameystirkiisuna uu haatan socdo".

"Halka ugu dhibka badan oo Dowladda Itoobiya laga yaabo in ay Xoog ku Maquuniso waa Magaalada Muqdisho iyo Gobollo kooban oo ku yaalla Koofurta Soomaaliya, Balse taasi waxa ay dheceysaa Marka Arrinta hore ee Dowladaha yaryar la dhameystiro, Si Markaa Howsha dhanka Milateri ay Ciidamadeennu ku fulinayaan ay u noqoto mid kooban oo inteedii badneyd qaab Siyaasadeed lagu Xalliyey, Qasaaraha Ciidamadeenna soo gaarayana uu u koobnaado, Waa Haddiiba uu Qasaaro yimaadee".

"Dabcan Qorshahan ma'ahan mid Dowladdayada Itoobiya oo qura ay fulin kartay oo Dhaqaalaha ku baxaya iyo Xitaa Siyaasiyan ma'ahan mid Fudud, Xargo badan oo isku maleegsanaa ayaa la kala furfuray, Waxana aan meesha ka marneyn in Qubaro taqasus ku leh Dhaqanka Soomaalida, Qabaa'ilkooda, Odayadooda, Iyo Deegaannadooda ay Waqti aad u fara badan geliyeen Najaxidda Qorshahan haatan gabagabada maraya".

"Qorshahan Mar horeba wuxuu inoo ahaa kan aannu marwalba ku hanweyneyn in lagu najaxayo Balse Maadaama uu Waqti badan qaadanayey Waxan ka hormarinnay Qorshayaal kale oo si kedis ah nagu qabsaday Wajihiddoodana aanu ka fursan weynay, Balse wuu socday Qorshaha Imaaradeynta Soomaaliya oo Hadba heer buu soo gaarayey Illaa Maanta la'oran karo wuxuu ku dhowyahay gabogabo".

"Dowladda Itoobiya ma qarsan weligeed Qatarta uga iman karta Dowlad iskuduuban oo ay Soomaaliya yeelato, Dowlad-la'aan in ay Soomaaliya haatan wixii ka dambeeya sii ahaatana inagama go'do oo waannu aragnaa in Argagaxisada Caalamigu ay Soomaaliya ku soo Qulqulayaan, Markaa Xalka ugu wanaagsan ee sida aadka ah looga fekeray ee Soomaaliya loogu talin karo waa (Imaaradeynta Soomaaliya) oo ah in Qabaa'ilka Soomaalida mid walibaa uu Deegaankiisa Dowlad yar uga dhawaaqo Dowladda Itoobiyana uu ka fursan waayo in uu ku soo xirmo".

"Dabcan weey jiraan Soomaali badan oo Qorshahan aan Raalli ka'ahayn ayna u muuqato halka wax loo wado, Balse waxan hubaa in kuwaasi ay u badan yihiin kuwo Qurbojoog (Qaxooti) ah iyo kuwo aaney Awoodi gacantooda ku jirin oo Go'doon ku jira, Waxana aan kuu sheegayaa in Xataa Shaqsiyaadka ku Baraarugsan Qorshahan Imaaradeynta ah aanu Dhawaqoodu gaareyn meel ka sareysa Qabaa'ilka ay ka dhasheen oo aaney Cid kale wax u sheegi karin, Maxaayeelay Soomaalidu Qabiil beey wax isaga dhageystaan".

"Haddii Fursaddan ay Dowladda Itoobiya haatan haysato ay soo mari lahayd Soomaalida, oo Dalka Itoobiya uu Burbursanaan lahaa Iyadoo Soomaaliyana ay Dowlad u dhisan tahay Dabcan waxan hubaa in ay Duullaan ku soo qaadi lahaayeen Dalka Itoobiya oo ay Degmo-Degmo u kala furfuri lahaayeen, Dhulka Soomaali-Galbeedna uu Itoobiya gacanteeda ka bixi lahaa waa hore oo weliba Dadka Reer Itoobiya aaney dib dambe isugu yimaadeen oo Qowmiyad walba ay Goonideeda u bixi lahayd, Marka ma Qarsoona Taariikhaha ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, mana aha Wax Laablakac isaga yimid in Dowladda Itoobiya aysan Raalli kanoqon Soomaaliya oo ay ka dhalato Dowlad mideysan". Ayuu yiri Siyaasi sare oo Caan ka ah Dalka Itoobiya Isla markaana horay Lataliye ugu ahaa Melez Zenawi.

THIS IS YOUR IP ADRESS

MAQAALLO

Itoobiya (Qabaa'ilka Soomaalida ayaan ku Qancinnay in ay Deegaannadooda Dowlado yaryar oo Dowladda Itoobiya ku xiran ka sameystaan, Si Caasimadda Muqdisho ay u noqoto-?) (Sir Culus)

Timir u geysaa Iyo Tiin u dhigtaaba Tigree Tir-tirkaageey u socdaan!.(Maqaal Xiiso Badan) (Shukri Xassan, Shukri Yareey)

Odaygii Daarood ee Itoobiyaanka Watay Af iyo Addinba waad kula Dirirteene, Wiilka Hawiye ee Ugandheyska Ilmihiinna ku leynaya Maxaad uga Aamusteen?.(Maqaal Xiiso Badan)(W/Q:-Seynab Gaabo)

Ma Xusuusataa Labadii Arrimood Ee Uu Melez Zenawi Qirtay In Ay Suurtagalisay Jabkii Ciidamadiisa Ka Qabsaday Dagaalkii Ay Ku Soo Qaadeen Dalka Soomaaliya?. (xasuusin)
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
eXTReMe Tracker
Render time: 0.92 seconds 116,562 unique visits