September 10 2010 21:14:19
DHAGEYSO BBC SOMALI
BBC SOMALI 07:00
BBC SOMALI 11:00
BBC SOMALI 14:00
BBC SOMALI 18:00
DHAGEYSO VOA SOMALI
VOA SOMALI 16:00
VOA SOMALI 19:00
VOA SOMALI 20:00
HOOS KA DAAWO TVGA HILLAAC.NET
HOOS KA DAAWO ISLAM TV
Somali Links
· JILIBWEYN
· GEESGUUD.COM
· ADDACWAH
· CADAALADA
· DAYNIILE
· MARKACADEY
· BCLUB
· SHAACIYE
· DALKANEWS
· HORNAFRIK
· SHABELLE
· BARTAMAHA
· SOOMAALINEWS
· GENDERSHE
· KISMAAYONEWS
· SOMALIMEMO
· RADIO ALFURQAAN
· SHACABKA
· DHACDOOYINKA
· ALLMUQDISHO
· SOMALITALK

Timir u geysaa Iyo Tiin u dhigtaaba Tigree Tir-tirkaageey u socdaan!.(Maqaal Xiiso Badan) (Shukri Xassan, Shukri Yareey)

Muqdisho, Jimce, 09 July 2010, (Hillaac.Net) Waxan Maqaalkeygan ku Billaabayaa Qiso yar oo Naxdin badan oo aan filayo in aan Aqristayaasha Boggan horay ugu soo gudbiyey, Waxay ku saabsananeyd Oday Adeerkey ahaa oo Xilligii ay Tigreegu soo galayeen Magaalada Muqdisho aad ugu faraxsanaa oo weliba sida uu Afkiisa iiga sheegay Timir iyo Raashinba ugu geyn jiray Xerooyinkooda ayaan Maaln Doodnay Annagoo Taleefan kuwada hadleyna, Waxana uu ii sheegay sida uu ugu Faraxsanyahay Ciidamada Itoobiya soo gelitaankii ay Muqdisho soo galeen iyo sida ay u edbiyeen Qabaa'il uu sheegay in Maaro loo waayey oo Kibirkoodii laga joogi waayey, Odayga intii uusan iidhameyn Hadalka ayaan Anigoo Si Xushmad badan ula hadlaya Maadaama uu Waalid ii yahay ayaan Intaan ka dhex galay Hadalkiisii isku dayey in aan ku Qanciyo in Tigreegu aaney Weerar ku ahayn Qabiil Gooni ah, Qabaa'ilka Soomaaliduna aaney Iyagu u kala soocneyn Balse ay Weerar ku yihiin Dadka Soomaaliyeed oo dhan iyo Dalkooda, Colaad, iyo Cadawtinnimo Raagtayna ay u qabaan Ummadda Soomaaliyeed dhammaanteed.

Odayga Dood dheer oo aanan Qoraal ku soo koobi karin baa ina dhex martay, Isagoo intii uu hadlayey oo dhan tirinayey Dhibaatooyin uu Magacaabayey oo Qabaa'il Soomaaliyeed in ay Soomaali kale u geysteen sheegayey, Waxana uu ku celcelinayey in Tigreegu aaney keeneyn Dhibaato ka badan tan Haatan Soomaalida ay ku hayaan Qabaa'ilkaas uu Magacaabayey.

Markii aan Odayga isku Daalney ayaan Hadalkii u soo koobay oon ku iri:- "WALLEE TIMIR U GEYSAA IYO TIIN U DHIGTAABA TIGREE TIR-TIRKAAGEEY U SOCDAAN".

Maalintii Odaygaas Adeerkeey ah ay Dooddaasi ina dhexmartay Maalintii ku xigtay ayaa Dagaal Xun Magaalada Muqdisho ka dhacay Waxana dhacday in Meydka Tigreega la gubay oo iyadoo la jiidayo la keenay Suuqa Bakaaraha, Dabadeed Tigreegii inteey xirteen Wadooyin ay ka mid tahay Waddada Soddonka ayey Shacabkii marayey oo idil Gowraceen Gaar ahaan Shacabkii aan Colleysaneynin Tigreega ee Saaxiibka ka dhiganayey, Illeyn Iyagaa isku Aaminayey oo marayey Waddooyinka ay Tigreegu joogaane, Nasiib Xumo Adeerkeey wuxuu ka mid noqday Shacabkaas ay Tigreegu ku Bireeyeen Waddada Soddonka, Iyagoo weliba Meydadkii Dadkaas ay Bireeyeen oo uu ku jiro Adeerkeeygii Timirta u geyn jiray ay diideen in la'aaso oo Maalmo kadib ay Eeyaha ku ceneen Waddada Soddonka.

Haddaba Hadalkii aan Adeerkey Allaha u Naxariistee uga Waaniyey ku farxidda iyo Taageridda Tigreega ee ahaa TIMIR U GEYSAA IYO TIIN U DHIGTAABA TIGREE TIR-TIRKAAGEEY U SOCDAAN ayaan Maanta Shacabka Soomaaliyeed Mar kale ugu celinayaa, Qofwalba Isagoon Cidna u daneyn Nafsaddiisa ha'udaneeyo oo ha'ogaado in Tigreegu Cadaw u yahay Soomaalida oo dhan, Waxadna Ogaataa Xilligii Tigreegu soo galeen Soomaaliya Dadka ugu badan ee Dhibaatadu soo gaartay waxay ahayd Shacabkii aan Cadawga ka dhigan Tigreega ee la Rafiiqay, Islamarkaana maray Waddooyinkii ay joogeen, Uqaxay Dhankii ay ka xigeen, Una Mashxaradayey.

Shacabkii Markii Tigreegu soo galay Baraarugsanaa Iyagu Dhankoodaba kama dhawaan, Cadaw inuu yahay beey ogaayeen, Shacabkaas waxay u qeybsameen kuwo kaba qaxay Meelihii ay Tigreegu ka agdhawaayeen, Iyo kuwo kula dagaallamay Wixii Awood ah ee ay heli kareen.

Waan la soconnaa Tigreegu wixii ay xitaa u geyteen Xoolodhaqatadii Baadiyaha Bakool Xoolahooda ku raacanayey oo ay Waddooyinkii Baadiyaha ee ay marayeen u galeen oo ay ku Gowraceen, Waxan kaloo la soconnaa in Masjid ku yaalla Waxaracade ay sidii Xoolihii ugu dhex bireeyeen Wadaaddo Tabliiq ah oo Masjidkaas isaga Cibaadeysanayey, Waxan Xasuusannaa Dumarkii Soomaaliyeed ee Masaakiinta ahaa ee Carruurtooda la qaxayey Qaabkii Foolxumada ahayd ee ay u kufsadeen, Dabcan lama soo koobi karo Dhibaatooyinka Tiiraanyada leh ee ay Tigreegu u geysteen Shacabka Soomaaliyeed, Waxanse aan u guudmaray Dhibaatooyinkaas bal in aan Shacabka Soomaaliyeed xasuusiyo Cadawgii Jariimadaas geystay oo aysan u kala soocneyn Ummada Soomaaliyeed in Maanta ay misana Dad Soomaalinnimo sheeganaya ay ugu yeerayaan in Marlabaad ay Xasuuqaas ay horay ugu geysteen Ummadda Soomaaliyeed mid lamid ah ama ka sii xun u geystaan, Waxan Markaa Ummadda Soomaaliyeed Yar, Iyo, Weyn, Rag, Iyo Dumarba ugu baaqayaa in ay Dagaal kala hortagaan oo ay ogaadaan in Tigreegu ay Gurigiisa ku dhex bireynayaan kan mooda in aaney Tigreegu isaga u socon, Intii Gurigaaga lagugu dhex dili lahaa, Ama Masjidka Adigoo ku jira lagugu dhex bireyn lahaa soow kama habboona in aad gobannimo ku dhimato oo Adigoo la Dagaallamaya Injirleeyda aad ku dhimato haa, haa, Alleylehe Haa, Kuwa Iyagu Timirta u geynaya ee Tigreega Walaashanaya Kuwaas iyaga Waqtiga u daa, Hilibkooda Tigreegu Ceyriinka haku cuneen!!.

W/Q:- (Shukri Xassan, Shukri Yareey).

THIS IS YOUR IP ADRESS

MAQAALLO

Itoobiya (Qabaa'ilka Soomaalida ayaan ku Qancinnay in ay Deegaannadooda Dowlado yaryar oo Dowladda Itoobiya ku xiran ka sameystaan, Si Caasimadda Muqdisho ay u noqoto-?) (Sir Culus)

Timir u geysaa Iyo Tiin u dhigtaaba Tigree Tir-tirkaageey u socdaan!.(Maqaal Xiiso Badan) (Shukri Xassan, Shukri Yareey)

Odaygii Daarood ee Itoobiyaanka Watay Af iyo Addinba waad kula Dirirteene, Wiilka Hawiye ee Ugandheyska Ilmihiinna ku leynaya Maxaad uga Aamusteen?.(Maqaal Xiiso Badan)(W/Q:-Seynab Gaabo)

Ma Xusuusataa Labadii Arrimood Ee Uu Melez Zenawi Qirtay In Ay Suurtagalisay Jabkii Ciidamadiisa Ka Qabsaday Dagaalkii Ay Ku Soo Qaadeen Dalka Soomaaliya?. (xasuusin)
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
eXTReMe Tracker
Render time: 0.34 seconds 116,567 unique visits