Muqdisho, 28 Okt 2009, (Hillaac.Net) Bil Kadib Markii Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ay Isaga Carareen Dalka Soomaaliya ayaa sida aad Badankiin Xasuusataan Shabakadda Hillaac.Net waxa lagu soo qoray Wareysi Dheer oo uu Ra'isul-Wasaaraha Dalka Itoobiya siiyey Mid ka mid ah Wargeysyada ugu caansan Dalka Itoobiya oo uu uga Faallooday Sababihii ay Ciidamada Itoobiya ugu soo jabeen Dagaalkii ay ku qaadeen Dalka Soomaaliya kuna Qabsadeen Caasimadda Muqdisho, Melez Zenawi ayaa 2 Arrimood ku soo Koobay Sababihii keenay in Ciidamadiisu ay si Xun ugu soo Jabaan Dagaalladii ay ku Qaadeen Dalka Soomaaliya, Haddaba Maxey ahaayeen Labadaas Arrimood ee uu Melez Zenawi sheegay:-
Melez Zenawi ayaa Isagoo Jariidaddaas u Warramaya Hadalkiisa ku Billaabay:-
''Sabab Walboo ay Ciidamadeenna Qaranka Itoobiya ku galeen Dalka Soomaaliya Haatan Waa In aynu Qirannaa in aanu ku soo Guuldarreysannay Dagaalkii aynu ku qaadnay Soomaaliya ee aanu ku tagnay Magaalada Muqdisho Labo Arrimood Dartood, Labadaas Arrimood oo kala ah:-
1) ''Horta Soomaaliya waxay Qasan tahay in ka yar 20 Sannadood Shacabkii Soomaaliyeed ee ka Qaxay Dhulka Soomaaliya Xilligii ay Dowladdoodii dhacday 1990kii kuwoodii Qaangaarka ahaa ee ku soo Barbaaray Dalkooda Haatan waa Dhallinyaro aysan qaarkood ka weyneyn 40 Sannadood welina jecel kuna xiran Dadkooda iyo Qaraabadooda intii Dhulka Soomaaliya ku hartay ee aan Qixin, Lacagaha ay Qurbaha ka Shaqeystaan Dadka Soomaaliyeed ee soo haajiray Qaas ahaan kuwa soo aaday Waddamada Qaniga ah ee America, Yurub, Iyo Asia waxay ku Quudiyaan Qaraabadooda inta ku hartay Waddanka, Weliba Lacagaha ay ku Dagaallamayaan Kooxaha Islaamiyiinta iyo Waddinyiinta Ciidamada Itoobiya ku qasbay ineey Waddanka Soomaaliya ka soo baxaan waxaa bixiyey Qurba joogta Soomaalida ee Waddankooda ku soo barbaaray waxna ku soo bartay''.
''Marka waxan qabaa Arrinta Koowaad ee ay Ciidamada Itoobiya ugu suurogeli weyday in ay Guulo ka soo hooyaan Dagaalkii ay Gudaha Soomaaliya ku galeen waa tan ah Qarashka Qurbajoogta Soomaalida kuwooda Waddanka Soomaaliya ku soo Barbaaray waxna ku soo bartay oo ka warqaba Taariikhda u dhexeysa Labada Waddan ee Itoobiya iyo Soomaaliya, Waxanse qabaa in aysan Arrintaasi sidaa sii ahaan doonin oo aysan sii socon karin Haddii 20 Sano oo kale la sii sugo oo Carruurta Soomaalida ah ee Qurbaha ku kortay ama ku dhalatay ay Waaweynaadaan Soomaalida Hadda joogta oo Dhaqanka Dalkooda iyo Dadkooda ay ku weyntahayna ay Howlgab noqdaan, Maxaa yeelay Carruurta Qurbaha ku kortay Waxba ka Garan mayaan Dhaqanka Soomaalida ee Iscaawinta ku dhisan Iyo Lacagaha loo diro Qaraabadooda ku Dhaqan Gudaha Waddanka Soomaaliya''
2) ''Arrinta 2aad ee Ciidanka Itoobiya ay Dhibaatada Xoogga weyni ka soo gaartay waa Kooxda Alshabaab oo ah Dhallinyaro aad u tababaran, Xagjiriin ah oo Ciidamadeenna kula Dagaallmay Dagaal Gorille ah iyo weliba Ismiidaamin, Taasoo aysan Ciidamada Itoobiya horay ugu Xisaabtamin, Waxana Ciidamadeennu ay Nolosha ku Adkaatay markii Kooxda Alshabaab ay ku Guuleysteen in ay jaraan Waddooyinkii Ciidamadeennu ay Saadka u soo mari jireen, Kuwaasoo ay ka dhigeen kuwo ay Miino ku aasaan iyo kuwo ay Hareeraheeda si Gaadmo ah ugu dhuuntaan oo ay Ciidamadeenna ay kula galaan Dagaal ay u bixiyeen Kudhufo-oo-Kadhaqaaq, Arrimaha ay Kooxda Alshabaab ku Guuleysteen waxa ka mid ah iyaga oo Ugaarsaday Baabi'iyayna Soomaalidii Ciidamadeenna la shaqeyneysay Illaa markii dambe la waayo Cid Soomaali ah oo Ciidamadeenna la shaqeysa, Taasina waxa ay keentay in Ciidamada Itoobiya ay Howlgal walba Gacmahooda ku fuliyaan Sidaasna ay ku bateen Dhibaatooyinkii Ciidamadeenna ka soo gaaray Howlgalladii Dhibka badnaa ee ay Wiilasheennu ka fulinayeen Dalka Soomaaliya, Labadaas Sababood ayaa ugu waaweynaa Guuldarradii ay Ciidankeennu kala soo noqdeen Waddanka Soomaaliya Inkastoo ay jireen Sababo kale'' Ayuu yiri Melez Zenawi oo Qiranayey in Ciidamadiisu ay ku soo Jabeen Dagaalkii ay u aadeen Dalka Soomaaliya Waa sida ay Xilligaas qortay Jariidaddaas ka soo baxda Dalka Itoobiya.
HADDABA AQRISTAHA QAALIGA AHOOW KA FEKER SABABTA AAN HAATAN DIB IDINKUGU SOO XASUUSINNAY HADALKII MELEZ ZENAWI UU XILLIGAAS SHEEGAY!!. |