(Madrid) 13 Feb 2018 Atletico Madrid ayaa u muuqata inay heshay badalka weerar yahankeeda reer France ee Antoine Griezmann kaas oo ku sii jeeda Barcelona.

Wargayska Bild ee dalka jarmalka ayaa baahiyay in Atletico Madrid ay sifiican ula socoto xaalada weerar yahanka kooxda RB Leipzig ee Timo Werner.

Indha indheeyayaal ka socda Atletico Madrid ayaa daawaday kulankii jimcihii ay RB Leipzig uga adkaatay 2-0 kooxda Augsburg, waxayna si gooni ah u daawanayeen weerar yahanka 21-jirka ah ee Timo Werner.

Image result for Timo Werner

Tababare Simeone ayaa doonaya si walba oo ay ku qaadato inuu soo xerogaliyo Timo Werner dhamaadka xiliciyaareed kaan, wuxuuna u arkaa badalka Griezmann kaas oo ku dhaw inuu ka tagyo Atletico.

Timo Werner ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigaya kooxdiisa, wuxuuna xili ciyaareed kaan u dhaliyay kooxdiisa 10-gool.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR