Daafaca Real Madrid, ee Dani Carvajel, ayaa waxaa soo wajahay toddobaadyadii ugu dambeeyay xaalad caafimaad xumo oo ku aadan wadnaha, waxaana haatan war kasoo baxay kooxdaan lagu sheegay inuu yahay mid fiican.

Laacibkaan ayaa wuxuu ahaa mudooyinkii dambe mid halis ku jira caafimaadkiisa, isagoona la sheegayay inuu wajihi karo, baaritaan caafimaad, islamarkaana uu ku jiro qaliin looga sameeyo dhanka Wadnaha.

Balse, warkaan kasoo baxay Boqorada Horyaalka Spain ee Los Blancos ayaa xaqiijisay in wiilkeedaan uu ka fogyahay haatan wax waliba oo u keeni kara hali caafimaad, waxaana ay sheegeysaa inay ka fiican tahay xaaladiisa sidii hore.

Horey waxay usheegtay Madrid, in Carvajel, uu garoomada ka maqnaan doono wax ka badan lix usbuuc, isagoona haatan ah, mid la sheegayo inuu kasoo dhaqso karo intaas isagoona kusoo laaban kara, muddo afar toddobaad ah.

Dani ayaa wuxuuu yahay mid muhiim u ah shaxda Zidane, wuxuuna ka qeyb  qaataan guulaha ay gaarto Real, isagoona ah xidiga ugu badan ee dheelay daqiiqadaha Kooxdiisa, waxaana uu ciyaaray 990 daqiiqadood.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR