Kismaayo (RBC Radio) Deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose oo ay ka talisay Jubbaland,waxaa ka hirgalay bandow uu dhawaan soo rogay maamulka gobolka.

Bandowga ayaa xalay laga dareemay dhammaan deegaannada uu maamulka furey,xilli hore oo xalay ah waxaa gabi ahaanba la xiray goobaha ganacsiga dadka ayaana guryahooda ku laabtay xilli hore.

Mas’uuliyiin u hadlayay hay’adaha ammaanka Jubbaland ayaa u sheegay Raxanreeb,bandowga inuu qeyb ka yahay qorshaha uu maamulka ku doonayo inuu ku gaaro dhammaan deegaannada gobolka ee ay al-Shabaab gacanta ku hayaan.

Warar kale ayaa sheegaya deegaannada ku dhow Kismaayo ee bandowga lugu soo reygay inay ka mid-yihiin deegaannada ay ka soo weerar-tagaan dagaal-yahanno al-Shabaab oo ku sugan qeybo gobolka ka mid ah.

Hoos ka akhriso wareegto uu maamulka Jubbada hoose bandowga ku soo saarey:-


__
RBC Radio

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR