Camaaliqada Horyaalka Spain, ee Barcelona, ayaa si cad waxay usheeegtay in bisha soo socota ee Janaayo ay usoo dhaqaaqi doonto saxiixi laacibka Liverpool ee Philippe Coutinho, Kaasoo haatan ay ugaarsaneysa mudooyinkii dambe.

Laacibkaan ayaa wuxuu bartilmaameed u ahaa Camaaliqada Horyaalka Spain, tan iyo markii uu ka tegay Neymar, kaasoo aaday PSG, waxaana lagu gatay aduun dhan 222 Malyuun wuxuuna saxiixay shan sano, xagaagan.

Madaxda ugu sareysa ee Blaugrana, ayaa xaqiijiyay inay ka bixin doonaan Wiilkaana aduun lacageed waliba oo lagu burburin karo, qandaraaska uu kula jiro Reds, sida ay sheegeyso Majalada Don Bolon oo Spain kasoo baxda.

Barca ayaa waxay dooneysaa in Coutinho ay ku xoojiso safkeeda Horyaalka La Liga, maadaama uusan dheeli karin, hadii uu yimaado xagaagan, uuna usoo dheelay Champions League naadiga Liverpool.

Imaanshah Coutinho, ee Spain, ayaa waxay ka dhigan tahay in taageerayaasha aysan tabi doonin Neymar, kaasoo ay aaminsan yihiin inuu ka doortay koox kale, taasoo ah PSG, waxaana ay unoqon doontaa farxad waali ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR