Xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho ayaa ka hadlay isbeddelka uu dareemay intii uu ka ciyaarayay horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga ee uu xidhnaa funaanadda Bayern Munich, halkaas oo uu kula joogo laba sannadood oo amaah oo uu ugaga soo wareegay Barcelona.

Coutinho oo xili ciyaareed niyad-jab leh ku qaatay Camp Nou ayaa waxa uu doonayaa inuu dhamaysto waqtiga uu dhigayo heshiiska amaahda ah ee uu ku joogo Bayern Munich, taas oo 18 ciyaarood oo u saftay uu u dhaliyey saddex gool, hase yeeshee uu dib ugu soo noolaynayo bandhig ciyaareedkiisii ka hor intii aanu Barcelona tegin ee uu Liverpool ka tirsanaa.

“Xaqiiqadii fiicnaan ayaan dareemayaa, waxaanan qorshaynayaa inaan sii joogo sannad oo aan dareenkaygu halkan ku koobnaado, laakiin haddii wax walba hagaagsanaadaan, waxaan jeclaan lahaa inaan iska joogo.” Sidaas ayuu yidhi Coutinho oo kaydka ku bilowday ciyaartii guul-darradu kasoo gaadhay kooxdiisa usbuucan ee Bayern Leverkusen ay 2-1 kaga adkaatay.

Bayern Munich oo dhawaan shaqada ka eriday tababaraheedii Niko Kovac oo lagu beddelay Hansi Flick, waxaana macallinka cusub uu soo celiyey guulihii inkasta oo Sabtidii ay Leverkusen u xambaarisay guul-darradii ugu horreysay.

Advertisements

Coutinho oo tababaraha cusub ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in is-faham uu ka dhex dhaliyey kooxda, tababar fiicanna siiyo.

“Waxaanu si fiican u fahamnaa qaabka uu tababarka u bixiyo iyo sida uu u ciyaarayo, wax walbana sababtaas ayay u hagaageen. Flick qof walba muhiim ayuu ka dhigaa, farxadna wuu siiyaa, laakiin waanu ognahay in shaqo badan noo taallo.” Ayuu yidhi.

 

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR