(Barcelona) 16 Maajo 2018 Barcelona ayaa u muuqata mid ka fikiraysa badalka weerar yahankeeda Luis Suarez kaas oo sanado badan ku qaatay kooxda reer Spain.

Barnaamijka El Chiringuito de Jugones ayaa lagu sheegay in maamulka kooxda Barcelona ay ku fikirayaan inay iska iibiyaan Luis Suarez suuqa xaggaagan.

Image result for Firmino Barcelona

Maamulka ayaa dareensan in Suarez oo 31 jir ah uu hoos u dhacayo qaab ciyaareedkiisa sanadba kan ka sii danbeeya, intabadan xubnaha maamulka ee Barcelona ayaa isku raacsan in haatan la iibiyo Suarez si loogu helo lacag fiican.

Waxayna durba diirada saarteen weerar yahanka kooxda Liverpool ee Roberto Firmino si ay ugu buuxiyaan booska Luis Suarez.

Firmino ayaa qayb ka ah qaab ciyaareedka wacan ee xiliciyaareed kaan ay soo bandhigtay Liverpool, Barcelona ayaana il gaar ah ku haysa xiddiga reer Brazil.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR