(Barcelona) 16 Maajo 2018 Kooxda Barcelona ayaa heshiis la gaartay daafaca kooxda Sevilla iyo xulka qaranka France ee Clement Lenglet.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Barcelona ay heshiis la gaartay daafaca Sevilla ee Clement Lenglet si uu ugu soo dhaqaaqo Camp Nou dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Barcelona ayaa ku la heshiisay daafacaan 22-jir ah inuu u saxiixo kooxda heshiis dhan 5-sano, waxaana lagu xirayaa qodob dhigaya in lagu burburin karo 500 milyan oo euro.

Kooxda tababare Valverde ayeey ka go’antahay dhamaystirka saxiixa Clement Lenglet xitaa haddii Samuel Umtiti uu sii joogo.

Laacibka qudhiisa ayaa haatan aad ugu xamaasad qaba inuu ku biiro Barcelona.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR