Kooxda Barcelona ayaa ku digatay Man United kadib guushii 3/0 ahayd ee ay kaga gaadheen Camp Nou kana tirsanaa lugta 2-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League.

Taageerayaasha Man United ayaa hees u sameeyay tababare Ole Gunnar Solskjaer kadib markii ay kooxdu bilowday in ay qaab cajiib ah u ciyaarto tan ilaa markii laga caydhiyay jose Mourinho.

“Ole At The Wheel” ayaa ah heestii ay taageerayaasha Man United u qaadayeen tababare Solskjaer tan ilaa markii uu shaqada ka badalay tababare Jose Mourinho bishii December ee sanadkii hore.

Laakiin Barcelona ayaa heestaas u adeegsatay in ay ku digtaan Man United kadib markii ay Gareen Red Devils kana reebeen tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

“Messi At The Wheel” xilli ay sii raaciyeen sawir Leo Messi ah oo ay soo dhigeen bogooda Instagram Kaas oo ay “Like” Sareen in ka badan 600,000.

Lionel Messi ayaa laba gool ka dhaliyay kooxda Man United sabab weyna u noqday in ay isaga hadhaan tartanka champions League.

Man United ayaa haatan diirada saari doonta kulanka Everton ee premier League ah ee ay ciyaarti doonto todobaadka dambe.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR