(Barcelona) 11 Jan 2019. Sida laga soo xigtay wargeysyada kala duwan, Barcelona ayaa Chelsea u soo bandhigtay heshiis isweydaarsi ah uu qeyb ka yahay Willian iyo sidoo kale lacag aad u badan.

Willian ayaa in mudo ah bar-tilmaameed u soo ahaa kooxda Barcelona, waxayna markan diyaar u yihiin in laacibkooda reer Brazil ee Malcom lagu daray £ 50 million ay ku soo qaatay khadka dhexe kooxda Blues.

Dalabka kooxda reer Spain ayaa laga yaabaa inuu noqdo mid soo jiidasho leh, maadaama Willian da’adiisu haatan gaarsiisan tahay 30 jir, isla markaana heshiiska uu ku joogo garoonka Stamford Bridge uu yahay mid ka yar labo sano.

Barcelona ayaa tartan adag kala kulmi doonta kooxda ka ciyaarta horyaalka Chinese Super League ee Dalian Yifang, laakiin Willian ayaa doonaya inuu ka dhabeeyo riyadiisa si uu ugu dhaqaaqo kooxda reer Catalonia.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR