15077258527745

(Catalonia) 12 Oct 2017. Arbacaddii agaasimaha guud ee Barcelona Oscar Grau, waxa uu difaacay xaaladooda dhaqaale waxa uuna sheegay in ay diyaar u yihiin in bisha Janaayo ay u dhaqaaqaan Philippe Coutinho.

Arintan oo ah mid aan laga soo dhaweeneyn Merseyside, Grau, waxa uu qiray in kooxdu ay ka go’antahay in ay la soo saxiixtto Brazilian-ka sanadda cusub xittaa hadii ay Liverpool go’aankeeda diidmadda ku taagnaato.

“Waxaan diyaar u nahay in aan la soo saxiixanno Coutinho ama ciyaaryahan kasta oo kale,” ayuu ku sharraxay shirkiisii jaraa’id ee shaarica loo soo dhigayey dhaqaalaha kooxda ee 2016-2017.

‘Xittaa hadii kooxuhu aysan rabin in ay iibiyaan, xaqiiqdii waan isku dayi doonnaa hadii boodhku go’aansado in ciyaaryahanka loo baahan yahay.”

Barcelona waxa ay ku dhawaaqday in ololihii hore soo galay dakhli dhan 708 million taas oo u ogolaatay miisaaniyad ahaan xilli ciyaareedkan u qoondeeyaan 897m euros, waa miisaaniyaddii ugu badneyd taariikhda kooxda.

GoolFM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR