(Barcelona) 06 Dis 2018. Barcelona ayaa si rasmi ah ugu shaacisay website-keeda heerka uu gaarsiisan yahay xaalada dhaawaca ee laacibka reer Brazil Malcom iyo mudada uu maqnaanayo kulankaan.

Malcom ayaa yimid kooxda Barcelona xili ciyaareedkan, wuxuuna dhaawac halis ah kasoo gaaray dhanka canqowga lugta midig inta lagu gudi jiray kulankii xalay ee Leonesa.

War saxaafadeed ka soo baxday kooxda Barcelona ayaa lagu sheegtay in Malcom oo 21 jir ah uu ka soo gaaray dhaawac dhanka canqawga ah ee lugta midig, islamarkaana uu garoomada ka maqnaan doono 10 ilaa 15 maalmood.

Malcom ayaa kasoo muuqday 8 kulan ee ah xili ciyaareedkan tan iyo markii uu yimid kooxda Barcelona, wuxuuna goolkiisa koowaad dhaliyay kulankii Inter Milan ee Champions League halka goolkiisa 2-aad uu u dhaliyay kooxda Barcelona kulankii xalay ee Leonesa.

Laacibka reer Brazil ayaa seegi doona kulamada Espanyol iyo Levante ee horyaalka La Liga dalka Spain, iyo sidoo kale kulanka Tottenham ee tartanka Champions League.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR