(Barcelona) 11 Okt 2018 Barcelona ayaa tilaab u qaaday dhamaystirka saxiixa daafaca kooxda Ajax iyo xulka Holland ee Matthijs de Ligt.

Sida ay baahisay Mundo Deportivo, Barcelona ayaa wadahadal la furtay kooxda Ajax si ay u hesho saxiixa daafaca 19 jirka ah ee Matthijs de Ligt.

Image result for Matthijs de Ligt Barcelona

Da’yarkaan ayaa u ciyaarayay safka hore ee Ajax ilaa 17-jirkiisii, wuxuuna ciyaaray Final-kii Europa League ee Ajax ay la ciyaartay Manchester United 2017.

Barcelona ayaa waqti dheer indhaha ku haysay saxiixa Matthijs de Ligt, balse kooxda ayaa ka warhaysa in qiimihiisu uusan ka yaraan doonin 75 milyan oo Euro.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR