Image result for Griezmann Barcelona

(Barcelona) 14 Nof 2017 Barcelona ayaa xooga saaraysa sidii ay u dhamayn lahayd saxiixa laacibka Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Kooxda reer Spain ayaa wadahadal qarsoodi ah la bilowday Antoine Griezmann isbuucyadii u danbeeyay sida ay baahisay Le 10 Sport.

Image result for Griezmann Barcelona

Atletico Madrid ayaa laga yaabaa inay aqbasho iibka Griezmann maadama kooxdu ay dib u soo ceshatay Diego Costa.

Wadahadalada ayaa haatan maraya meel fiican, waxaana dhaw in labada dhinac ay gaaraan is afgarad ku aadan sidii uu ugu biiri lahaa Barcelona.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Barcelona aysan ilaa haatan wax wadahadal ah lafurin Atletico Madrid.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR