Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee
Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada
baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur
Galbeed.

Shirkan oo looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin qiimeynta
waxyaabaha ka qabsoomey kulamadii hore ee shirka iyada oo sidoo kale
lagu dersi doono caqabadaha jira isla markaana lagu qorsheynayo qodobada
mudnaanta iyo muhiimadda gaarka ah u leh dalka gaar ahaan dhinaca
Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale qorsheysan in lagu soo bandhigo
qorshaha xili-kordhinta mudada waxqabadka Mashruuca Taakuleynta
Isgaarsiinta iyo Mashruuc ballaaran oo dhinaca tiknolojiyadda ah oo isku
xiri doona qaar kamid ah wadamada geeska Afrika gaar ahaan dalalka
Itoobiya, Eretereya, Jabuuti, Kenya iyo Dalkeena.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee
Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Xildhibaan
Mohamednuur Sheekh Cadde, oo soo dhoweeyay ka-soo-qeybgalayaasha ayaa
sheegay in ay sharaf weyn u tahay in Iagu qabto shirkan oo ah kii 4aad
ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan magaalada Baydhabo isaga oo u
rajeeyey guul qodobada iyo ajandayaasha horyaala shirka.

Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee Puntland iyo HirShabeelle oo
hadallo kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa waxa ay sheegeen inay
ku faraxsan yihiin ka soo qeyb-galka kulankan iyaga oo ka mahad celiyey
wadashaqeynta dhow ee ay suurto geliyeen kulammada nuucan oo kale ah.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada,
Md. C/laahi Bile Nuur, ayaa adkeeyey in Wasaaraddu ay muhiimad gaar ah
siineyso talada iyo fikirka wasaaradaha dawlad-goboleedyada si loogu
wada shaqeeyo qorshe laga wadatashaday.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng.
Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si kooban uga hadlay waxyaabahii u qabsoomey
Wasaaradda muddadan kooban iyo waxyaabaha laga filanayo gebo-gebada
kulan, isaga oo xusey in ay ka go’antahay Wasaaaradda in ay wadatashi
joogto ah iyo xiriir aad u dhow oo wadashaqeeneed la yeelato Wasaaradaha
ku abbaaran ee dowlad goboleedyada dalka si loo helo qorshe loo wada
dhanyahay, laga tashtay oo dalka gaarsiiyo horumar si guud u wada
saaameeya.

Ugu dambeyntii Madaxweyanaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee
Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si
rasmi ah u furay Shirka isaga oo kula dardaarmey ka soo qeyb galayaasha
in ay maskaxda shiilaan kana wadashaqeeyaan sidii loo dardargelin lahaa
qorshayaasha qaran ee la xiriira Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Dalka.

Shirkan oo mudo seddex Maalmood ah ka socon doona Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgalay ka faa’iideystayaasha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta sida Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR