Karl-Heiz Rummenigge ayaa daaha ka rogay in ay fasaxayaan isla markaasna ay dhageysan doonaan dalabyada kasoo gaaraya difaacooda lagu magacaabo Jerome Boateng.

Difaaca heerka caalami ee xulka qaranka Germany ayaa toddobo xilli ciyaareed ku qaatay Bayern garoonkeeda  isagoo kaga soo biiray kooxda Manchester City sanaddii 2011.

Boateng ayaa la tacaalayay dhibaatooyin dhaawac saddexdii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay waxaana 29-jirkan laga waayay qorshaha macallinka cusub ee Bavarian Niko Kovic.

Kovic ayaa u arka inuu booskaas ku haboonyahay isla markaasna uu kasoo bixi karo Nickolas Sule oo 22-jir ah, sidaas darteed Boateng waa iska iibin doonaa, xilli kooxda Bundesliga-ha rukumatay ay dooneyso inay lacago dhaafsato laacibkeeda.

Macallinka Manchester United ee Jose Mourinho ayaa jaceyl weyn u qaba laacibka asal ahaan kasoo jeeda Ghana ee Boateng, waxaana uu ka mid yahay xiddigaha uu ka baadi goobayo inuu suuqa kala iibsiga xilli ciyaareedkan uu kala boodo.

Macallin Mo ayaa hadalkan u arka mid uu uga bixi karo baahida uu qabo difaac uu la mataaneysiiyo Eric Bailly, xilli uusan la dhacsaneyn Chris Smalling, Phil Jones iyo Victor Lindlof oo u muuqda mid la iska fasixi doono.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR